Dalalka Illaa Hadda usoo Baxay Koobka Adduunka Koobka Adduunka 2026

0
171

Qaaradda Afrika waxay heshay calan-wadeheedii ugu horreeyay, ka dib markii Morocco ay garaacday Niger Republic 5-0 Jimcihii, taasoo ay ku xaqiijisay booskeeda tartanka.

Atlas Lions (Magaca la siiyo xulka Morocco) waxay u baahnaayeen kaliya lix kulan si ay u xaqiijiyaan u soo bixidooda, iyadoo ay hadda hoggaaminayaan Group E iyagoo leh 15 dhibcood oo buuxa, iyaga oo weli hadhsanyahay laba kulan.

Morocco waxay rajeyn doontaa inay markale soo jiidato indhaha caalamka sanadka dambe, kadib markii ay semi-final gaadhay koobkii 2022 ee lagu qabtay Qatar.

Xulka Morocco ayaa hadda ku biiraya 16 waddan oo kale oo hore u xaqiijiyay ka qeybgalka Koobka Adduunka 2026.

Khamiistii, dalalka Uruguay, Colombia iyo Paraguay ayaa iyaguna xaqiijiyay boosaskooda, kadib kulamadii isreebreebka ee ka dhacay Koonfurta Ameerika.

Saddexdan waddan waxay ku biirayaan dalalka hore u soo baxay ee Argentina, Brazil iyo Ecuador.

Martigeliyeyaasha Koobka Adduunka ee United States, Mexico, iyo Canada ayaa iyaguna si toos ah ugu soo baxay tartanka maadaama ay yihiin dalalka qabanaya.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galaya dalalka Japan, New Zealand, Iran, Uzbekistan, South Korea, Jordan iyo Australia.