Xamaas ma sii wadi kartaa dagaalka Gaza?

0
325

 

Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu la wareego guud ahaan marinka Gaza, balse “aanu doonayn in uu sii haysto” aaggaas.

Haddaba waa maxay mustaqbalka Xamaas ee Gaza?

Maalmo ka hor intaanu ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ku dhawaaqin inuu doonayo inuu la wareego guud ahaan marinka Qaza, Xamaas waxay ku celisay in aanay0 hubka dhigi doonin haddii aan la dhisin dowlad madax bannaan oo Falastiini ah.

Tani waxay jawaab u ahayd dalabaadkii Israa’iil iyo Maraykanku ee xabbad joojinta Gaza.

Israa’iil ayaa aaminsan in hub ka dhigista Xamaas ay tahay mid ka mid ah dhowr shuruudood oo muhiim ah oo lagu soo afjarayo colaadda.

17 dal, Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta ayaa bayaan kasoo saaray shir caalami ah oo Qaramada Midoobay ay ku yeesheen magaalada New York todobaadkii hore kaas oo ay soo qabanqaabiyeen Sacuudiga iyo Faransiiska. ayaa loogu yeedhay Baaqa New York, waxaynba ugu baaqeen Xamaas inay hubka dhigaan oo ay joojiyaan gacan ku haynta Gaza si loo soo afjaro dagaalka.

Masar iyo Qatar, oo inta badan dhexdhexaadiye ka ahaa wadahadal ku saabsan Gaza, ayaa saxeexay ku dhawaaqista. Hase yeeshee, Israa’iil iyo Maraykanku ma saxeexin.