Anuun Baa Hooyadaa ah” Maanso Haraawi

0
144

Qormadeena dhaqanka iyo Suugaanta ee todobaadkan waxaan ku soo qaadanaynaa maansada Anuun baa hooyadaa ah ee uu curiyay alle ha u naxaniistee Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame. Maansada anuun baa hooyad aah waxaan todobaadkan us oo qaadanaynaa in aan isku xasuusino qiimaha hooyadu ay leedahay iyo sida ay waajibka u  tahay u sama falka waalidka iyadoo aynu ku guda jirno bisha barakaysan ee Ramdaanka.

Haddaba Alle ha u naxariistee Abwaan Hadraawi waxaa uu si qoto dheer inoogu bayaaminauyaa qiimaha hooyada iyo sda ay hooyadu u tahay mid markasta wanaaga ilmaheeda jecel o ku faanta halka ay dhaliishiisa mar walba asurto.

Waxaa kale oo la inooga baahan yahay in aynu gudano waajibaadka waalidku innagu leeyahay. Maansada anuun baa hooyadaa ah waxaa uu ku bilaabay alle ha u naxariistee abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi sidan.

 

Hunguri calafbaa xukuma

Hantina dhaqanbaa shushuba

Dadkana hiddihiisa guud

Wixii la hayaa dhexyaal

 

Xaq iyo u-hal-buuxintiisa

Habboonkiyo waalid tiisa

Hilbiyo ku-arooridooda

Siduu uga hawl yaraysto

Halmaan laga yeeli maayo

Hawiyo tumashoy dhashayda

Ka daa gacan-haadiskaaga

 

Barbaar hanaqaad ku leexday

Duciyo habaar qaadan waayey

Cir iyo heeguu noqdaa

Hadhaysa dhul aan aqoone

Hoygii madhan wiilashiisa

Haween dumar baa ka sheegta

Hablaha kacaybaa u yeedha

Haldhaa jecel baa u qaybsan

 

Inaan hadlo maan sugaynin

Baxnaanana maan horjoogsan

Hubsiinana maan illaawin

Hoggeediyo xaajadayda

Dareenka haloosigiisa

Hugiisa inaan ka qaado

Hayaanka fogaaday baa leh

Markaan cidla hiil ka waayey

Naftayda halaanhalkeeda

Waxaan huri waayey sheego

 

Haantii lulatay dhegayso

Hoobaanta agtaada taalla

Hadiinadu baadi weeye

Hashii korisaa u ciillan

 

Qofaad halab-saariddiisa

Daryeelka horseedadiisa

Dedaallada heensihiisa

Habeenna ka seexan weydey

Ku meel maray heegantaada

Markuu hagar kuu banneeyo

Dharaar ku haleeli waayo

Hortaada waxaa yimaadda

Sidaad ugu heellanayde

Harraad iyo waa kalkiise

Hillaac baxayow dhegayso

Siday talo kaaga hoostay

 

Calooshu intay ku hoysey

Hiyigu ku baxnaaninaayey

Horraadka intaad jaqsiisay

Dhabtaydu intay ku haysey

Intaad huwanayd taftayda

Hobeeya hobey hobeyda

Intaan dusha kuugu heesay

Intaan hanad kuugu yeedhay

Hawraaraha kugu ammaanay

Intaan hubin kuu xambaaray

Dartaa u hoggaansanaaday

Hadhuubada aan ku siiyey

Habniin adigoo ku diidey

Intaan hambo kuu daboolay

Hammuun iyo gaajo qaatay

Adoo haqab-beel ku seexday

Intaan hurdo kuu illaaway

Ilaashay hareerahaaga

Hungaa i xasuusinaysa

Hayaydana meel shishaa leh

Hiloga naftaa aloosan

Kashaa hinqanaysa goorba’an

Hankaa i waraysanaaya

Tolow hebel mee ku foogan

Aniyo hirashaa is weyney

Higsiga noloshaa adkaaday

Adduun iyo haybsigiisa

Hangool li’idaan ku daayey

Waxaan ku hagaagi waayey

Dhankaad ku hagaagsanayde

Adoo ka hanweyn xaggayga

Qof kuugu hanweyn dantiisa

Cid aad ku hallaysay mooyi!

 

Halyeynnimadaada sheelan

Habawgiyo dhiirintiisa

Ayaan halis kuu tusayne

Intaan kugu hawlo-daaley

Intaan kugu hoodo-sheegtay

 

Intaan hebla’ kuugu faanay

Hilaado fog bay lahayde

Inaan hafarkaaga qaato

Sidaad ku heshaa da’ weyne

Adiyo habigaaga mooyi!

 

Habaaska inaad cantuugto

Adoo hanadaan ka dooratay

Xaggayga hibaan ku saaray

Anigu ku habaari maayo

Huqbaase ku raadinaysa

Hibaaq xalan maad ahayne

Hufnaanta dhibtii abuurtay

Inaanay hadhayn yiqiinso!

 

Hawaala adduun rabbaa og

Dadkuna kala hoodo weeye

Haddeer iyo tii haddeer

Hadhow iyo tii hadhow

Hoosiyo sare tii ku raacda

Anuunbaa hooyadaaya.