Geerida Marxuum Siciid Jaamac Cali: Xasuusta Halyeeygii Midnimadda, Nabadda iyo Isku Xidhka JSL

0
133

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan)- Alle ha u naxariistee, geerida Marxuum Siciid Jaamac Cali, guddoomiye ku xigeenkii golaha Guurtida Somaliland, waxay ahayd mid murugo iyo tiiraanyo weyn ku reebtay guud ahaan shacabka Somaliland iyo qaranka ba, gaar ahaan Golaha Guurtida, oo uu muddo dheer ka tirsanaa, isla markaana uu door hoggaamineed iyo mid taariikhi ah ka soo qaatay. Marxuumku wuxuu ahaa tiir-dhexaad qaran oo door muuqda ku lahaa geedi-socodka qaranka. Wuxuu ahaa oday qaran oo ka tagay raad weyn oo lagu xasuusan doono jiilba jiil. Somaliland waxay weyday haldoor, balse taariikhda iyo dhaxalkiisa ayaa sii noolaan doona.

Siciid Jaamac wuxuu ka mid ahaa tiirarka nabadda iyo wada-noolaanshaha bulshada Somaliland, doorkiisa dhex-dhexaadnimo ee xalinta arrimaha colaadeed iyo khilaafaadka siyaasadeed waxay si cad u muujinayaan waxtarka ballaadhan ee uu bulshada u lahaa. Wuxuu ahaa codka bulshada nugul iyo daryeelaha dhaqanka ummadda, maskaxda talada golaha, iyo wadnaha isu-keenidda shacabka. Had iyo jeerna waxa uu u istaagi jiray ka shaqaynta nabadaynta, is-afgaradka iyo xoojinta midnimada qaranka.

Geerida Marxuum Siciid Jaamac Cali waa mid si weyn u taabanaysa laf-dhabarta siyaasadda, dhaqanka, iyo nabadda Somaliland. Marxuumku wuxuu ka mid ahaa haldoorkii dhidibadda u dhigay aas-aaskii nabadaynta dalka, isagoo door muuqda ka qaatay dhismaha hay’adaha dawliga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Muddo dheer ayuu ka tirsanaa Golaha Guurtida, waxaanu ka mid ahaa hoggaanka sare ee golaha, isaga oo ku suntanaa firfircooni, aragti fog, iyo hoggaan leh karti siyaasadeed iyo bulsheed. Waxa uu ahaa oday si weyn loogu hallayn jiray xalinta khilaafaadka, dejinta xeerarka, iyo dhiirrigelinta wadajirka ummadda, isaga oo mar walba u taagnaa danta guud iyo midnimada qaranka.

Golaha Guurtida Somaliland wuxuu ka dhaxlay Marxuum Siciid waayo-aragnimo, xasillooni, iyo xigmad, taas oo ah raad weyn oo taariikhi ah oo aan marnaba duugoobaynin oo uu Marxuumku kaga tagay golaha iyo qarankaba. Dhaxalkiisu wuxuu noqon doonaa mid mar kasta lagu xasuusto marka laga hadlayo deganaanshaha siyaasadeed iyo doorka muuqda ee dhaqanku ku leeyahay hagidda dalka.

  1. Doorkiisii Hoggaaminta Golaha Guurtida

Siciid Jaamac Cali wuxuu door hoggaamineed oo muhiim ah ka qaatay Golaha Guurtida Somaliland, isagoo si hufan mar kasta u hagi-jiray fadhiyada golaha, isla markaana caan ku ahaa dhexdhexaadinta khilaafaadka golaha dhexdisa, waxaanu dadaal badan ku bixin jiray sidii Golaha Guurtidu u noqdon lahaa hay’ad awood oo saameyn dhab ah ku leh go’aamada siyaasadeed iyo nabadeed ee dalka. Aragti fog iyo karti siyaasadeed ayaa ka dhigtay tiir muhiim ah oo Golaha ka mid ah.

Hagidda Fadhiyada Golaha: Waxa uu si hagar la’aan ah uga qayb qaatay hagaajinta nidaamka iyo habsani-u-socodka fadhiyada Golaha Guurtida, isagoo marar badan hogaamiyay kulamo muhiim ah oo lagaga dooday arrimo xasaasi ah iyo qaranimada dalka, iyada oo ay hoggaamintiisu ka dhigtay fadhiyadii golaha kuwo nidaamsan oo midho dhal ah.

Heshiisiinta Xubnaha Golaha: Markasta oo khilaaf ka dhex dhashay xubnaha golaha ama dhinacyada siyaasadeed, wuxuu ahaa dhexdhexaadiye khibrad iyo sumcad leh, oo lagu kalsoon yahay in uu xal waara u heli doono khilaafkaas, isaga oo mar walba ka shaqeyn jiray nabad iyo wadajir.

Kor u Qaadidda Doorka Guurtida: Waxa uu si hagar la’aan ah uga shaqeeyay in Golaha Guurtida loo arko hay’ad awood iyo miisaan ku leh siyaasadda dalka, oo aan ku ekaan talo-bixin kaliya, balse kaalin muuqata ka qaadata qaadashada go’aamada siyaasadeed, nabadeed, iyo horumarineed ee Somaliland.

  1. Doorkiisii Nabadeynta ee Bariga iyo Galbeedka Somaliland:

Marxuum Siciid Jaamac Cali wuxuu ahaa tiir adag oo ka mid ahaa ergadii iyo odayaashii dhaqanka ee nabadeynta colaado ka dhacay Bariga iyo Galbeedka Somaliland, gaar ahaan gobollada Sool, Sanaag, Togdheer, iyo Awdal. Wuxuu door muhiim ah ka qaatay hirgelinta heshiisyo nabadeed oo lagu xalliyey khilaafaadkii u dhaxeeyay beelaha walaalaha ah ee ku kala aragtida duwanaa arrimaha siyaasadda iyo dhulka.

Isku dheelitirka xogaha beelaha iyo dawladda: Marxuumku wuxuu si xooggan uga shaqeeyay in codka beelaha cabashada leh la maqlo, lagana hawlgalo xal waara oo ku dhisan wada-hadal iyo isfahan, taasoo horseed u noqotay nabad waarta iyo xasillooni guud.

  1. Xalinta Khilaafaadka Sharci-dejinta: Marxuumku wuxuu door muuqda ka qaatay xallinta khilaafaadyo ku salaysan xeerarka iyo habraacyada labada gole (Guurtida iyo Wakiillada), isaga oo marar badan fududeeyay habka dhammeystirka shuruucda, kana shaqeeyay in khilaafaadkaas si degan oo waxtar leh loo dhameeyo.

Marxuum Siciid Jaamac Cali wuxuu ahaa xubin isku-xidha labada gole, isagoo dadaalkiisii hagar la’aanta ahaa keenay in Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada ay si habsami leh isula shaqeeyaan, oo ay si togan isula jaanqaadaan isla markaana ay si guud uga wada shaqeeyaan danaha guud ee dalka.

Kor u Qaadidda Iskaashiga Golayaasha: Wuxuu si hagar la’aan ah u dhiirrigeliyay iskaashiga labada gole, gaar ahaan dhinacyada xeer dejinta, dib-u-eegista shuruucda, iyo hagidda nidaamka siyaasadeed ee dalka, taasoo horseed u noqotay horumar iyo xasilooni siyaasadeed oo muuqata.

  1. Doorkiisii Isku Haynta Bulshada

Marxuum Siciid Jaamac Cali wuxuu ahaa oday dhaqameed si weyn loogu tixgeliyo dhammaan gobollada kala duwan ee Somaliland. Marar badan ayuu isu keenay beelo isku khilaafay oo ku muransanaa arrimo dhul, siyaasadeed, iyo kuwo dhaqameed, isaga oo mar walba ka shaqeynayay nabad iyo isfahan dhab ah.

Kor u Qaadidda Is-fahamka Bulshada: Marxuumku wuxuu aaminsanaa in dhismaha Somaliland uu ku xidhan yahay midnimada bulshada, sidaas darteed wuxuu si joogto ah ugu hawlanaa xoojinta wadajirka iyo is-afgaradka, gaar ahaan waqtiyada doorashooyinka, khilaafaadka deegaanka, iyo xaaladaha degdegga ah ee soo ifbaxa.

Wuxuu ahaa tiir adag oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee mideeya Somaliland, mar walbana ugu baaqi jiray shacabka in ay ilaaliyaan wadajirka, qaranimada, iyo jiritaanka dalka, isagoo ka tagay dhaxal qoto dheer oo ku saabsan midnimo iyo nabad waarta.

  1. Nashadeynta iyo Falanqaynta Xeerarka Golaha

Marxuum Siciid Jaamac Cali wuxuu ahaa khabiir aad u xeel dheer oo ku takhasusay falanqaynta iyo naqshadeynta xeerarka soo gaadha Golaha Guurtida. Wuxuu lahaa aqoon qoto dheer oo uu si xirfad leh ugu naaqisho xeerarka cusub iyo kuwa wax-ka-beddelka looga baahan yahay, isagoo fiiro gaar ah siin jiray saameynta ay ku yeelanayaan bulshada iyo dhaqanka.

Fikir Midaysan iyo Aragti Fog: Marxuumku wuxuu caan ku ahaa inuu xeer walba ka eego dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin saamaynta bulshada, dhaqanka, diinta, iyo suurtagalnimada hirgelinta, taas oo ka dhigtay falanqayntiisa mid dhameystiran oo midho dhal ah.

Saameynta Qabyo-tirka Xeerarka: Wuxuu ahaa maskax furan oo mar walba soo jeedin jiray talooyin wax ku ool ah oo lagu hagaajin karo xeerarka golaha, taasoo ka caawin jirtay Golaha Guurtida inay soo saaraan sharciyo waxtar leh oo ku habboon xaaladda dalka iyo baahiyaha bulshada.

Gabad-gabadii,

Geerida Marxuum Siciid Jaamac Cali waa dhacdo murugo weyn ku reebtay guud ahaan shacabka Somaliland, gaar ahaan Golaha Guurtida oo uu ka mid ahaa tiir-dhexaadkii ugu waaweynaa. Doorkii uu ka qaatay dhismaha nabadda, hagidda golayaasha, iyo mideynta bulshada ayaa noqday dhaxal taariikhi ah oo aan marnaba la iloobi doonin. Marxuumku wuxuu ahaa oday qaran oo ka tagay raad mug leh oo weligiis lagu xasuusan doono, iyadoo dadaalkiisa iyo hoggaamintiisu ay tahay iftiin hagaya jidka nabadda iyo horumarka dalka.

Ilaahay ha u naxariisto, Janatul Fardowsana ha ka waraabiyo.

Aamiin, aamiin, aamiin.