Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Congress-ka Maraykanka, Xildhibaan Brian Mast, ayaa u gudbiyay golaha Congress-ka xeer cusub oo cinwaankiisu yahay “Department of State Policy Provisions Act”. Xeerkan wuxuu astaan cad u yahay sida Maraykanku u danaynayo diblomaasiyadda iyo siyaasadda ku wajahan Somaliland, isagoo hormuud u noqon kara isbeddel weyn oo ku yimaada xidhiidhka labada dhinac.
Xeerku wuxuu muhiimad siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo gaar ah siinayaa qadiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan laba qodob oo muhiim ah kuwaas oo kala ah: In Maraykanku ka furo xafiis matalaad ah Hargeysa, Somaliland iyo In digniinaha socdaalka (Travel Advisory) ee Soomaaliya ku saabsan laga reebo Somaliland, lana tixgeliyo si gaar ah.
Tani waxay muujineysaa in Maraykanku uu Somaliland u arko deegaan gaar ah oo leh xaalad nabad iyo maamul wax ku ool ah, isla markaana u baahan in si gaar ah loo qaabeeyo xidhiidhka iyo siyaasadda lagu wajaho.
Furitaanka Xafiis: Aqoonsi Siyaasadeed:
Furitaanka xafiis Maraykan ah oo ku yaalla Hargeysa waa mid ka tarjumaysa baahi dhab ah oo jirta, taas oo iftiiminaysa in Somaliland noqotay meel istiraatiiji ah oo muhiim u ah gobolka iyo beesha caalamka. Taas oo ah astaan muujinaysa xidhiidh toos ah oo u dhexeeya labada dhinac.
Taasi macnaheedu waa in Somaliland loo arko deegaan gaar ah oo leh amni, nidaam iyo maamul u qalma in si gaar ah loola macaamilo.
Muhiimadda Xafiiskan ee Somaliland iyo Maraykanka
Furitaanka xafiis matalaad ah oo Mareykanku ku yeesho Hargeysa waa tallaabo istiraatiiji ah oo u oggolaanaysa Somaliland inay si toos ah ula macaamisho Dowladda Maraykanka, taasoo sare u qaadi karta maalgashiga, amniga, iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan. Tani waxay muujinaysaa kalsoonida iyo aqoonsiga Somaliland ee beesha caalamka.
Kala saarista digniinaha socdaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sidoo kale ah farriin cad oo muujinaysa in Maraykanku Somaliland u arko meel ka duwan dalka Soomaaliya oo ay hadheeyeen falal argagixiso, budhcad badeed iyo xasiloonidarro siyaasadeed. Tani waxay sahleysaa safarka iyo ganacsiga, waxayna dhiirrigelisaa xidhiidh dhaqaale oo ballaadhan.
Fursad Istiraatiiji ah:
Xeerkan cusub waa fursad dahabi ah oo Somaliland ka faa’iideysan karto si ay u xoojiso kaalinteeda gobolka iyo xidhiidhka caalamiga ah. Waxaa muhiim ah in Somaliland ay sii waddo dadaalka nabadda, maamul wanaagga, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha si ay u hesho taageero dheeraad ah oo caalami ah.
Dhanka kale, Maraykanku waa inuu sii wado qiimeynta iyo taageerada istiraatiijiga ah ee Somaliland, isagoo ka digaya in arrimaha gobolka laga sameeyo isbeddello aan xasiloonayn.
Gunaanad:
Xeerkan cusub ee Congress-ka Mareykanka wuxuu tusaale u yahay sida dowladuhu u isticmaalaan siyaasadda dibadda si tartiib tartiib ah isla markaana ay ugu muujistaan taageero ama aqoonsi. Somaliland ayaa hadda heshay fursad ay si xeel dheer uga faa’iideysan karto, iyadoo ilaalinaysa xasilloonideeda, maamul wanaaggeeda, iyo xidhiidhka ay la leedahay beesha caalamka.
Waxaa hubaal ah in mustaqbalka dhow, Somaliland ay noqon karto mid si buuxda loo aqoonsado, iyada oo xeerkan cusub uu yahay dhabbaha loo marayo aqoonsigaas.






















