Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxeexay jimcihii amar madaxweyne kaas oo u ogolaanaya wasaarada arrimaha gudaha in ay liiska madow geliyaan dalalka sida caddaalad-darada ah ku xidha muwaadiniinta Mareykanka iyo in ay saaraan ganaax adag.
Dalalka Shiinaha, Iran iyo Afghanistan ayaa ka mid ah dalalka loo arko in liiska lagu daro sida uu sheegay la-taliyaha madaxweynaha.
Amarka madaxweynaha waxa uu Trump ku sheegay in hadda uu Mareykanku liiska madow gelinayo dalalka sida caddaalad-darada u xidha oo ay ku jiraan dalalka taageera argagixisada.
“Ujeedadu waxay tahay in cid kasta oo gorgortan ka dhigata qof Mareykan ah ay eedi doonaan”, ayuu yidhi xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio.
Sebastian Gorka oo ah la-taliyaha madaxweynaha Mareykanka ayaa u sheegay wariyayaasha in amarka uu yahay fariin muujineyay sida ay uga go’an tahay in aan “muwaadiniinta Mareykanka lagu gorgortamikarin”.
Dawladda Mareykanka degdeg uma shaacin doonto magacyada dalalka lagu darayo liiskaas kaddib amarka madaxweynaha balse la-taliyaha Donland Trump waxa uu sheegay in dalalka Shiinaha, Iran iyo Afgahanistan loo arko in lagu daro liiskaas madow maxaa yelay sida uu sheegay waxay “si joogto ah u sameeyaan diblomaasiyad la hayste”.
Sarkaal Mareykan ah oo shuruud ka dhigay in aan magaciisa la sheegin ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters saameynta uu yeelan karo amarkan, “Laga bilaabo maanta waxaa isbeddalay wax kasta oo lagula dhaqmayay dalalka aan daacad aheyn iyo talisyada ku fakaraya in ay ula dhaqmaan muwaadiniinta Mareykanka sida ciyaarta Jaska”. Sarkaalkaas wuxuu kaloo sheegay, “Marka la eegayo dalalka sida Iran iyo Ruushka, waxay ila tahay in isbeddal ay arkayaan”.






















