Dardar-gelisay Horumarinta Daryeelka Bulshada JSL

0
224

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa isku-xidhka iyo wax-ku-oolnimada barnaamijyada caafimaadka iyo nafaqada, iyada oo qabatay shir heer sare ah oo lagu falanqeeyay horumarka, caqabadaha iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee la xidhiidha adeegyada caafimaadka bulshada. Shirkaas oo si rasmi ah uu u furay Wasiirka Wasaaradda Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa ahaa mid muujinaya sida ay wasaaraddu uga go’an tahay in la dhiso hannaan mideysan oo u adeegaya daryeelka caafimaad ee muwaadiniinta.

Madaxda kala duwan ee wasaaradda, hay’adaha taageera barnaamijyada caafimaadka iyo nafaqada, iyo qaybaha kale ee bahda caafimaadka oo ka qaybgalay shirkan, waxa ay ka dhigan yihiin in laga gudbay heerkii shaqooyin gooni-gooni ah lagu qaban lahaa, loona gudbay madal wadajir looga shaqaynayo horumarinta caafimaadka bulshada. Sida uu iftiimiyay Agaasimaha Guud Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, kaas oo tilmaamay in midnimada iyo isku-duubnidu ay tahay furaha lagu gaadhi karo yoolalka horumarineed ee caafimaadka.

Shirku wuxuu iftiimiyay baahida loo qabo in adeegyada nafaqada, gaar ahaan kuwa hooyada iyo dhallaanka loo dardargeliyo iyadoo lagu salaynayo xog sugan iyo iskaashi rasmi ah oo dhex mara hay’adaha kala duwan. Tani waxay ka tarjumaysaa faham qoto dheer oo ah in nafaqadu tahay tiir muhiim u ah caafimaadka guud ee bulshada, gaar ahaan da’yarta iyo haweenka.

Wasiirka Caafimaadka, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa si cad u muujiyay doorka muhiimka ah ee barnaamijyadani ku leeyihiin horumarka caafimaadka bulshada, isaga oo ku dhiirrigeliyay dhammaan ka qaybgalayaasha in ay si dhab ah uga wada hadlaan qodobada muhiimka ah si natiijadu u noqoto mid wax-ku-ool ah, isla markaana la jaanqaadaysa baahiyaha dhabta ah ee shacabka.

Gunaanadkii, shirkan wuxuu ahaa mid muujiyay hoggaan iyo aragti fog oo dhinaca horumarinta caafimaadka ah. Haddii si joogto ah loo sii wado isku-duubnida noocan ah, waxa suurtogal ah in Somaliland gaadho heerar sare oo caafimaad iyo nafaqo ah, kuwaas oo saldhig u noqon doona mustaqbal caafimaad qaba oo waara.