Maxaa ka Dheereeya Dabaysha?!

0
97

Boqorka ayaa doonayay qofka xikmadda iyo caqliga u saaxiibka ah  ee ka jawaabi kara su’aalaha adag inuu  ogaado. Waxaana uu yidhi:
“Waxaan u ballan qaadayaa in faraskeyga qaaliga ah aan siiyo, qofkii ii keena jawaabta su’aasha ah:    “ Maxaa ka dheereeya dabaysha?”

Nin ayaa ka jawaabay markiiba oo yidhi:
“Qofka dhib ku sugan, marka uu u baahan yahay gargaar.”

Boqorkii ayaa amkaag iyo yaab ku dhacay waxaana uu siiyay Faraskiisa.
Xikmadda: Culayska iyo dhibta qofka haysta waxay u baahan tahay in xal degdeg looga gargaaro.