Carqalad iyo Cabsi-gelin Midna Naguma Joojin Karto Xamar” Wasiirka Warfaafinta JSL

0
133

Dawladii idinka awoodda badnayd ayaannu iska celinay” Wasiir Axmed Yaasiin oo farriin adag u diray dowladda Muqdisho”

 ”Rabitaanka Shacabka Somaliland ma hor istaagi karaan Visa ayaanu xidhnay iyo Visa kale ayaanu soo saarnay toona” Wasiir Axmed Yaasiin

 Wasiir Axmed Yaasiin oo dawladda Muqdisho dib u xasuusiyay taariikhda JSL “Hadal ma-dhalays ah laguma hakin karo Somaliland”

 Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kale muujisay bisayl siyaasadeed, adkaysi iyo madax-bannaani aan leex-leexad lahayn, kadib markii Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, Mudane Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, uu si adag jawaab uga bixiyey hadallo iyo tallaabooyin siyaasadeed oo gardarro ah oo maalmihii u dambeeyey Somaliland kaga imanayey dowladda taagta daran ee Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si cad u muujiyey mowqifka xukuumadda, isagoo sheegay in sheegashooyin aan sharciyad iyo sal midna aan lahayn iyo himilooyin been abuur ah ay ka daashay dowladda Muqdisho. Isla markaana Dowladda taagta daran ee Muqdisho oo aan si buuxda u wada maamulin magaalada Xamar, ayaa muddooyinkii u dambeeyey wadday carqalado siyaasadeed oo ay ku doonayso in ay ku khalkhal geiso arrimaha socdaalka Somaliland, gaar ahaan isticmaalka fiisooyinka. Wasiirku wuxuu cadeeyey in tallaabooyinkan cadaawadda ku dhisan aanay saameyn ku yeelan doonin himilada shacabka Somaliland.

Sidoo kale Wasiir Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle ayaa si cad ugu sheegay dowladda Muqdisho in aan Somaliland lagu cabsi gelin karin sheegashooyinka been abuurka ah ee ku saabsan xidhitaanka ama soo saarista fiisooyinka, isagoo dib u xasuusiyay taariikhda iyo adkaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana xusay in Somailand ay iska celiyeen dowladdii hore ee ka awood badnayd tan hadda ka jirta Xamar, sidoo kalena aanay tallaabooyinkan cusubi aanay waxba u dhimmi karin madax-bannaanida iyo qarannimada Somaliland, shacabkeeduna uu u taagan yihiin qaran-nimo sal adag.

“Dawladda Xamar waxaan u sheegayaa in aan dadkan lagu cabsi gelin karin ‘Visa ayaa la xidhay’ ama ‘Visa ayaa la soo saaray toona. Kuwo idinka awood weynaa ayaannu hore iskaga celinay, waxyaabahanna ma aha kuwo hor istaagi kara rabitaanka iyo himilada shacabka Jamhuuriyadda Somaliland” ayuu yidhi Wasiir Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle

Wasiir Axmed Yaasiin waxa uu sidoo kale si cad ugu baaqay dawladda Muqdisho in ay joojiso ku mashquulka ay ku hayso arrimaha Somaliland, isagoo xusay in weerarro siyaasi ah, mid sharci-darro ah ama mid xagga socdaalka ah aanay ahayn kuwo curyaamin kara qaranimada iyo mustaqbalka Somaliland.

“Waxa aan doonayaa in aan halkan fariin uga diro qof kasta oo ku mashquulsan Somaliland, weliba khaasatan dawladda Muqdisho ka talisa: haddii aad is leedihiin Somaliland ku curyaamiya hawadeeda weerar, badeeda weerara, berigeeda khalkhal ka abuura, waxa aan idin ku bushaaraynaynaa: nagu ma cabsi gelin kartaan, oo nagu ma joojin kartaan inaanu gaadhno qaran taam ah oo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ka tirsan oo adduunyadu aqoonsan tahay” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle waxa kale oo uu xusay in dadka Somaliland aanay ku hungoobi doonin ka midho dhalinta qaddiyadooda iyo madaxbannaanida qaranimadooda, isla markaana waxyaabaha carqaladeynta ah ee dawladda taagta daran ee Muqdisho, sida xayiraadaha fiisooyinka aanay ka turjumayn wax ka weyn daciifnimada siyaasadeed ee dawladda Xamar.

“Iyada oo bambooyin ay hawada ka soo daadanayaan oo lagu bamgaraynayo shacabka Somaliland wixii dadkan cashuurtooda lagu soo iibiyey ayaa la isu dhiibi waayey, maanta se ha u fadhiyina in la isu dhiibo ‘Visa ayaanu xidhnay’ iyo ‘Visa kale ayaanu soo saarnay” ayuu yidhi Wasiir Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle.

Gunaanad:

Tallaabada uu qaaday Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, Mudane Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, waa markale oo Jamhuuriaydda Somaliland ay caalamka u muujinayso xaqiiqada dhabta ah ee qarannimada iyo madax-bannaani buuxda ee Somaliland. Farriinta Wasiirka Warfaafinta waa digniin siyaasadeed oo cad, taas oo qeexaysa in jamhuuriyadani aanay diyaar u ahayn in lagu cabsi geliyo ficillo sharci-darro ah ama tallaabooyin lagu carqaladeynayo dedaalka lagu xaqiijinayo aqoonsi buuxa oo caalami ah.

Somaliland waxay si mug leh ugu socotaa waddada qaranimada, iyadoo aan marnaba ka noqon doonin mowqifkeeda siyaasadeed, amni iyo mid bulsho, sidoo kalena waxaa aan marnaba suuro gal ahayn oo aan sinaba loo filaynin in lagu cabsigeliyo hadallo siyaasadeed oo madhalays ah.