Milateriga Israa’iil ayaa burburiyey dhismo dabaq dheer ah oo ku yaalla Magaalada Qasa, waana dhismihii labaad oo weyn oo ay bartilmaameedsadaan muddo laba maalmood gudahood ah.
Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ayaa bartiisa X, ee horre loo odhan jiray Twiter, soo dhigay muuqaal muujinaya burburka dhismaha, isagoo ku qoray: “Waan sii wadeynaa.”
Ciidamada Difaaca Israel (IDF), oo ballaadhinaya howlgaladooda gudaha Qasa, ayaa sheegay in Dhismaha Sussi Tower ay isticmaaleysay Xamaas – balse kooxda hubeysan ayaa beenisay arrintaas.
Weli lama caddayn tirada khasaaraha ka dhashay weerarka, ka hor duqeyntii Sabtidii, Israa’iil ayaa mar kale warqado ku daadisay si ay ugu baaqdo Falastiiniyiinta in ay u guuraan aagga ay ugu yeedho “aagga bani’aadantinimo” ee ku yaalla koonfurta.
Waxanay waddaa qorshe ay ku burburinayso dhamaan dhismeyaasha ka sii hadhsan duqaymaha ay ku hayso Qasa.
Taasoo ay uga gol leedhay in Qasa ay noqoto meel bannaan ah oon cidna ku noolaan Karin.






















