Barnaamijkeena Deegaan-Jire ee toddobaadkan waxa uu iftiiminayaa xaaladda guud ee deegaanka gobolka Awdal, iyadoo si gaar ah aynu diiradda u saarayno saameynta ay duufaanta Sagar iyo isbeddelka cimiladu ku yeesheen dhul-beereedka, duurjoogta, dadka iyo xoolaha deegaanka.
Waxa sidan barnaamijka Degaan-jire ee Wargeyska Dawan u sheegay Isu-duwaha Wasaaradda Deegaanka ee gobolka Awdal, Cabdiwahaab Xuseen Muumin, waxa uu iftiimiayy xaaladaha dhabta ah ee deegaanka, dhibaatooyinka jira, iyo dadaallada lagu xalinayo.
Duufaanta Sagar iyo saameynta Baahsan ee Deegaanka
Mudane Cabdiwahaab Xuseen Muumin Isu’duwanaha wasaaradda deegaanka gobolka Awdal, wuxuu warbixintiisa ku bilaabay xuska duufaantii Sagar ee dhacday sanadkii 2018, taasoo si weyn u waxyeellaysay deegaanada xeebaha gobolka Awdal, gaar ahaan dhirtii dabiiciga ahayd ee ku beernayd Lughaya, sida Kulanka iyo Xudhuunk oo ahaa dhir deegaanku caan ku ahaa, kuwaasi oo qayb ka ahaa badbaadad deegaanka iyo yaraynta nabaad guurka.
Waxaanu yidhi.”Duufaanta Sagar waxay sababtay baabi’inta dhirtii deegaanka, taasina waxay saldhig u noqotay isbeddelka cimilada.
Waxaa hoos u dhacay daaqsinka iyo qadhaabka xoolaha, taasoo keentay in nolosha dadka reer miyiga ay dhibaato weyn soo food-saarto,” .
Dhibaatooyinkaas waxaa sii dheer, ayuu yidhii, abaaro soo noqnoqday oo sanad walba kusoo laabtay, kuwaasoo si gaar ah u saameeyay deegaamada xeebaha, waxaaney tani si cad u muujinaysaa xidhiidhka ka dhexeeya xaalufka dhirta, isbeddelka cimilada, iyo korodhka abaarta.
Roobabkii Xilligooda ka Dib Dhacay iyo Korodhka Heer-kulka
Isu-duwahu wuxuu xusay in isbeddelka cimilada uu keenay roobkii oo wakhtigiisi kadib dhacay, taasoo dhaawac weyn ku ah dhaqaalaha xoolo-dhaqatada iyo dadka beeraleyda ah.
Tusaale ahaan, roobkii dayrta ee hadda curtay ayaa yimid xilli aan ahayn kii la filayay.
Sidoo kale, waxaa tilmaamay inuu si weyn isu beddelay heer kulka gobolka, Isu-duwuhu wuxuu intaas ku daray in heer kulka Awdal uu gaadhay ilaa 30°C, halka deegaanada xeebaha uu marayo ilaa 50°C, taasi oo uu sheegay in marka la eego wakhtiyadii hore aanu gaadhi jiran intaa balse oo ilaa xad ka hoosayn jiray.
Waxaanu yidhi.“Gobolku wuxuu horey u ahaa qabow, maanta kulayl daran ayaa ka jira, tani waa mid si toos ah u saameynaysa noolaha, dadkaba iyo xoolaha,”
Dhibaatooyinka Dhuxulaysiga iyo Kala-Oodashada Deegaanka
Waa mid kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee deegaanka Awdal ka jira, waxaa si xad-dhaaf ah loo gooyaa dhirta iyadoo loo adeegsanayo dhuxulaysi iyo dhisme sharci darro ah.
Waxaa kale oo isa soo taraya kala-oodashada dhulka si gaar ah loogu sameeyo beeraleyda ama dadka daneysanaya dhul-dhaqameedka, waana dhibaato deegaan oo hadda jirta oo dhiirigalinaysa isbadelka deegaanka iyo Cimilada.
Waxaanu yidhi.“Dadka waxay si kala duwan u isticmaalaan deegaanka mid dhisme u jaraya, mid dhuxulaysi ku haysta, midna dhul si gaar ah u ooday. Tani waxay sii xoojinaysaa isbeddelka cimilada, waana wax aan ka hortagayno haddii ALLE yidhaahdo”
Dadaallada Wasaaradda iyo Barnaamijyada Ilaalinta Deegaanka
Isu-duwuhu wuxuu si gaar ah u dul istaagay dadaallada ay wasaaraddu ku bixisay ilaalinta deegaanka iyo yareynta saameynta isbeddelka cimilada. Waxaa kamid ah:
- Kormeer 16 Maalmood ah oo Xeebaha lagu sameeyay
Wasaaradda ayaa waqti dheer ku bixisay la socoshada abaaraha iyo xaaladda deegaanka xeebaha, kaasi ay abaaruhu saamayn ku yeesheen loona baahan yahay in derso.
“Muddo 16 maalmood ah ayaanu ku sugnayn deegaanada xeebta, si aan u qiimayno xaaladda roob-yaraanta iyo saameynta cimilada,”Ayuu sheegay.
- Seeraha Buurta Libaaxley
Wasaaraddu waxay ka hirgelisay seere dabiici ah oo baaxaddiisu tahay ilaa 40km, kaas oo xoolaha loogu oggolaaday inay daaqaan xilliga abaarta.
- Xarumo Kobcinta Dhirta
Waxa si rasmi ah loo aasaasay xarumo kobcin dhir ah oo ka shaqeeya dib-u-dejinta dhirta deegaanka.
Waxa ka mid ah:
- Rugta Hoose ee Buurta Libaaxley
- Xarunta Gargaara ee degmada Lughaya
“Xarumahani waxay door muhiim ah ka qaadanayaan soo celinta dhirta dabiiciga ah iyo yaraynta nabaad-guurka.”Ayuu yidhi.
Saameynta Isbeddelka Cimilada ee Duurjoogta
Isu’duwaha gobolka Awdal ee wasaradda deegaanka Cabdiwahaab Xuseen Muumin wuxuu sidoo kale muujiyay walaac weyn oo ku saabsan xaaladda duurjoogta, isaga oo farta ku fiiqey in marka dhirtu yaraato ama biyaha dhulka ka go’aan, duurjoogtu ay la kulmaan haraad iyo gaajo, taasoo keenta dhimasho baahsan.
Waxaanu yidhi.“Waxaa jirta dhalinyaro ugaadhsata duurjoogta, taasoo dhaawacaysa nidaamka deegaanka, wasaarad ahaan waxaan ku dadaaleynaa inaan u helno xal waara.”
Waxaa kale oo wasaaraddu leedahay wakiillo deegaanka u jooga, kuwaas oo la socda waxyeellada deegaanka lagu hayo una gudbiya xogta si toos ah.
Baaq wasaaradda Deegaanka Awdal
Isu-duwaha wuxuu bulshada reer Awdal ku boorriyay in ay door muuqda ka qaataan ilaalinta deegaanka, maadaama ay yihiin dad noloshoodu ku tiirsan tahay dhulka ay ku nool yihiin.
Waxaanu yidhi.“Deegaanka haddii la dayaco, xoolihii iyo dadka labaduba way waxyeeloobayaan. Waa in la is-kaashadaa si loo badbaadiyo deegaanka,”
Gaba-gabadii, wuxuu xusay in wasaaraddu ay heegan u tahay sidii wax looga qaban lahaa isbeddelka cimilada, iyadoo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Cabdilaahi Jaamac Geeljire.

























