Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa(Dawan):- Dr. Mustafe Cismaan Suge oo ah Madaxa Maaraynta ka hortagga iyo daawaynta xanuunka duumada ee xarunta xakamaynta ee heer Qaran, ayaa sheegay in xanuunka duumada ee ay keento qaniinyada Kaneecadu uu ka mid yahay cudurada ugu badan Somaliland isla markaana uu si dhaw oo deg deg ah u fido, isla markaana uu dadka u soo rito.
Dr. Mustafe Cismaan Suge waxa kale oo uu intaa raaciyay in cudurka duumadu uu si aad ah ugu daran yahay dadka waawayn, hooyooyinka uurka leh, carruurta yar yar iyo dadka la nool xanuunada kale. Waxaanu bulshada ku boorriyay in ay markasta ku dedaalaan nadaafadda iyo iska illaalinta biyaha u hor fadhiista guryaha hortooda.
Geesta kale waxaa uu sheegay in qaranku siyaasad cad ka leeyahya dabar goynta cudurka duumada isla markaana uu yahay cudurka duumadu mid baadhistiisa iyo dawayntiisuba ay bilaash tahay ama lacag la’aan guud ahaan dalka oo dhan.
Geesta kale waxa uu daboolka ka qaaday in Sannadkii 2024 oo kaliya, Somaliland laga daweeyay xanuunka duumada ku dhawaad 10,000 (Toban Kun) oo qof, in kasta oo dhimashadu yarayd, haddana halista cudurkani waxa ay taabanaysaa qof kasta oo ku nool dalka, maadaama aanay jirin meel gebi ahaanba ka nabad ah.
Dr. Musfare oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan oo ka hadlayay cudurka duumada iyo sida uu dalka uga jiro waxaa uu yidhi “Cudurka duumadu waxa weeye cudurada ugu badan ee waddanka ka jira, waana cudurada haddii uu qofku u qaadan waayo daawo noqonaya dilaaga, cuduradu waa laba qaybood waa qayb qofka jidhkiisa uu jeermisku toos uun u soo galo ama qof kale uga soo gudbo, ama cunto u raacda, markaa duumadu waxay ka mid tahay cudurada looyaqaan (Factor born Deseases). Macnahiisu waxa weeyaan inay jirto wax kale oo caawinaya oo soo gudbinayaa inuu jiro oo ah bahashan duusha ee kaneecada oo jeermiska ka soo qaadaysa qofkii xanuunsanayey qofkii aan xanuunku hayna u gudbinaysa.
Inaga marka la eego waayihiisu waxa aan ku jirnaa dhulka uu ugu badan yahay oo marka sanadkii hore oo kaliya la eego ee 2024 kii, wuxu ahaa 10kun oo qof ayaa waxa ay noqdeen inay dawada qaateen, iyada oo dhimashadu ay aad u yarayd hadana waxay dhamaan ahaayeen inay xanuunka duumada yeesheen.
Taasi macnaheedu waxa weeyaan in qof kasta oo Somaliland ku nooli uu halis u yahay inuu yeelan karo cudurka duumada taasina ya keenayso xaaladahan maadaama aanay waddankeena jirin meel ay ka amaan tahay.”
Dr. Mustafe waxa uu sharraxaad ka bixiyay wakhtiyada uu xanuunkani dalka ku badan yahay waxaanu yidhi “Marka la eego xiliyada uu ku badan yahay waxa ka mid ah wakhtigaa aynu imika ku jirno ee roobab ku da’ayaan, marka ay sidaas u istaagaan waxa bilaabmaya bahashii gudbinaysay dhalashadeeda, dad kana waxa aad loogu baraaru jinayaa inay aad uga war hayaan biyaha istaagaya oo ah kuwa aadka u caawiya iyo meelaha biyaha u dhaw.
Saddex shay ayuun baa lagaga hortagaa, qofku hadii uu arko inuu xumad yeelanayo ama calaamadaha qandhada uu isku arko waxa ugu haboon inuu sida ugu deg dega badan u tagao xarun caafimaad oo weliba ah xarumaha loo yaqaano xarumaha guud ee aan ahayn kuwa gaar ah sababtuna tahay inuu dawada iyo baadhista bilaash ku helayo.
Ta labaad waxa weeyaan marka la eego dadku way u kala nuqul yihiin waa in ay dadku sameeyaan xilgaa roobku dhamaanayo oo aad u mumiim ah inay ku baraarug sanaadaan xidhashada maro kaneecada ee marka ay seexanayaan taasi oo ka caawinayso in bahashii jeemiska siday inaanay u soo gudbin weliba dadka aadka u sii nuqgul Sida Hooyada uurka leh, Caruurta, dadka waaweyn iyo dadka la nool xanuunada wadne xanuunka iyo macaanka.
Si looga hor tago waxa aad u muhiim ah in marka ugu horayso ee qofku calaamad isku arko waa inuu goobta ugu dhow iska baadho, wixii biyaha iyo qashin ah na iska nadiifiyo si aanu u saamayn dadka uu la nool yahay naftiisuna u bad baado.”
Dr. Mustafe oo ka hadlayay qaababka uu xanuunkani ugu gudbo bulshada waxa uu yidhi “Cudurka duumadu waa hal xanuun oo ay gudbiso kaneecadu, jeermiska keena waa ilaa 5 nooc inta la ogyahay waana ay kala duwan yihiin inaga waxa inagu badan ka loo yaqaano Faalsibaranti waana ta keenta in qof deg deg u galo xaalada loo yaqaan xaalada kakan laba nooc ayaa loo yaqaan nooc waxa weeyin xaaladaha sahlan, Noocna waxa weeyaan nooca qofku uu galo xaaladaha Kakan galo oo xubnaha jidhkiisa qayb saameeyo, qofkii oo koomo ku jira ama qofkii oo kelyuhu shaqada yareeyaan, ama qofkii bilaa dhiig uu noqdo ama dhiigii oo uu xinjirawgii ka baaba’o kaadida iyo sankisana uu dhiig soo raaco kuwaas o dhami waxay gaadheen xaalad Kakan.
Waxaynu ku ilaalinayaa marka horeba dawada iyo baadhista cudurka duumadu waa lacag la’aan dhammaan xarumaha caafimaad ee dawladda ee dalka oo dhan.
Waxaanan ku ilaalinaa in uu baadhitaanka iyo dawayntaba bilaash ku helo.
Fariinta aan dadka reer Somaliland aan u dirayaa waxa weeyaan xaalada cudurka duumada iyo cudurada kale ee ay gudbiso bahasha loo yaqaan kaneecadu.”






















