Cafiska Iyo Caqliga Ummadaha Dhisa!

0
110

Qisadan waxa “ Zed Diary  ( Fcebook)“  ayaa ku soo bandhigtay bogeeda in Madaxweynihii hore ee Dalka Koonfur Africa Nelson Mandela, uuqisadan ka waramay isagoo yidhi:

” Markii aan noqday madaxweynaha dalka , waxaan maalin ka codsaday qaar ka mid ah xubnaha ilaaladayda inay socod igula soo maraan  magaalada oo aanu ka qadayno mid ka mid ah makhaayadaha, waxaanu fadhiisannay Huteel raashinka lagu sameeyo, dhamaantayo waxaanu dalbanay noocyada cuntada aan rabno.” Waxa yar ka dib, mudablkii ayaa noo keenay codsigayagii, waxaan arkay nin miiska iga soo horjeeda fadhiya oo cunto sugaya.

Mid ka mid ah ciidankayga ah ayaan ku ku idhi: U Tag oo ka codso ninkaas inuu inagu soo daro cuntadiisa oo uu nala cuno. Askarigii ayaa u tegey oo ninkii sidaas sheegay . Ninkii ayaa soo qaaday cuntadiisii ​​oo dhinacayga ayaan soo  fadhiisayay,  gacmihiisu si joogto ah ayay u gariirayeen, wejigiisa dhidida xad dhaaf ayaa ka da’ayay  ilaa uu qof walba cuntadii ​​ka dhameeyay, ninkii wuu iska tegey isagoo aan wax badan ka cunin.

Askarigii ilaaladayda ahaa ayaa igu yidhi: “ Ninku waxa uu u muuqday mid aad u xanuunsanaya, Gacmihiisu way gariirayeen markuu wax cunayay!.

Waxaan ku idhi : “ Maya, haba yaraatee ma bukin”

“Ninkan waxa uu ahaa ilaaliyaha xabsiga aan ku xidhnaa. “Inta badan, marka jidh dilka la ii geysto, waan qeylin jiray oo waxaan codsan jiray in wax yar oo biyo ah la isiiyo.”

“Isla ninkan ayaa mar walba ii iman jiray oo halkii uu biyo iiga siin lahaa , madaxayga ayuu ku kaadji jiray”.”Sidaas darteed waxaan arkay  isagoo cabsanaya, gariiraya, oo filaya inaan ka aarguto, ugu yaraan si la mid ah wixii uu igu sameeyay, oo aan jidh dilo ama xabsiga dhigo maadaama aan hadda ahay madaxweynaha dalka.” “Laakiin tani maaha dabeecadayda mana aha qayb ka mid ah anshaxayga”. “Maskaxda aargoosigu waxay dumisaa dawlado, halka caqliga  dulqaadkuna uu dhiso ummado”. Waxaan leeyahay si wanaagsan ula dhaqan dadka kale waayo berrito qofna ma taqaano.   ( Ref: Zed Diary)