Jawaabta Deg-dega ah Iyo Ka Faa’iidaysiga Maskaxda!
Macalinka ayaa Ardayda fasalka ee ku jiray xiisadda sawirka u sheegay inay sawiraan geed ay fuushan yihiin shimbiro, kaasi oo noqonaya imtixaan tijaabo ah.
Mudada sawirka uu Macalinka u qabtay ayaa ahayd muddo 10 daqiiqo ah, markii uu wakhtigii dhamaaday ayuu macalinku sacabka tumay oo ku yidhi joojiya qoraalka sawirka, miiskana dhiga waraaqaha aad ku sawirteen geedka iyo shimbiraha saaran.
Macalinka ayaa bilaabay inuu ururiyo waraaqaha ardaydu ku sawirtay geedka iyo shimbiraha guudkiisa fuushana.
Mid ka mid ah ardayda ayaa u dhiibay warqadiisa oo uu ku sawiran yahay geed keliya. Macalinka oo aad cadhooday ayaa ku yidhi: “ Waaryaa, maxaad u sawiri weyday shimbirihii ”? Ardayga oo aad u maskax badnaa ayaa ku jawaabay “ Macalin soo digii sacabka tumay, way duuleen markii aad sacabka tuntay”.! Habka jawaabista degdeg ahi waa xirfad ay hibo u leeyihiin dad kooban

























