Macnaha Dawladnimo Iyo Is-fahanka!

0
159

Falsafadda siyaasadeed (Political Philosophy) ayaa ah jawaabta su’aalaha asaasiga ee la xidhiidha xukuumadda, siyaasadda, xorriyadda, cadaaladda iyo hirgelinta xeerarka iyo shuruucda.

Thomas Hobbes oo ahaa Faylasuuf Ingiriis ah oo dhintay Bishii Oktoobar 1679-kii ka dib markii xanuun kaga dhacay  kaadiheysta, ka dibna uu faalig ku keenay ayaa isagu qoraaladiisa faraha badan ee uu macnaha dawladnimada ku qeexayo ku qoray :”  Dadku waxay ku noolaayeen loolan iska soo horjeeda taasi oo marka danbena keenaysa in dhinac kastaa uu khasaaro, Sidaa darteed noolaha Aadamiga ee caqliga lihi waxay isla garteen intii deegaan iyo dano ka dhexeeyaanba in dhinac kasta tanaasul lala yimaaddo si nabad iyo wada noolaansho loo gaadho.

Tanaasulku maaha fulaynimo ee waa is fahan dhinacyada dhex mara. Isfahankaasi looma baahna in hanjabaad iyo kibir lagu lamaaneeyo.

Waxaana uu aaminsan yahay in halkaasi ay tahay meesha ay ka soo unkantay dawladnimadu.  Waxa uu ku qeexay in dawladnimadu tahay heshiis bulsho (Social Contract)  Waxaana la qaba fikradaasi Faylasuufyo kale  badan sida Arsitotal. Markaa shaqada dawladnimadu waxa ugu horeeyaa waa inay kala hagto oo xalisho loolaanka joogtada ee baahiyaha iska hor imanaya ee bulshada si dhinaca kasta u helo xasilooni, nabad iyo nolol wanaagsan.

Dawladu waa awood urursan oo cabsi gelinaysa qof iyo kooxda sharciga jebiya madaama heshiis wadareed xal ah lagu unkay dawladda, la’aanteed uu dhinac kasta khasaarayo.  Waxaana muhiim ah inay yeelato awood hogaamineed iyo horumar joogto ah.

Waxa laga rabaa bulshadana inay dawladda fulinta amaradeeda aanay ka hor iman madaama arintu tahay mid iyaga danta ugu weyni ugu jirto.

Faylasfuukii Muslinka ahaa ee Ibnu Khaldun Kitaabkiisa Muqaddama waxa uu dawladda ku qeexay  “ Dawladdu waa xeelad bulshada lagu nidaamiyo, taasoo lagu sugo amniga, cadaaladda, iyo koritaanka dhaqaalaha, laakiin si ay u shaqayso waa ay isticmaalays awood iyo xoog, khaladka iyo kuwa sharciga ka horyimaadda lagu ciqaabo”.  Xaqiiqduna waa in ay dawladdu tahay mar kasta mid dan u ah bulshada meel kuwada nool, haddii aanay nidaam dawladeed jirin ay wax kasta burburaan Nabadda, iyodhamaan furayaasha nolosha sida caafimaadka, waxbarashada, shaqooyinka iyoguud ahaan horumarka bulshada.  Marka in bulshada danteedu waxa ay ku jirtaa in Dawladnimada la xoojiyo lana taageero.