Maansada Sirta Nolosha Maxaynu ka faa’iidaysan karnaa?Qaybtii 3-aad

0
314

Qormadeena dhaqanka  iyo suugaanta wali wayxaynu ku dhex jirNAA Maansadii Sirta Nolosh ee uu Curiyay ALLE ha u naxariistee indheer garadkii abwaan Maxamed Ibraahin WARSAME Hadraawi.

Waxaynu ka bilaabaynaa todobaadkan sirta nolosha iyo waxa ay tahay marka uu ka hadlayo abwaanku iyo sida uu sawir wax ku ool ah innooga siiyay waxa lo baahan yahay in aad ka yeelato sirta nolosha.

Heedhee Sahraay heedhe,
Sirta noloshu xoog ma’aha,
Dhagar iyo suryee mahaa,
Surma seegto dedan maaha,
Sibqi iyo hunguri maaha,
Sacab iyo ka leef ma’aha,
Sukhrad iyo fal xumo ma’aha,
Hadba seeb u rogo ma’aha,
Salfo iyo ku faan ma’aha,
Damac iyo sandaho maaha,
Derejiyo saldano ma’aha,
Saro io dhalaal ma’aha,
Sidan iyo sidaas ma’aha,
Hadda sadadu lacag ma’aha,
Heedhee Sahraay heedhe,
Bulsho saami loo tuurta,
Shan siyood wax loo yeelay,
Samir inay xigtaan ma’aha,
Surka inay dhigtaan maaha,
Sas inay didaan ma’aha,
Inay suudalaan ma’aha,
Sardho inay galaan ma’aha,
Sixir inay dirtaan ma’aha,
Inay kala saftaan maaha,
Nin I sugayayow heedhe,
Anigoo ku sugey heedhe,
Maxaad ii sugtaa heedhe?

Heedhee Sahraay heedhe,
Marka haaddu socod deyso,
Dhirta sare tukuu fuulo,
Gorayadu sanqadha reeb to,
Adna soonka xidho ma’aha,
Mugdi talada sii ma’aha,
Berri iyo siday doonto,
Sug cadceedda maqan ma’aha,
Saqda dhexe habeen soocan,
Gudcur simay adduunkeenna,
Wax siraata noqo weeye,

Heedhee Sahraay heedhe,
Saran seerka jiilaalka,
Surbacaadka jaahweynta,
Sumal-haadka roob waaga,
Iyo solanka daaduunka,
Cirka oo sabaad guurey,
Dhulka oo huwadey siigo
Iyo dogobbo soogsoogan,
Marka beladu sooyaanto,
Saadaashu beenowdo,
Saca nuguli kaa leexdo,
Adna sebenka raac ma’aha,
Inan sabadu duugoobin,
Sayax iyo ugbaad waayin,
Sudda iyo degaankaagu,
Surmi iyo harraad leeyan,
Ama saacu guur-guurin,
Sohda ceelku dheeraannin,
Adaa yeeli kara saasba,

Heedhee Sahraay heedhe,
Saxariirka aafaadka,
Saxallada kal-meerkooda,
Sambabkuba col weeyaan,
Marka saymo loo iisho,
Ama soofku jaan qaado,
Ushu way sabooshaaye,
Ha ku dagan sidsidadkeeda,
Qalinkaa wax suureeya,
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Sunto fara ku hayntiisa,
Weligaa ha sii deynin,
Sisin iyo ku beer Muufo,
Iyo laanta saytuunka,
Ku qotomi sungaan waarta,
Iyo nabadda seeskeeda,
Samo iyo ku doon heedhe,
Dunidiyo sinnaanteeda
Ku dawee sawaaceenka,
Iyo siica daacuunka,
Ku burburi sarbaa mooska,
Iyo soohdimaa meersan,
Ku midee samuud raaca,
Midabada la sooc soocay,
Dadkan tobanka saamood leh,
Weligaa ha tumin seefo,
Iyo sabaradaha mowdka,
Dar samaysan baa yaalla,
Sancayahan gaboobaa leh,
Sahankaynu diranaa leh,
Nin sokeeyeheenaa leh,
Ninka sida xilkeennaa leh,
Ka sarjara heddeennaa leh,
Salab ciiddu hayn weeydey,
Ninka sudhay xiddigahaa leh,
Nin sabuul la aayaysto,
Dhulka siib ku ridin baa leh,
Nin Sahraay adduunkeenna,
Sacad gubi karaa haysta,
Ninka sigay kun jeer baa leh,
Waxa nolosha saameeya,
Sako nimaan ka bixin baa leh,
Nafta saawa-saawaysan,
Santi nimaan ku furan baa leh,
Nin aqoonta soorkeeda,
Sida kale u rogey baa leh,
Ninka sulubka maadhiinka,
Ugu roon saboolkaa leh,
Nin samaa ku adag baa leh,
Sannadkaynu caydhowney,
Kaynu suus ka weynaa leh,
Naftu waa sir xeel dheere,
Nimaan suubin Karin baa leh,
Wedka qudha sameeyaa leh,
Sulda iyo xanuunkeeda,
Shalay iyo sadaaddeeda,
Iyo saawihii hoogga,
Naxdintii badh baa suuxsan,
Selelkii badh baa waashay,
Dad sawaaban baa buuxa,
Dumar waayey saygooda,
Hengashii sidaa muuqda,
Ololkii badh baan seexan,
Sarihii dumaa jiifa,
Qabrigii sinmaa jeexan,
Waxa saaka joogow ah,
Surrad baa I guud taalla,
Salabkii horaa tuuran,
Samadiyo dhulkaa buuxa,
Baddu waa sakalo Miidan,
Qalab suruc leh baa laalan,
Sanqadhuhu hub kacay weeye,
Sabarkii dadkaa Baahan,
Saantii dadkaa qaawan,
Weli talo ma saalloona,
Waxa soo socdaa yaab leh,
Wershed suufiyaa daran,
Waxay soo siddaa geeri,
Midhaheedu waa saymo,
Belo aan fan seeraarka,
Saxar loo mar-maran weeye,
Waxan ahay qof cayn saaban,
Deldelaad u sudhan jeebka,
Allow yaa wax suureeya,
Salka dunida yaa dhawra,
Iyo seeska jiriddeeda,
Wacanaa sansaankeedu,
Badanaa sudaaddeedu,
Saxanaa hannaankeedu,
Allow yaan sugnaanteeda,
Saymiyo u rogin duullan,
Subax noolba dhiig daata,
Xadhig iyo silsilad shiilan,
Allow yaan sinnaanteeda,
Ku beddelin saraar oodan,
Iyo seere wiil qaytey,
Dadka saran guudkeeda,
Yaan ka dhigin sabool qaawan,
Iyo soobir caydh jooga,
Erey sami wuxuu gooyo,
Allow yaan ku jarin soodhka,
Garashada ka dhigan seefo,
Allow yaa su’aashaasi,
Sida ay u tahay yeelay,

Heedhee Sahraay heedhe,
Dhulka iyo wixii saran,
Sare iyo wixii laalan,
Inta sudan intii seem man,
Waxa jira sir iyo caadba,
Rabbi qudha sax weedhiisa,
Sida uu ku yidhi buuxi,
Waxa hadhay salka iyo baarka,
Inta sool qarsoon joogta,
Inta seel xidhxidhan jiifta,
Inta saydha waabayda,
Maroodiga siddaa dheer leh,
Wiyil iyo sahboodkeeda,
Inta laga subxaanaysto,
Kolay tahay libaax sayn leh,
Marka aad Sahraay meel fog,
Uga suul-dhabaaleyso,
Deg-deg inay sujuuddaada,
Suxullada dhigtaan weeye,
Sidashada awooddaasi,
Sahal io wax fudud ma’aha,
Qofba waa si garadkiisa,

Heedhee Sahraay heedhe,
Badda iyo sulaaqeeda,
Iyo buurta saysaaban,
Onkodkiyo sawaxankiisa,
Salowgiyo jibaadkiisa,
Danabkiyo salsalihiisa,
Sarka dhabanka duufaanka,
Ha ka didin sawaxankooda,
Duni kuu sakhiran weeye,
Sayid baad u tahay caana,
Suubaali oo layli,
Ku sasabo aqoontaada,
Senge iyo ka dhigo doonni,
Sallo iyo ka dhigo oori,
Gabadh weeye caad saran,
Badi saayiraadeeda,
Iyo laab salaaxeeda,
Guro saadka guudkeeda,
Iyo sahayda uurkeeda,
Kordhi noole soorkeeda,
Iyo baahi saarkeeda,
Hubi nabad sugnaanteeda,
Iyo sabo negaanteeda,
Ha ku deyin xannun saaqa,
Ha ku badin saqaaf ciiddan,
Suluf iyo colaad waarta,
Ha ku saaxin naabaalka,
Iyo sulubka baaruudda,
Ha ku didin sabbeeyaanka,
Sabareynka boodbooda,
Iyo sukhula naareedka,
Ha la dhicin sawaariikhda,
Iyo saanadaa miiggan,
Ha sumayn macaankeeda,
Salabaha ha marin doogga,
Ha burburin sansaankeeda,
Quruxdiyo sureerkeeda,
Ha sadhayn hagoogteeda,
Sagalkiyo daruurteeda,
Ha sukuumin uunkeeda,
Saryankiyo ugaadheeda,
Ha furfurin sin-dadabkeeda,
Ha ka rogin dul saarkeeda,
Udubbada ha siibsiibin,
Ha afuufin suurkeeda,
Subax qudha ha duuduubin,
Sakaraadka taaheeda,
Uga xilo samaanteeda,
Sacabkiyo mashxaraddeeda,
Garashadu mid soofaysa,
Ha ka dhign sadqaynteeda,
Ha ku solo wanaaggeedu,
Ku sin inan-dumaalkeeda,
Kuwa saadanbee laalan,
Heedhee Sahraay heedhe,
Seben tegey xusuustiisa,
Raad raaca Siinleeyda,
Socod barashadii doodad,
Saxarliyo abbaarteeda,
Anigaan wax saaraynin,
Sannad iyo garadkiisa,
Saadaashu been weeye,
Waxba samir ma liileeyo,
Ha sarwicin qof kaa jeeda,
Hana sugin nin kaa maarmay,
Hana sigan mar mooyaane,
Nin ku siray ha faallayni,
Sababana ha weydiinnin,
Ha u seeta dheeraynin,
Hana sidin culayskiis,
Siriq iyo ku qabo baydo,
Hana falin siduu yeelay,
Nin ku yidhi anaa saasa,
Ha ku odhan sidaas weeye,
Sida uu ku yidhi heedhe,
Haddii ay siniin weydo,
Ama sarin sanaan weydo,
Waxa furan sidaas ma’aha,
Qof saluugey maankiisa,
Ama suufay muuqiisa,
Ka sal kacay xaqiiqdiisa,
Qabku saami ladha ma’aha,
Nin sitaba bar baa saran,
Ninka sii sitaa jooga,
Raggannimada sooceeda,
Adigoo sagaal buuxshey,
Hal ku seegay baa yaalla,
Sogotiga qof tegayaa leh,
Si hadday u dhici weydo,
Si kalaa u waan waan ah,
Dunidaa sidaas yeesha,
Sooryana qof yimi baa leh,
Si hadday u noqo weydo,
Si kalaa u waaceen ah,
Dad horaa sidaad yeelay,
Nin salaad u kacay oogan,
Sahwi galay xalaaleeye,
Adna sahankan beel loogan,
Ha ka dhigin socdaal baada,
In halkii sal hayn waayo,
Laga saba rogtaa doora,
In su’aal jawaabteeda leh,
Lala sara kacaa fiican,
Nin ku yidhi sinnaan mayno,
Adna buri sarrayntiisa,
Sidka waa wadaagtaane,
Ma sagaashan baa tiisu,
Selelkaba hurdaa keent,
Haba seexan goor baas leh,
Han sareedo loo waayey,
In saraayo loo daayo,
Sida aan u idhi weeye,
Bela saacaddeed joogta,
Sabti nabada haw riix in,
Subax dhalatay caadkeeda,
Ha ka bogan wax saarkeeda,
Adiguba samee maanta,
Berritona sargoo heedhe,
Noloshaba inaad saafto,
Qaabayso saabkeeda,
Waxaan suura gelin ma’aha,
Garashiyo sugnaan hoyso,
Falka sami ha kuu raaco,
Mana jiro sed kaa baaqday,
Ilbaxnimadu saas weeye,
Sirta noloshu taas weeye.

 

Sidaas waxaa inoo gu soo dhamaaatay Maansadii Sirta Nolosha ee uu curiyay rabbi ha u naxariistee Abwaan Maxamed