Tababar loo Furay Baadhayaal Ka Tirsan Booliska Somaliland

0
178

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan)- Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeyo Guuto Cabdi Xasan Mirre, iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, ayaa tababar aqooneed heerkiisu sarreeyo u furay baadhayaal ka tirsan Ciidamada Booliska.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeyo guuto Cabdi Xasan Mirre oo hadal ka jeediyay munaasibaddii furitaanka tababarkan ayaa waxa uu sheegay in u jeedada tababarkan loo qabtay ay tahay in kor loo qaado oo la kordhiyo aqoonta iyo xirkafadda baadhayaasha ciidanka booliska JSL. Waxaana uu yidhi “Tababarkan aynu furayno u jeedadiisu waxa ay ahayd in baadhayaasha ciidanka booliska Somaliland ee wax u bilaaban yihiin ee aqoonta leh in aqoontooda kor loo qaado oo wax loo kordhiyo, waxaana talo iyo tusaale ina siin doona Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka”.

Sidoo kale, Xeeri-laaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, ayaa sheegay in tababarkan lagu baranayo baadhista guud. Waxa uu yidhi “Waxa aynu isugu nimid inaan furno tababar ku saabsan baadhista guud, maadaama booliska iyo xeerilaaliyayaasha Somaliland ay leeyihiin labo masuuliyadood oo muhiim ah, kuwaas oo ah in aynu ka hortagno dambiyada, iyo haddii dambi dhaco, in aynu in aynu ka dabo tagno oo aynu raadinno dambigaas. Sida aynu wada ognahay, baadhistu waa aasaaska ugu horreeya ee lagu ogaanayo xogta dambiga, sidaa darteed kooraskan waxaynu ku baran doonaa  marka war laguu sheego halka aad ka bilaabayso iyo talaabada ugu horeysa ee aad qaadayso si aad u xaqiijiyso wararka la helay iyo in la kala saaro runta iyo beenaanta.”