Kylian Mbappe Oo Saaxiibkii u Saadaaliyay inuu ku Guulaysanayo Abaalmarinta Ballon d’Or Ee Sanadkan

0
120

Weeraryahanka Real Madrid, Kylian Mbappé, ayaa si cad u sheegay inuu u saadaalinayo saaxiibkiisa xulka France, Ousmane Dembélé, in loo caleemo saaro Ballon d’Or 2025, isagoo ku ammaanay qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa.

Isagoo la hadlayay Telefoot 7-dii September 2025, Mbappé ayuu yidhi: “Ousmane wuu istaahilaa. Anigu tan iyo bilowgii waan taageerayay. Haddii aan aniga bixin lahaa, waxaan koobka toos ugu geyn lahaa gurigiisa!”

Dembélé, oo u ciyaara PSG, ayaa xilli-ciyaareedkii hore dhaliyay 33 gool isla markaana caawiye ka noqday 13 kale, isagoo 49 kulan soo muuqday – taas oo ka dhigtay mid ka mid ah musharrixiinta ugu cadcad ee abaalmarinta sanadka