Caalimkii Dulqaadka Badnaa!

0
97

Maalin ayuu nin u yimi Sheekh caalim oo caan ah oo masjidka fadhiya, waxa uu bilaabay inuu af-lagaadeeyo oo uu aad u canaanto dadka hortooda.

Sheekha Caalimka ahi waxa uu eegayay si deggan ninka waxaana u uku yidhi :

“Haddii waxa aad sheegtay aan ahay, Ilaahay ha iga cafiyo. Haddii aad adigu been sheegtayna, Ilaahay ha kaa cafiyo.”

Dadkii masjidka fadhiyay way yaabeen sida uu jawaabay, ninkiina inta uu aamusay, iska baxay isagoo la yaabay Sheekha uu maanta oo dhan aflaagadaynaya dulqaadkiisa. dulqaadkaas.

Xikmada waa: Dulqaadku waa hubka dadka caqliga badan. Jawaabtu mar kasta maaha hadal inta badan waa samirka aad leedahay ee saamaynta sameeya