Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa(Dawan):- Tan iyo Markii aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland noqday dood ka taagan fagaareyaasha caalamka, waxaa soo ifbaxayay shaqsiyaad leh magacyo kala duwan oo aan markii hore ku suntanayn nacaybka Somaliland oo si isu dhul dhigayay ama isu qarinayay oo ku kala nool daafaha caalamka, kuwaas oo hadda dibedda u soo baxay markii doodadda ictiraafka Somaliland lagaga hadlay goleyaal dawladeed iyo fagaarayaal caalami ah oo kala duwan, isla markaana baarlamaanka Maraykanka la horgeeyay mooshin ay xildhibaano waawayn oo Maraykan ahi ay wadaan oo lagaga dalbanayay dawladda Maraykanku in ay noqoto dawladda ugu horraysa ee aqoonsata Somaliland.
Markii todobaadkii hore Senatorka Maraykanka ah ee Senatorka Ted Cruz oo ka tirsan xildhibaanada Aqalka Senate-ka Mareykanku uu warqad rasmui ah u qoray Madaxweynaha Maraykanka oo uu kaga dalbanayo in uu aqoonsado oo uu Ictiraafo Jmahuuriyadda Somaliland. Waxaa jiray dad badan oo siyaabo kala duwan uga hadlay qadiyadda aqoonisga Somaliland ee Maraykanka.
Waxaa dadkaa ka mid ahaa Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir oo ka mid ah culimada Soomaalida ah ee degen dalka Maraykanka. Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir oo inta badan ka faalooda arrimaha bariga dhexe iyo Geeska Afrika iyo guud ahaan isbedelada caalamiga ah, ayaa dhaqdhaqaaqyada socda ee aqoonsiga Somaliland uga hadlay qaab ay aad uga fogtahay dhex dhexaadnimadu, isaga oo sheegay in iskaashiga Maraykanka iyo Somaliland uu lid ku yahay wax uu ugu yeedhay qorshe la doonayo in lagu mideeyo dunida Muslimka.
Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir waxaa barnaamijka uu kaga hadlayay aqoonisga Somaliland oo ciwaan looga dhigay. “Xaq ma u leedahay Somaliland inay hesho Ictiraaf calami ah” waxaa daadihinayay wariye la yidhaahdo Cabdiraxmaan Sheekh Muuse, waxaana lagu baahiyay baraha uu ku leeyahay Yuotube-ka iyo Facebook-ka.
Haddaba wariyaha oo aan la gabban cadaawadda uu u hayo Somaliland iyo sida uu u diidan yahay in ay horumar gaadho ama ay aqoonsi calami ah ka hesho adduunka, ayaa hadalkiisa ku ibo-furay, hadal been ah oo uu ka sheegay Somaliland waxaanu yidhi “Somaliland wasiirkeeda arrimaha dibedda ayaa dhawr goor sheegay in ay degenaansho siinayaan dadka reer Falastiin ee la baro-kicinayo taas oo ay ku bedelanayaan aqoonsi ay ka helaan Maraykanka.”
Mar kale wuxuu yidhi “Dawladda Somaliland waxay Maraykanka la saxeexatay diinta Ibraahiimiyada iyada oo ka mid noqotay dawladaha kula heshiiyay Maraykanka.”
Wariyuhu markii uu barnaamijkiisa ku ibo-furay beenta intaa lee gee jariimadda iyo gefka ku ah qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaa hadalka la wareegay Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir waxaanu ciwaanku ahaa “Somaliland xaq ma u leedahay in ay hesho Ictiraaf calami ah.” Laakiiin sheekhu wuxuu ula kacay barnaamijkiisii meelo mawduuca ka baxsan isla markaana lid ku ah qarannimada Jmahuuriyadda Somaliland, waxaanu tilmaamay in la wado qorshe shiinaha iyo Maraykanku ay ku loolamayaan Bariga Afrika oo illaa Sudan ah, waxaanu ka hadlay wax yaabo mawduucii dooda baalmarsan, isla markaana uu kaga hadlayo Somaliland xataa haddii Maraykanku aqoonsado in aanu waxba u tarayn oo uu noqonayo Maraykanku dal keliya oo keligii ictiraafay Somaliland.
Waxaanu intaa ku daray oo uu duray dalalka Kenya iyo Itoobiya oo uu sheegay in haddii Somaliland la aqoonsado ay dalalkaasina kala googo’ayaan oo ay noqon doonaan dhawr dawladood, isagoo ku af gobaadsaday in aan taas loo baahnayn.
Waxaad moodaa farriinta sheekhu in ay daaranayd ha laga hortago aqoonsiga Somaliland ee soo ifahaya, waxaanu ku canaantay dawladda uu Xamar caalamku ku waardiyeeyo in ay ka seexatay dagaalkii loo baahnaa in ay ka gasho ka hor tagga aqoonsi ay Somaliland caalamka ka hesho isaga oo taas bedelkeeda ku ammaanay shaqo fiican in ay arrimahaa ka qabatay xukuumaddii hore ee Muqdisho ee Farmaajo.
Haddaba waxay is waydiintu tahay sheekhu miyuuu qarsanayay colaadda uu u hayo Somaliland oo iminka ayuu caddaystay mise wariyaha hadalka ibo-furay ayaa sheekha leexiyay oo meel aan doodu taagnayn ku hoggaamiyay.?






















