Xikmadaha Maanta

0
119
  • “Qofka wax garadka ahi wuxuu ogyahay in qof kasta wax garanayo.”
  • “Guriga nabad ah, ayaa ah guri barwaaqo ah.”
  • “Haddii aan rabno nabad, waa inaan baranno sida loo noolaanado iyadoo la kala duwan yahay.”
  • “Nabadda dhabta ah waxay timaadaa marka la ixtiraamo kala duwanaanshaha.”
  • Wakhtigi qofna ma bedelo, wakhtigu wuu muujiya xaqiiqda dhabt ah ee qofka
  • Suurtagal maaha in aad aragto iftiinka xidigaha maalintii, habeenka mugdiga ah ayaad arkaysa. Sidaas ayay dadka wanaagsani u muuqdaan keliya wakhtiga adag oo inta badani isqaariyaan.
  • Cali Binu Abud-dalin ayaa yidhi “ Haddii aad aragto culimada oo albaabada boqorada taagan , waa culimo xun, haddii aad aragto boqorada oo albaabada culimada taagana waa Boqoro wanaagsan iyo culimo wanaagsan.