Fursadaha Muhimka Ah Iyo Wahsiga!

0
181

Dhaqanka hawl nacaybka iyo daalka shaqadu ama wahsigu  maaha calaamad dadka qaar  gaar u ah, waayo xataa dadka horumarka gaadhay ee dadaalka badani inay wakhtiyada qaarkood wahsadaan waa arrin caadiya oo nolosha ka mid ah.

Haddaba arinka lagu kala duwan yahay ayaa ah inay iyagu markiib fahmaan oo ay hawshoodii dib ugu noqdaan halka kuwa kale ay wahsiga wehel ka dhigtaan, kuna dakaato dib u noqoshadu.

 

Akhriste ceeb ma ahan inaad mar aad wahsatid laakiin waxaa nacasnimo ah inaad mar walba caajis tahay isla mrkaana aanad ogayn inaad tahay qof  shaqo neceb oo wahsigu ku badan yahay. Qofka noocasi ahna waxa dhaafa oo ka khasaara fursado badan oo muhiim ah.