Liverpool iyo Real Madrid oo Konaté Kala Jiidanaya

0
110

 

Falanqeeyaha suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in Real Madrid ay si weyn u xiisaynayso difaaca Liverpool, Ibrahima Konate, iyadoo qorsheynaysa inay u dhaqaaqdo 2026.

Inkasta oo Madrid diyaar u ahayd inay lasoo wareegto xagaagan, Liverpool ayaa si adag u diiday inay fursad u siiso bixitaankiisa, maadaama ciyaaryahanka reer France uu weli ku jiro sannadkiisii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa. Taas waxay ka dhigan tahay in Los Blancos ay sugi doonaan 2026, iyadoo suuragal ah inuu ugu biiro qaab xor ah ama wada-hadal cusub oo mustaqbalka ah.

Konate, oo ku jira sannadkiisii ugu dambeeyay ee Anfield, ayaa soo jiitay indhaha kooxaha waaweyn ee Yurub, iyadoo Madrid si gaar ah ugu baahan tahay xoojinta daafaca kadib xilli-ciyaareed aanay wax koob ah qaadin.

Liverpool ayaa weli doonaysa inay heshiiska u cusbooneysiiso ama ay hesho lacag weyn haddii uu bixitaan dhaco. Wadahadallo ayaa socda, balse heshiis rasmi ah lama gaadhin.

Wararka kale ayaa sheegaya in xiddiga Faransiiska Kylian Mbappé uu saameyn ku yeeshay Konate, isaga oo ku dhiirrigeliyay inuu ku biiro Real Madrid – taas oo xaaladda xiise u yeeshay.