Barnaamijkeena Degaan-jire ee Wargeyska Dawan, toddobaadkan waxa aynu ku eegaynaa Shirka labaad ee isbeddelka Cimilada Afrika(Africa climate summit 2) oo si rasmi ah uga furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Shirkan oo ah mid heer Qaaradeed iyo mid caalamiba ah, waxaa ka qaybgalaya madaxda Afrika, hay’adaha caalamiga ah, ururada bulshada rayidka, ganacsato, iyo khubaro ku takhasusay deegaanka iyo isbadelka cimilada.
Shirkan wuxuu ka shaqeyn doonaa sidii loo dardargelin lahaa dadaallada Afrika ee lagula tacaalayo saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada, loona abuuri lahaa hannaan waara oo xal u noqon kara dhibaatooyinka deegaanka ee qaaradda Afrika iyo caalamka.
Qodobada ugu muhiimsan ee Shirka laga wada hadli doono:
Saameynta Degdegga ah ee Isbeddelka Cimilada, abaaraha soo noqnoqda, fatahaadaha baahsan, hoos u dhaca wax-soo-saarka beeraha, barakaca dadka ku qasbanaaday cimilada.
Sidoo kale ka hortagga iyo La-qabsiga isbeddelka Cimilada, qorshayaasha la-qabsiga cimilada, xoojinta awoodda bulshada, isticmaalka khayraadka dabiiciga si waxtar leh
Horumarinta Dhaqaalaha Cagaaran, Maalgelinta tamarta la cusboonaysiin karo, teknoolojiyada nadiifka ah iyo suuqyada deegaanka ku saleysan.
Iskaashiga Caalamiga ah iyo siyaasadaha Afrika, maalgelin waarta oo caalami ah, siyaasado mideysan oo Afrika ah iyo maareynta taageerada caalamiga.
Dhamaan qodobadan muhiimka ah ee lagula tacaalayo isbadelka Cimilada Qaaradda Afrika ayaa noqon doona, kuwo lagu gorfeyo isla markaan lagu lafo-guro shirka labaad ee Isbadelka Cimilada Afrika, waxaana si cilmiyaysan oo aqooni ku dheehan tahay u faaqidi doona khubaro iyo Aqoonyahano ka socda dalalka Afrika, kuwaasi oo awooda siin doona sidii loo yarayn lahaa khatarta Afrika ee isbadelka Cimilada.
Doorka Bulshada Rayidka iyo ururada Deegaanka, ka qaybgalka bulshada rayidka, hal-abuurka deegaanka ee maxalliga iyo xidhiidh toos ah oo lala yeesho hay’adaha dawladda
Maalgelinta Mashaariicda Deegaanka, soo bandhigida fursado maalgelin, taageerada maaliyadeed ee mashaariicda iyo iskaashiga bangiyada horumarineed iyo deeq-bixiyeyaasha
Faa’iidooyinka Shirka ee Bulshada Afrika, wacyigelinta bulshadu waxay si fiican u fahmi doontaa khatarta isbeddelka cimilada iyo doorka ay ka ciyaari karaan, xoojinta siyaasadaha deegaanka dawladuhu waxay heli doonaan jihooyin cusub oo ku saabsan ilaalinta deegaanka.
Fursado maalgelin, waxaa la helayaa taageero dhaqaale oo lagu horumarinayo mashaariicaha deegaanka, suuqyada tamarta nadiifta ah iyo hal-abuurka deegaanka ayaa kobcaya, waxaanu shirku fure u noqon doona xidhiidh cusub oo ganacsi, siyaasadeed iyo bulsho.
Haddaba in kasta oo Somaliland aanay rasmi ahaan xubinta ka ahayn ururada Afrika, haddana dadaallada ay waddo ee ilaalinta deegaanka waxay mudan yihiin in laga faa’iideysto aqoonta iyo qorshayaasha cusub ee shirka.
Africa Climate Summit 2 waa fursad muhiim ah oo Somaliland ka heli karto xdhiidh iyo taageero horumarineed, waxaanaka shirkaasi uga qayb galaya khubado ka socda wasaaradda deegaanka iyo Isbadelka Cimilada oo qayb ka noqon doonta xalka ay Qaaradda Afrika u raadinayso yaraynta khatarta isbadelka Cimilada.
Barnaamijka Degaan-jire ee toddobaadkan wuxuu gudbinayaa fariin muhiim ah oo ku saabsan ujeedada, muhiimadda, iyo faa’iidada guud ee Shirka Isbeddelka Cimilada Afrika 2, oo si rasmi ah uga furmay magaalada Addis Ababa, Itoobiya.
Fariinta ugu weyn ee Barnaamijku gudbinayo waa, in Afrika u baahan tahay in si mideysan, firfircoon iyo waarta ay uga jawaabto saameynta isbeddelka cimilada, iyadoo loo marayo iskaashi, wacyi-gelin, iyo horumarin dhaqaalaha cagaaran si loo badbaadiyo deegaanka, loona sugo mustaqbalka jiilasha dambe.
Shirka Isbeddelka Cimilada Afrika 2 ma aha kaliya kulan siyaasadeed, waa madal lagu mideynayo aragtiyada Afrikaanka, lagu dardargelinayo ficillada deegaanka, isla markaana bulshada lagu baraarujinayo muhiimadda ay leedahay ilaalinta cimilada si loogu gudbo Afrika cagaaran, waarta, iyo adkaysi leh.

























