Saxaabiga C/raxmaan Binu Abiibakar (Rc) wuxu yidhi Rasuulka Allah (scw) wuxu yidhi :” Ma adiinka waramaa denbiyada waaweyn, waxaanu ku nidhi Haa Rasuulkii Allow (scw) , Rasuulku wuxu yidhi “ Waa Allah oo loo shariik yeelo, (wax lala wadaajiyo) iyo Waalidka oo caasi lagu noqdo, Rasuulku wuxu ahaa mid dengiiga, ka dibna wuu soo fadhiistay waxaana uu yidhi “ iyo Hadalka Beenta ah” Wuxu ku celceliyay hooyay waa hadalka beenta ah, waa hadalka beenta ah “ , ilaa aanu is nidhi muu iska aamuso markii uu joojin waayay” .
Hadalka beenta ee la samaynayo wuxu dhibaato ku yahay diinta iyo nolosha bulshada, waana in qofka muslinka ahi denbiga beenta ah iska ilaaliya , inuu isagu abuuro iyo inuu faafiyo labadaba.

























