Barnaamijkeena xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga, ee toddobaadkan waxa aynu diiradda ku saaraynaa warbixin uu si gaar ah wargeyska Dawan ugu sheegay Isu-duwaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee gobolka Awdal Cabdirashiid Rabiile Muuse Dhawal.
Isu-duwuhu wuxuu si qoto dheer uga warbixiyay shaqooyinka muhiimka ah ee wasaaraddu ka waddo gobolka Awdal, gaar ahaan doorkooda ku aaddan u adeegidda bulshada iyo sidii looga falcelin lahaa saameynta abaaraha ku reebay dadka iyo duunyada.
Isu-duwaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee gobolka Awdal ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlaha muhiimka ah ee ay wasaaraddu ka waddo gobolka, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee abaaruhu saameeyeen nolosha dadka iyo duunyada.
Wuxuu sheegay in wasaaraddu ay ka howlgasho dhammaan afarta degmo ee gobolka Awdal, ee Boorama, Baki, Lughaya iyo Dila, isagoo xusay in dhammaan shaqaalaha wasaaraddu ay si joogto ah uga shaqeeyaan degmooyinkan.
Waxaanu yidhi “Gobolka Awdal ka wasaarad Xalaanada Xoolaha iyo horumarinta reer miyi ahaan waxaanu maamullaa guud ahaan 4 degmo oo kala ha Boorama, Baki, Lughaya iyo Dila. Intaasiba way nooga hawl galaan shaqaalaha wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyigu ee gobolka Awdal.”
Sidoo kale Cabdirashiid Rabiile, waxa uu sheegay in sanadkan, abaaro ba’an ayaa saameeyay gobolka, waxaana wasaaraddu qaaday qorshe degdeg ah oo lagu yareynayo saameynta abaaraha.
Muddo 20 cisho ah ayay wasaaraddu wacyigelin iyo daaweyn xoolo ka fulineysay dhammaan degmooyinka gobolka iyadoo gacan ka helaysay hay’adda FAO.
Isu-duwuhu wuxuu sheegay in caqabadda ugu weyn ee xoolaha haysata ay tahay biyo la’aanta, gaar ahaan degmada Lughaya, taasoo sababtay nafaqo-darro ba’an oo soo wajahday xoolaha.
Waxaanu yidhi. “Sanadkan Waxa jiray abaaro daran, maadaama abaarhaa darini jireena siyaasadii u dajisnayd wasaaraddu waxay ahayd inay ka qayb qaataan wasaaraddu oo ay bixisay taasi oo aan muddo 20 cisho ah aanu kaga qayb qadanay wacyi-galin iyo daawan iyadoo ay gacan aanu ka helaynay Hay’adda FAO isla markaana aanu u fidinay dhamaan degmooyinka aanu maamulo.
Runtii Caqabadaha ugu daran ee xoolaha soo waajahay waxay tahay maadaama ay abaaro jiraan waa Biyo la,aan gaar ahaan degmada Lughaya, xooluhu waxay ku nool waa Biyo Calafka markii ay waayeena waxa soo food saartay nafaqadaro”
Waxa kale oo uu isu’duwuhu farta ku fiiqey in wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xooluhu uu dhawaan ku dhawaaqay in la sameeyo kayd calaf oo laga hirgelinayo banka Wajaale iyo Aroori, si loogu diyaar garoobo wakhtiyada abaaraha soo noqnoqda.
Dhinaca biyaha, waxaa sidoo kale tallaabooyin ka qaaday Wasiirka Wasaaradda Biyaha oo qiimayn ku sameeyay deegaanada ay biyo-yaraantu hayso.
Wuxuu balan qaaday in la dhisi doono ceelal biyo oo ku filan deegaanka xeebaha ah ee gobolka Awdal.
Waxaanu yidhi. “Wasiirka wasaaradda xanaanada Xoolaha iyo horumarinta reer miyigu waxa uu ku dhawaaqay isku filaasho dhanka calafka xoolaha ah kaasi oo banka wajaale iyo Aroori in laga sameeyo kaydka calafka Xoolahasi si wakhtiyada addag ee Abaaraha soo noq-noqda loogaga gudbi karo.
Dhanka Biyaha, maadaama deegaanada xeebaha ee gobolka awdal ay yihiin meelo kulayle ah wasiirka wasaaradda Biyaha oo na raacay wakhtigii abaaraha qiimayn ay soo sameeyeen waxa uu balan qaadaay in deegaanada qaar cabashadooda Biyo la,aanta ay ka hortagi doonaan oo ay Ceelal ku filan maadmaada ay Biyo yaraani dhacdo xiliga Abaaraha loo samayn doono.”
Geesta kale waxa uu sheegay in si joogto ah loo tababaray Community Health Workers dad deegaanka u jooga oo ka shaqeeya daryeelka caafimaadka xoolaha iyo kaydka calafka, qaarkood waxaa loo tababaray aqoonsiga iyo daaweynta xanuunada xoolaha, halka kuwa kalena lagu baray maaraynta calafka.
Waxaanu yidhi “Haa way jiraan dad loo fidiyo Tabobaro, Waxa Jira dad noo shaqeeya oo loo yaqaano (Community Health workers) daryeelayaasha caafimaadka ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo noo jooga deegaanada, waxay iskugu jiraan laba qaybood. Kuwo ka shaqeeya kaydka Calafka Xoolaha oo loo sameeyo tababaro dhinaca calafka Xoolaha iyo kuwo aanu ku tabobarno xanuunada xoolaha ku dhaca si xanuunadii ay garnayaan u daweeyaan xanuunada markaa aanay garanayna ay noo soo sheegaan.
Hay’ado ay ka mid yihiin FAO iyo Save the Children ayaa wasaaradda kala shaqeeya hawlaha la xidhiidha daryeelka xoolaha, gaar ahaan xaaladaha deg-degga ah sida abaaraha.
Waxaanu yidhi. “Inta badan way jiraan oo waxa nala shaeeya Hay’adda FAO la yidhaah oo muddo badan xidhiidh la leh waraadadda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga, Save the Children oo iyadna mararka qaar ee ay timaad xaalado deg deg ahi qayb laxaad leh ka qaadata.”
Isu’duhu waxa uu xusay in sannadkan oo kaliya, wasaaraddu waxay adeeg caafimaad gaadhsiisay xoolo kor u dhaafaya 100,000 (Boqol kun) oo neef, kuwaas oo ku kala nool dhammaan degmooyinka gobolka Awdal iyo Saylac.
Waxaa la fuliyay olole ballaadhan oo 20 cisho qaatay, iyadoo sidoo kale saddexdii biloodba mar la sameeyo olole caafimaad oo joogto ah.
Waxaanu yidhi “Runtii cabadaha ka dhashay abaarta waxa ka mid ahaa maadaama xoouhu ay laf-dharteena ay yihiin, xoolihiina ay jiraan xanuuna badan oo wakhtigan la soo darsay kaasi oo ay Abaartu keentay deegaanada qaar muddo 20 cisho ah oo aanu qorshaynay in aanu ku gaadhi kari waynay wakhtiga oo nagu yaraa awgeed sida deegaanada fog-fog ee degmada Lughaya iyo xaaladaha Biyo yarida ee ay Abaartu keentay.
Xoolaha aanu adeeg caafimaad gaadhsiinay aadbay u faro badan yihiin, wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta reer Miyiga waxanu qabanaa shaqo la yidhaah 3dii Biloo dba mar oo aanu ugu baxno deegaanada 4ta degmo ee gobolka Awdal uu maamulo, shaqaalaha baxa waxay soo shaqeeyaan 10 cisho, 3dii Biloo dba waxa aanu dawaynaa xoolo gaadhaya ilaa 65kun oo neef, Sanadkiina 4 jibaarkeeda, Hadda oo aanu 20 Cisho ka soo maqnayn daawayntaasi ka gobol ahaan waxa aanu soo dawaynay Xoolo gaadhaya 80kun oo Neef gobolka oo dhan, mark lagu daro degmada Saylac waxay haadhayaan 100kun oo Neef.”
Gaba-gabadii isu’duwaha wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga Cabdirashiid Rabiile Muuse Dhawal waxa uu sheegay in Isu-duwaha wuxuu hoosta ka xarriiqay in shaqada ay hayaan ay tahay mid muhiim u ah badbaadada xoolaha iyo nolosha dadka reer miyiga, isagoo bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan si loo helo xal waara oo lagaga hortagi karo dhibaatooyinka dabiiciga ah.
Nuxurka fariinta barnaamijkan gudbinayo waa, in wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Gobolka Awdal ay si joogto ah ugu hawlan tahay daryeelka caafimaadka xoolaha, ka hortagga saameynta abaaraha, iyo horumarinta nolasha reer miyiga, iyadoo kaashanaysa hay’ado caalami ah, tababaro siisa shaqaalaha deegaanka, islamarkaana si toos ah u gaadha bulshada xilliyada adag.
Fariinta uu sidana waxay iftiiminaysaa muhiimadda iskaashiga bulshada iyo dawladda si loo badbaadiyo xoolaha laf-dhabarta dhaqaalaha iyo nolosha reer miyiga.

























