Ilaahay-scw- Qur’aanka kariimka ah meelo badan ayuu ku sheegay wuxuuna ku xusay erayo badan oo ay ka mid yihiin; Dahri, wakhti, hadda, maanta, muddo iyo tibaaxo kale. wakhtigu waa nicmooyinka ugu waaweyn ee Eebbe addoomadiisa ku mannaystay. Wakhtiga laga hadlayaana Asali ahaan waa cumriga dadka ama Isaanka, sababta oo ah wakhtiga kale kuma khuseeyo.
Ilaahay isaga oo ka hadlaya Nimcadiisa iyo nimcada wakhtiga waxa uu yidhi “ Ilaahay wuxuu idiin sakhiray Qoraxda iyo Dayaxa si joogto ah, Maalinta iyo Habeenka, idin siiyey wax kasta oo aad weydiisataan, hadaad is tidhaahdaan tiriya nimcada Ilaahay ma tiring kartaan”. Suuratul Ubrahim(33,34).
Sunnada daahirka ah waxaa ka sugnaaday oo laga weriyey Rasuulka (Scw) – inuu yidhi: ( Laba nicmo dad intiisa badani way moog yihiin: caafimaadka iyo wakhtiga firaaqada) .Xadiithka waxaa loola jeedaa in caafimaadka iyo firaaqada markay ku kulmaan qofka muslimka ah ee uu ka caajiso ku toosnaanta adeecida Alle, markaas qofkaasi wuu moog yahay ama wuu ku dagan yahay Nimcadii.
Siduu Qur’aanka kariimka ahi u qaybiyey Wakhtiga?
Eebe wuxuu ku dhaartay wakhtiga in badan oo meelo badan oo Qu’raanka ah ku soo arooray, xitaa Suurado badan ayuu ku bilaabay Dhaar, sidoo kale wuxuuna ku dhaartay habeen iyo maalinta. Qaybinta wakhtiga Ilaahay waxa uu u qaybiyey, Casar, oo Suurad loogu magac daray, Fajar oo isna Suurad lagu tilmaamay iyo Habeenka iyo Maalinta oo is daba socda oo Qur’aanka lagu sheegay. Isaga oo Ilaahay ku dhaaranaya Habeenka iyo Maalinta Ilaahay wuxuu ku yidhi Qur’aanka; : ( Eebe wuxuu ku dhaartay Habeenku marka uu wax qariyo iyo markay maalintuna uu caddaado ), Suuratul Layl(1,2). Dhaarta waxa uu Eebe ku muujinayaa muhiimadda wakhtiga iyo saamayntiisa.
Sidoo kale Ilaahay wakhtiga waxa uu ku tilmaamay Aayad, sida uu Qur’aanku meelo badan kaga hadlay(Abuuritaanka Samaawaadka iyo Dhulka, iyo is khilaafka maalinta iyo Habeenka, Aayad ayaa ugu sugan kuwa Caqli leh) Aala Cimraan(190). Sidoo kale Maalintii waxa looga dhigay Bani’aadamkii mid uu Macaasho, Habeenkiina mid uu nasto, weliba Ilaahay kor ahaaye wuu inoogu mana sheegtay.
Isku-xidhka cibaadada iyo wakhtiga.
Ahmiyada wakhtigu waxay si cad u soo ifbaxdaa marka lays ku xidho cibaadada iyo wakhtiga , lana sameeyo wakhti la gudan karo, sida shanta salaadood waxa uu Ilaahay yidhi : (Salaadii waxay Muuminiintii u tahay mid wakhtiyeysan oo u taagan). Yacnii Salaad kasta waxa laga yeelay wakhti lagu guto.
Ma aha Salaada oo keliya sidoo kale, Cibaadadii kale waa la wakhtiyeeyey. Sakadii ma waajibayso ilaa shuruudaheedii la dhamaystiro, wakhtigeediina uu galo, soomkuna waa wakhtiyeysan yahay oo waa bisha Ramadaan, taas oo ka bilaabmaysa in la arko ama bisha la dhameeyo. Xajkii oo qofka cumrigiisa hal mar waajibka ku ah marka uu qofku shuruudihii la yimaado, waxaana la gudanayaa bilaha xurmada leh.(Dulciqda iyo Dul-xaj).
Qofka Muslimka ah maalinta qiyaame waxa ugu weyn ee la weydiinayo waxa ka mid ah wakhtiga iyo wixii uu ka mas’uul ahaa. Sida uu inoo sheegayo Xadiis ay soo saareen Ibnu Maajah iyo Tirmidi Rasuulku (scw) waxa uu yidhi: “ Addoonka cagihiisu kama dhaqaaqayaan Ilaahay hortiisa maalinta qiyaame Ilaa la weydiiyo afar: Noloshiisii wuxuu ku qaatay, Jidhkiisii wuxuu ku soo gaboojiyey, Cilmigiisii ama Diintiisii wuxuu kaga camal falay, Maalkiisii sida uu u kasbaday iyo wixii uu ku bixiyey”.
Sidaa awgeed qofka Muslimka waxa ku waajib ah inuu wakhtigiisa kaga faa’iidaysto oo ku bixiyo waxa Eebbe ka raali yahay.
Nebigu siduu u ilaalin jiray wakhtiga
Sunnada Nabiga markaan eegno Nebigu aad ayey u ilaaliyey wakhtiga isla markaana u nadaamiyey. Rasuulka (scw) wuxuu ahaa mid aad ugu dedaala wakhtiga, sidaas darteed ma aanu luminin wakhtigiisa isaga oo uga faa’idaysanaya dantiisa ama danta cid kale, Cali binu Abii-dhaalib wuxuu ka sheekeeyay xaaladdii Nebigu marka uu gurigiisa galo sidii uu u qaybin jiray wakhtigiisa, saddex qaybood; wakhti ilaahay, wakhti Ehelkiisa ama reerkiisa ah iyo wakhti naftiisa ah. Wakhtiga naftiisa waxa uu u sii kala qaybin jiray naftiisa iyo dadka kale.
Nabiga suubani waxa uu aad u jecelaa in uu wakhtiga ugu badan ku bixiyo addeecida iyo cibaadada Alle, iyada oo uu Ilaahay dhaafay Denbigiisii hore iyo kii danbe, inkasta oo ay taasi jirtay hadana waxa uu kici jiray habeenkii ilaa cagihiisu barareen, cidhbuhna dil-dilaaceen. Kolkaasay Caa’isha(rc) ku tidhi (maxaad sidaa u samaynaysaa, iyada oo uu Ilaahay kaa dhaafay denbigaagii hore iyo kii danbeba). Nebigu waxa uu ugu jawaabay: (Miyaanan jeclayn inaan noqdo addoon mahad naqa).
Wakhtigii waxa loo qaybiyey Ilbidhiqsi, Miridh, Saacad, Maalin, todobaad, Bil iyo sanad, inta ugu yari hadii ay qofka dhaafto ma soo celin karo. Cumar Binu Cadul Casiis Alle ha u naxariistee waxa uu odhan jiray “Adduunyadu waa Safar, Gaadiidka la saaran yahayna waa Maalinta iyo Habeenka”. Xasan Al basri Alle ha u naxariistee waxa uu yidhi odhaah dhaxal gal noqotay (Bani’aadamow waxa tahay Ayaamo isu tegay, markay maalini ku dhaafto Badhkaa baa tegay).
Cabdulaahi Binu Mascuud(RC) waxa uu yidhi “Waxaan la yaabaa qof wakhti firaaqo ah haysta oo aan camal falayn”, sidoo kale waxa uu odhan jiray “ Waxaan ka murugoodaa maalin I dhaaftay oo aan camalna la iman, waxna faa’iidaysan”.
Maalmuhu waa saddex: maalin tagtay wax kastaba ha ku tagtee, maalin taagan iyo maalin soo socota oo aanad hubin in aad gaadhi doonto. Maalintaadu waa ta taagan wixii aad u sii dhiibato ayey kuu hayn. Yaxye Binu macaad,Alle ha u naxariistee waxa uu odhan jiray “Wakhtiga oo la dayacaa ka adag Geerida ama Mowdka, sababta oo ah Geerridu waxay idin kala go’ayn adiga iyo Ehelkaa, laakiin wakhtiga oo aad lumisaa wuxuu kaa jaraa xaqa iyo adeecidii Ilaahay”.
Sida uu Ibnu Cabbaas wariyey Rasuulku (scw) isaga oo na waaniyanaya: waxa uu yidhi “ka faa’iidayso shan ka hor intaan shan kale ugu iman: dhalinyarnimadaada ka hor inta aanad gaboobin. Caafimaadkaaga intaanad xannuunsan ama aanad cafimaadka waayin, ka faa’iidayso maalkaagana ka hor intaanu ku dhaafin, wakhtigaaga firaaqada ka hor intaanad wakhti waayin ama aad mashquulin, iyo noloshaada intaanad dhiman ka hor”. Saxiix al-Targheeb wa’l-Tarheeb.

























