Somaliland oo Qaaday Jidkii Hormarka iyo ka Faa’iidaysiga Khayraadka Dalka

0
371

Somaliland ayaa waxa ka buuxa oo ceegaaga khayraad badan oo aan illaa hadda la taaban ama aan laga faa,iidaysan iyada oo Qarankani jiro in ka badan 30 Sanno taasina waa midda haatan keentay in Dunidu u soo jeedsato dalkan yar ee dihin, haddaba Todobaadkan waxaan kaga hadli doonaa Qormada Ganacsiga qaybo ka mida Goobaha dahabka laga helo ee Gobolada Awdal Iyo Sanaag haddii aan ku hor maro Gobolka Awdal qaar ka mid ah dhaliinyaradda ka shaqaysta Dahabka ee kala soo baxa Buuraha Gobolkaas ayaa ka waramay marxaladaha kala duwan ee uu soo maro soo saarista Dahabka, “walaahi maasha allaah waxaan wadaa sifayntii dahabka oo hadda markaan ciida ka saaro ee aan ka shaqayno waxa soo baxaya Dahabkii oo caadiya,in kasta oo anan qiyaasi lacagaha aan ka helo hadana waxa igu badnaa in Habeenkii igu badnayd lay diray lacag dhan 17 Dollor, lakiin waxa jira caqabado badan oo mararka qaar aanu la kulano”

Sidoo kale dhaliinyaradan ayaa sheegay in ay nasiib tahay inaad wax hesho iyo in kale marka aad goobtan timaado ee aad Dahab raadinayso balse aanad mara ku qadahayn oo aad wuxuun ka heli karto, Nin kale oo waayeel ah ayaa isna sheegay inuu 4 sanno ka shaqaynaayey goobta dahabka ee Gobolka Awdal isaga oo intaa ku daray in uu markii ugu badnayd helay dahab dhan 70gm oo lacag ahaan dhan 6000 Dollar.

Geesta kale xukuumada Somaliland ayaa daahfurtay dhawaan warshada Dahabka ee Gobolka Sanaag wershaddan dahabka ayaa noqon doonta mida ugu weyn Geeska Afrika, taas oo ay maalgelisay shirkadda Xididmadow kuna taalla deegaanka Cirshiida ee waqooyiga gobolka Sanaag.

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland, Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa si rasmiya u xadhiga iga jaray daahfurka Wershaddan oo dunida tusaysa sida ay Somaliland uga horumarayso dhinaca dhaqaalaha iyo ka faa,iidaysiga khayraadkeeda dihin.

Mashruucani wuxuu matalayaa dadaal muuqda oo lagu horumarinayo adeegyada dhaqaalaha dalka, iyadoo la abuurayo shaqooyin cusub, lana kordhinayo dakhliga dowladda, isla markaana la dhiirrigelinayo maalgashiga gudaha iyo kan caalamiga ah. Horumarka wershaddan ayaa si cad u muujinaya sida Somaliland ay uga go’antahay in ay si waarta uga faa’iideysato kheyraadkeeda dabiiciga ah.

Guushan taariikhiga ah waxay u tahay Somaliland fursad cusub oo lagu xoojinayo dhaqaalaha, laguna dhiso mustaqbal ifaya oo ku dhisan maalgashi iyo horumar.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Eng. Axmed Jaamac Barre, oo hawlo shaqo u tegay Gobolka Sanaag ayaa kormeer ku tagay xarunta warshada isaga oo soo indho indheeyey shaqada halkaas ka socota oo u uku tilmaamay mid muhiim ah sidoo kale masuuliyiinta iyo shaqaalaha warshaddaa ayaa wasiirka uga waramay caqabadaha iyo hawsha ka socota halkaa.

Wasiirka ayaa u mahad celiyey cidii maalgashatay warshaddan waxana uu ku baaqay in la badiyo maalgashiga dalka si loo helo hormar iyo dhaqaale wadanku helo, waxana uu xusay in ay Somaliland markii u horaysay soo saarayso Dahab taasina ay kalsooni siinayso maalgashadayaasha caalamka ee kala duwan.

Hirgalinta warshaddan Dahabka ayaa noqon doono mashruucii dhaqaale ee ugu waynaa ee abdi laga hir galiyo Somaliland taas oo muujinaysa in hadda Somaliland u guurtay dhinaca warshadaha iyo kobcinta dhaqaalaha si ay ula tartanto Caalamka sidoo kale hir galinta warshadda Dahabka ee Gobolka sanaag ayaa muujinaya in xiligan Gobolka sanaag yahay mid amaan ah oo raba in uu samaysto dhaqaale iyo shaqo abuur wayn si looga baxo dacaayadihii ahaa Sanaag nabad maha.

Gunaanad:

Kheyraadka dabiiciga ah ee waddan kasta leeyahay waxa uu saldhig u yahay horumarka dhaqaale, xasiloonida siyaasadeed, iyo koboca bulsho ee suurtogeliya nolol waarta. Marka uu dal si xikmad leh u maamulo khayraadkiisa, waxa uu kasbadaa kalsoonida muwaadiniintiisa iyo ixtiraamka beesha caalamka. Tani waxay si gaar ah muhiim u tahay dalalka sida Somaliland oo kale ah, ah waddan leh dhamaan astaamaha dawladnimo, sida nabadgelyo, nidaam maamul, dimuqraadiyad, iyo khayraad dabiici ah oo baaxad leh.

Koboca laga gaadho ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah, sida macdanta, shidaalka, iyo dahabka, waxa uu noqon karaa dariiq muhiim ah oo loo maro xoojinta dhaqaalaha gudaha, abuurista fursado shaqo, iyo kordhinta dakhliga dawladda. Laakiin waxaa lagama maarmaan ah in horumarkaasi aanu noqon mid kooban ama u adeega koox gaar ah, balse uu noqdo mid laga dhaxlo si siman, oo bulshada oo dhan ay ka faa’iido. Si taas loo gaadho, waxa loo baahan yahay nidaam daah-furan, hufnaan, ilaalinta deegaanka, iyo sharciyad maalgashi oo soo jiidata maalgashadayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

Somaliland waxay u baahan tahay in ay sii dardargeliso qorshayaasheeda horumarineed, iyadoo fursadaha dabiiciga ah ee ay haysato u beddelaysa hannaan waara oo dhaqaale ah. Kheyraadka oo keliya maaha furaha horumar waara, balse waa sida loo maamulo, loo ilaaliyo, loona horumariyo si mas’uuliyad leh. Waa in la xoojiyo iskaashi dhab ah oo dhex mara dawladda, ganacsatada, bulshada rayidka ah, iyo maalgashadayaasha.

Sidoo kale, horumar dhaqaale oo salka ku haya kheyraadka dabiiciga ah waxa uu xoojin karaa doodda Somaliland ee aqoonsiga caalamiga ah, maadaama ay dunidu aragto in Somaliland tahay dal leh awood uu iskaga filan yahay, isla markaana u diyaarsan inuu door muuqda ka qaato horumarka gobolka iyo ka caalamkaba.

Ugu dambayn, haddii Somaliland ay si waxtar leh uga faa’iidaysato khayraadkeeda, kana dhabayso riyadeeda dawladnimo madax-bannaan, waxay noqon kartaa tusaale ifaya oo caddeeya in xasiloonida, maamul wanaagga, iyo maaraynta khayraadka dabiiciga ahi yihiin furaha horumarka ummad kasta. Fursaddu way jirtaa, waqtiguna waa hadda.