Daniella Weiss waa haweeney Israa’iili ah oo 79 jir ah, ahna mid ka mid ah wejiyada ugu caansan ee dhaq-dhaqaaqa deegaamaynta sharci-darrada ah ee Israa’iil ku waddo Daanta Galbeed. Waxay muddo ku siman nus qarni si joogto ah ugu hawlanayd dejinta Yuhuudda dhulka Falastiiniyiinta, iyadoo si cad u sheegtay in ujeedadeedu tahay in la burburiyo rajada Falastiiniyiinta ee dhisashada dawlad madax-bannaan.
Weiss ayaa sheegtay iney “ka qayb qaadatay dhismaha dhammaan degsiimooyinka Yuhuudda ee Daanta Galbeed” tan iyo 1970-meeyadii, markaas oo ay ahayd mid ka mid ah dadkii ugu horreeyay ee degaankaas laga dejiyay. Maanta, tirada Israa’iiliyiinta la dejiyay Daanta Galbeed ayaa kor u dhaaftay nus milyan qof.
Waxay agaasime ka tahay ururka NACHALA, oo ah dhaqdhaqaaq u ololeeya dejinta Yuhuudda ee dhulka Falastiin, waxaana taageerayaashu ku tilmaamaan “rasuul” ama “ilaaliyaha dadka la deegaameeyay”. Daniella waxay si cad u sheegtay in ay rabto in tirada Yuhuudda ku sugan Daanta Galbeed ay kor u kacdo si loo baabi’iyo suurtagalnimada dowlad Falastiini ah.
Weiss waxay sidoo kale aaminsan tahay in dhulka Israa’iil aan ku koobnayn xuduudaha hadda jira, balse uu yahay laga bilaabo Webiga Furaat ilaa Webiga Niil – aragti xagjirnimo diimeed ku salaysan oo dabooleysa qaybo ka mid ah dalalka Ciraaq, Suuriya, Lubnaan, Masar iyo Iran.
Ka dib markii ay Xamaas weerar ku qaaday Israa’iil sannadkii 2023, Daniella Weiss waxay bilowday olole cusub oo ay Yuhuudda dib ugu dejinayso Qaza, halkaas oo Israa’iil ciidamadeeda iyo dadka degganaa kala baxday 2005. Waxay sheegtay iney hore u diiwaangelisay 500 qof oo diyaar u ah inay Qaza ka dhistaan degsiimooyin cusub, iyagoo beddelaya dadka reer Falastiin.
Daniella waxay ku doodaysaa in Falastiiniyiinta laga saaro Gaza oo loo raro dalalka Carabta ama waddamada kale sida Kanada iyo Afrika. Hadalladeeda ayaa dhaliyay cambaareyn caalami ah, iyadoo dalal ay ka mid yihiin UK ay saareen xayiraado.
Daniella Weiss waa haweeney matasha fikrad xagjir ah oo culeyskeedu saameyn ballaaran ku yeeshay khilaafka Israa’iil iyo Falastiin. Ficilladeeda waxay curyaamiyeen dadaalladii nabadda waxayna mugdi gelisay rajadii dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan.






















