Buug Loogu Deeqay Ardayda Wax ka Barata Dugsiyada Hoose/Dhexe ee JSL

0
140

Qoraa Maxamed Shiil ayaa dhowaan buug ku qoran Carabi iyo Soomaali ugu deeqay ardayda wax ka barata dugsiyada hoose/dhexe ee Soomaaliland, buuggaas ayaana ardayda ka caawin doona curis dhisidda iyo dareen cabirka; waxana uu hadalkiisa ku bilaabay sidan soo socota:

“Waxbarashadu waa maalgelinta ugu haboon ee kaalinta ugu weyn ka qaadata horumarinta nolosha bulshooyinka.

Muddo sanad ah oo aan bare ka ahaa mid kamida dugsiyada hoose/dhexe ee dalkan Soomaaliland, daraasad kooban oo aan ku sameeyey fahamka ardayda ee curis dhisidda iyo dareen cabirka, waxaan ogaaday arday badani inay la dhibbanyihiin curiska dhisiddiisa.

Sidaas awgeed, anoo tixraacaya qodobka 15aad ee dastuurka JSL, waxaan ardayda u diyaariyey dhiganaha macalinka guriga oo u fududayn doona curiska—haddii alle yidhaahdo.

Waa dhigane ku qoran carabi iyo Somali oo ka kooban laba qaybood:

  1. Qayb ku saabsan curiska sida loo qorayo iyo,
  2. Qayb ku saaban macnaha ereyada carabiga ah ee fasallada 8aad, 7aad, 6aad, 5aad iyo 4aad.

Waa dhigane aan ku deeqayo una hibaynayo; ardayda fasallada aan kor soo sheegnay.

Dhiganahan oo dhammaystiran waxa lagala soo degi karaa googlaha. Ciwaanka buuggu waa macalinka guriga, ku qor googlaha “Macalinka Guriga”, kadibna la soo deg oo ka daabaco footokoobiga kuugu dhow. Qolyaha wax daabacana waxaan leeyahay ardayda la saa’ira oo qiimaha ugu jaban ugu daabaca.

Ugudambayn, dhiganahani si uu u gaadho boqollaal kun oo arday oo kala jooga miiyada iyo magaalooyinka JSL, fariintani haddii ay ku soo gaadho, fadlan ardayda gaadhsii oo la sii wadaag. Mahadsanid.”