Guud ahaan Qormada Ganacsiga waxaan kaga hadli doonaa Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland oo ka bad baaday Gadood Shacab oo wiiqi lahaa shaqooyinkooda iyo Mudahraado iyo rabshado ka dhaca dalka kuwaas oo lagu beegsan lahaa Xarumaha Shirkadaha sidii dhacday Habeenkii Sabtidu soo Galaysay oo dhaliinyaro ka cadhootay Talaabadii Shirkaduhu ku kordhiyeen qiimaha Khadka Internet.ka iyo ku hadalku ay sameeyeen.
Haddaba bal marka hore aynu fahano maxay Shacabka ka qaylisiiyey? Dadweynaha ku nool Somaliland ayaa si weyn uga falceliyay waxa ka beddel qiimaha dhinaca internet-ka ah oo ay sameeyeen shirkadaha Telesom iyo Somtel.
Waxyaabihii la kordhiyay waxa ka mid ahaa xidhmooyinka ku hadalka ama wicitaanka iyo internet-ka ee sida maalinlaha ah loo isticmaalo.
Xidhmooyinka aan xadka lahayn ee Internet-ka 24-ka saac ah oo hore u ahaa $0.5 ayaa shirkaduhu ka dhigeen hal Doollar. Sidoo kale, xidhmooyinka toddobaadlaha ah oo markii hore $0.5 lagu iibsan jiray 2GB ayaa noqday 1.3GB, sida ku cad nidaamka shirkadaha.
Ma aha keliya qiimaha isbeddelka lagu sameeyay mid saamaynaya dhinaca internet-ka, balse taas si lamid ah ayaa loo kordhiyay xidhmooyinka wicitaanka. Haddii uu qofku u baahnaa $0.3 in uu ku hadlo 24 saacadood oo xidhiidh ah, Iyana Meesha ayaa laga saaray.
Haddaba Shacabka ayaa si xooga iyaga oo isku duuban uga biyo diiday go,aanka naxariis darada ah ee ay qaadeen shirkadaha isgaadhsiintu xili lagu jiro xaalado adag oo dhaqaalo xumaan iyo abaaro ah waxana ay si midaysan u yidhaahdeen maya nama qabato waxaasi waana kuwan qaar ka mida Bulshadii la hadlay warfidiyeenka “magacaygu waa Axmed waxaan u arkaa go,aanka Shirkadaha Somtel iyo Telesom mid aan suurta gal ahayn oo aan laga fikirin waxaanan leeyahay haddii aad idinku dhaqaale haysataan oo daaro dhaadheer dhisateen Baabuur qaaliya wadataan Caruurtiinuna Raaxo ku nooshahay waliba heerkaa aad ku gaadheen aniga iyo inta ila midka ah ee aad ka dhaqaalaysateen annaga oo aan haysan quuta daruurigiiba walaahi in aanan aqbalahayn ee waxaa ka heshaan hala arko”.
“Haddii aan ku shaqeeyo $100 oo markii hore bisha ay iga bixi jirtey $7 oo internet ah; immika mushaharkaygii oo aan isbeddelin ayaan ku qasban ahayn in aan bixiyo 20 Doollar oo internet ah. Kordhinta lagu sameeyay internet-ka waxaa hubaal ah in ay saamaynso dakhligayga iyo hab-nololeedkayga,” ayay tidhi Ayaan Axmed. oo Iyana la hadlaysay BBc.da
Markii ay halkaa xaaladii marayso oo shacabkuna ku baaqay Mudahraad ka dhan ah shirkadaha ayaa waxa kulan deg deg ah isugu yeedhay Shirkadihii shacabku ka cawday Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo kulanka ka dib qaaday talaabo geesinimo leh oo ka farxisay shacabkii cadhaysnaa waxaanu yidhi “Anniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan ummaddayda ku wargelinayaa in Xukuumadda iyo shirkadaha bixiya adeegyada isgaadhsiinta ee dalka ay isla garteen in la hakiyo go’aankii dhawaan lagu kordhiyey qiimaha adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka taleefannada gacanta, go’aankan oo ay shirkaduhu hore ugu dhawaaqeen.
Qiimaha adeegyadu waxa ay ahaan doonaan sidii hore, ilaa amar dambe, iyada oo Xukuumaddu si degdeg ah wada-hadallo arrintan la xidhiidha ula yeelan doonto shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka iyo ku-hadalka ee Jamhuuriyadda Somaliland”.
Shirkadaha Isgaadhsiinta ayaa iyaguna si deg deg ah u qaatay go,aanka Madaxweynaha iyaga oo joojiyey go,aankoodii hore halkaana wax ku baaqday mudahraadkii ay isugu balansanayeen Bulshada Somaliland kaas oo keeni lahaa dhibaatooyin badan.
Shacabka Caasimada oo la hadlay qormada Ganacsiga ee Dawan ayaa si wayn u taageeray Go,aankii Madaxweynaha Somaliland waxaanay yidhaahdeen “inaa dib noo eegtaan oo shacabka u tidhaan waa waxaanu doonaynay madaxweynuhuna waa ku mahadsanyahay go,aankii xalay uu qaatay”
“waxaan soo jeedinayaa in sidoo kale talaabo dawladu ka qaado ganacsatada maceeshada nagu qaaliyeeya iyo dhakhaatiirta oo iayguna nagu haya dhibaatooyin badan iyo wixii aanu haysanay oo aan mararka qaar waxba noo jarahayn Madaxweyne waad mahadsantahay balse kuwaa Kalena naga qabo”.
“waxaan leeyahay Somtel iyo Telesom waar waxaad qaadateen go,aan wanaagsan markii aad qaadateen amarkii madaxweynaha waayo waxaa inaga baajiseen mudahraad iyo dhibaato idinka iyo annagaba na soo gaadhi lahayd Alxamdulillaah haddii aad hawshii inaga soo dhamayseen”.
“Sharkadaha waxaan leeyahay waad mahadsantihiin balse noomaydaan tudhin ee waanu idinku khasabnay inaad ka laabataan talaabadii aad hore u qaadeen adeer xaguu joogaa qofka helaya Tobban kun ama ka badan oo Internet ah maalin walba waxaanu la halgamaynaa wixii ay cuni lahaayeen ubadkayagii oo dhaqaaleba ma haysanee”. X. Xasan
























