Maansada Sirta Nolosha Maxaynu ka faa’iidaysan karnaa?

0
524

Qormadeena dhaqanka iyo suugaanta ee todobaadkan waxaynu ku soo qaadanaynaa Maansada Sirta nolosha iyo faa’iidooyinka ku jira ee u baahan in aynu dhugano isla markaana aynu ku suntan guusha sirta noloshu inuuoga baahan tahay.

RABBI naxariistiisa  janno haka waraabiyee waxaa maansada sirta nolosha tiriyay Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi.

Wuxuu abwaanku kaga hadlayaa maansada laamaha kala duwan ee nolosha iyo waxyaabaha ay kaaga baahan yihiin n aad samayso si aad ugu guulaysato sirta nolosha adduunyo taas oo kugu hoggaamin karta guusha nolosha dambe ee aakhiro.

Abwaan  Hadraawi wuxuu ku hoga tusaalaynayaa bulshada sida ay lamaga maarmaanka u tahay in qofku noqdo qof noloshiisa ku xidha ku toosnaanta diintiisa suubban ee islaamka siu u u gaadhoo sirta guusha nolosha.

Waxaa kale oo u iftiiminayaa ka  leexashada jidka wanaagsan iyo guul darrada ku xdhan.

Maansada oo aad u dheer waxaynu ka soo qaadanaynaa duducyo kala duwan oo tusaale u ah guusha sirta nolosha.

Aynu kasoo bilaabaynaa oo noqonaya tuduceena ugu horreeya ee aan ka soo qaadanayno Maansada Sirta Nolosha,tuduca abwaanku ka hadlayo nolosa dadku sida ay uga duwan tahay nolosha guud ahaan nooleyaasha kale, iyo sida ay garashadu u tahay sir u gaar ah basharka oo aanu la wadaagin makhluuqa kale.

Garashadu Sahraay ruuxa,
Sed u gaara weeyaan,
Hadduu saamigaas yeeshay,
Qurux ma leh saluuggeedu,
Dadku siigga dida ma’aha,
Sogob iyo ri’weyn ma’aha,
Sumal iyo laxdiis ma’aha,
Rati iyo sabeen ma’aha,
Falka iyo sugnaantiisa,
Socodkiyo abbaaartiisa,
Dhaqan sida xishoodkiisa,
Dabar iyo silsilad haysa,
Iyo suun ma dhaafaan ah,
Wuxuu soofka xoolaaba,
Kaga soocan yahay weeye.

Rabbi na u naxariistee Abwaan Hadraawi marka uu inoo sheegay in garashadu  tahay sir u gaar ah aadamaha wuxuu iagu tusaaleeyay sida ay u kala duwan yihiin makhaluuqa kale,intaa ka dib waxaa uu inoo bayaaminayaa sida ay naftu ugu baahan tahay dabar xidha iyo in aanay yeelin sida ay doonto. Waxaanu yidhi.

,Waxan uga socdaa heedhe,
Naftu seeto yey waayin,
Hana falin sidaad doonto,
Hadalkana sar weedhiisa,
Una saaf qofkii waaya,
Ha ka tegin sarbeebtiisa,
Hana gelin sursuur oodan,
Hana lumin sargoyntiisa,
Hana liqin sangaabtiisa,
Ha ku saxan badheedhkiisa,
Runta sogordoh haw yeelin,
Ha suldaarin dooddiisa,
Sisibaa wadaaggiisa,
Sababee abbaartaada,
Hana badin su’aashiisa,
Sarrifkiyo tilmaantiisa,
Saddex erey halkii dooni,
Soddon yaanay kaa qaadan,
Siddi-qabaxi yay raacin.

Sare haw dhig-dhigin Luuqda,
Gacantana ha saydh-saydhin,
Hana odhan wax sawliila,

Heedhee Sahraay heedhe,
Sarta hilibka dheehaaga,
Samaydaada dhererkaaga,
Sarajooga muuqaaga,
Sanqaroorka jaahaaga,
Dahab iyo xariir saran,
Uma baahna saantaadu,
Hadda silis ha xidhan ma’aha,
Luquntana ha sudhin mahaa.

Intaa wuxuu abwaanku inoogu xigsiisyay sida aadamuhu ugu baahan yahay caqiidadissa iyo Diinta RABBI inoo soo dejiyay ee Islaamniada in aynaan waxna la simin kuna dhaqano kuna faro adaygno waxaanu innagu adkeeyay in aynaan waxa suuqa yaalla ee laga iibsado in aynaan la simin kitab ama shayga ugu horreeya ee aan soo iibsanaa uu noqdo Kitaanka oo aan soo frano,waxaanu inoogu xigsiiyay waxkasta in ay ka waangsan yihiin hadba waxa aad haysato isla markaan aan loo baahnayn ama aanay sirta noloshu guul ku gaadhin marka aad qawado waxa aad haysato,waxaanu yidhi.

Waxan uga socdaa heedhe,
Marka aad sunuud hayso,
Waxa suuq mug-weyn Yaa,
Ha la simin kitaab weeye,
Hurdo iyo Sahraay jiifka,
Marka hore sariir raadi,
Salli iyo furaash dayday,
Saddexdaba hadaad weydo,
Lama seexan kari waayo,
Hadda saantu qodox ma’aha,
Suugaantu gogol weeye,
Ninku qaday Sahraay tiisa,
Hadduu seed liqliqiddeeda,
Ku saruurad goyn waayo,
Subag iyo baruur doono,
Sidu jecelyahaa been ah,
Dhadhan iyo sibraar kayda,
Sidig caanaheedaa leh,
Badar iy sarreen shiidan
Iyo sixin ku iidaaman,
Wax la cuno sabiib baa ah,
Nin samaystay baa faan leh,
Waxaad haysataa saasa ah,
Ka sokow intaan sheegay,
Hadda soortu dacar ma’aha,
Dharku Saadhi qudha ma’aha,
Saylooni garan ma’aha,
Iyo sabarandaa giiran,
Mana aha surwaal biid ah,
Haddaan saarku kuu diidin,
Saddex-qaydu ceeb ma’aha,

Heedhee Sahraay heedhe,
Sar daruuran oo maasa,
Mar Abu Sarmaantiiya,
Dhacle baarka loo seesay,
Boqor wada xiyaakhaysan,
Sildiyaal jiljila dhiibsan,
Tusbax dhawr sagaal laaba,