Mashruuca Calafka Xoolaha ee Seeraha Banka Qool-caday

0
172

Barnamijka dhaqashada Xoolaha, waa barnaamij todobaadle ah oo ka soo baxa Wargeyska Dawan, kaasi oo aynu ku soo qaadan doono macluumaad kala duwan oo ku saabsan dhaqashada Xoolaha sida caafimaadka Xoolaha, kaalinta ay ugu jiraan bulshada, qaababka loo horumariyo taranta Xoolaha, noocyada kala duwan ee ay Soomaalidu dhaqdaan, sida deegaanada ay ugu noolaadaan, si ay deegaanada Soomaalidu ugu kala duwan yihiin dhaqashada Xoolaha, qaabkii ay dadkii hore u dhaqan jireen Xoolaha iyo qaabkan casriga ah ee hada soo kordhay in loo dhaqo xoolaha.

Somalilland, markasta oo Roobabka Gu’ga ay dibu dhacaan xiligii ay deegaanada Somaliland heli jireen waxa durtaba is qabsata qayla dhaanta Abaareed ee ka soo yeedha dadka Xoola dhaqatada, kuwaasi oo ay soo fuud saarta Biyo yaraan iyo Calafka Xoolaha oo gabaabsi noqda, waxana ay keentaa in xoola aad u badan soo foodsaarto Macaluul ugu dambeyna uu Bakhtiga xooluhu meel walba daadsanaado, waxana ugu dambaysay Abaartii sanadkan aan ku guda jirno ku dhufatay xeebaha Somaliland gaar ahaan deegaanada xeebata ah ee Gobolka Awdal.

Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ee uu gadhwaadeenka ka yahay Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa u jihaysatay sidii dalka looga hirgalin lahaa Mashaariic horumarineed oo wax lagaga qabanayo cuna yarida soo food saarta Xoolaha nool isla markaana Meesha ka saaraya hore u dhaamaanshiyaha calafka xoolaha marka Roobabku ka dib dhacaan wakhtiyadii ay Somaliland inta badan ay heli jirtay.

Deegaanka Qool-caday oo ku yaal degmada Salaxlay ee Hoos yimaad Gobolka Maroodi-jeex ayaa isku diyaarinaya marxalad horumarineed oo aan hore uga jirin, taaso oo ka dhalatay mashruuca calafka xoolaha ee Seeraha Banka Qool-caday oo  Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland dhagax-dhigay 12 September 2025.

Mashruucan ayaa diirada saaraya tayeynta iyo wax soo saarka Calafka Xoolaha  kaasi oo laga doonayo in lagu xoojiyo nafaqada Xoolaha, lagaga hortagayo Abaaraha Soo noqo-noqda, laguna abuuraya fursada dhaqaale iyo shaqo-abuur oo ay ka helaan dadka deegaanku lagagana faa’iideeyo Khayraadka deegaanka ee dhinaca calafka Xoolaha.

Mashruucan ayaa la rajaynayaa marka uu hirgalo inuu si dhaba uga jawaabo Baahida xoola dhaqata deegaanka ee calafka xoolaha, waxanu ka hortag u noqonayaa Abaaraha soo noq-noqda ee ay keenaan isbadalka Cimilada oo sanad walba ay inagaga baxaan ama inaga galaafta noloshada xoolo aad u tiro badan, dadkuna waxay kaga baaqsan doonaan daalka iyo dihaalka ay mutaan xiliyada Abaaraha si ay xoola-hooda ugu raadiyaan deegaan leh Biyo iyo Baad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ka qayb-galay Xafladda Daah-furka Mashruuca Horumarinta Seeraha Banka Qoolcaday ayaa waxa uu si mug leh ugu mahad naqay Hoggaanka dhaqanka, Waxgaradka, Waayeelka iyo Wasiirrada ka soo jeeda degaanka oo door muhiim ah ka qaatay xallinta arin muran babadan keentay oo ku aadanayd Seeraha Banka Qoolcaday ee degmada Salaxlay taasi oo ugu dambayn la soo afjaray.

Madaxweynaha ayaa Haldoorka deegaanka ku bogaadiyey sida wada-tashiga iyo is-afgaradka ku dhisan ee ay bulshada Salaxlay u maareeyeen in Seeraha Banka Qoolcaday si rasmi ah loogu wareejiyo gacanta Dawladda si uu u noqdo Seere Qaran. Arrintani waa mid Xukuumadda u suurto gelin doonta in Seeraha loo sameeyo nidaam maamul oo rasmi ah, kaasi oo ka iman doona Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo dadka deegaanka, iyada oo loo raacayo nidaamka loo maamulo Banka Aroori ee imika ay Wasaaraddu hore u hir gelisay.

Madaxweynaha oo bulshada deegaanka u jeediyey qudbad dhinacyo badan taabanaysay ayaa sheegay in Xukuumaddu si dhakhso ah u bilaabi doonto in la xidho Seeraha Banka Qoolcaday. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu bulshada deegaanka u iftiimiyey faa’iidooyinka laga dhaxlidoona markauu hirgalo mashruuca Seeraha Banka Qoolcaday, kaasi la rajaynayo in xoolo badani ku bixi doonaan xiliyada Abaarta ama jiilaalka, sidoo kale mashuurcu noqon doono mid dadka xoola dhaqatadu ku nasan doonaan.

Faa’iidooyinka uu xambaarsan yahay mashruuca Banka Qool-caday ayaa  waxa ka mid ah

  1. Soo saarista Calafka Xoolaha oo nafaqo sare leh, kaasi oo ay ku badbaadi doonaan Xoolaheenu.
  2. Seeraha Banka Qoolcaday waxa laga hirgelin doonaa adeeyada Caafimaadka Xoolaha
  3. Waxa laga hirgelin doonaa adeegyada Biyaha ee Xoolaha iyo Bulshada, iyada oo la dhisi doono Balliyo, Dhaamam iyo Baraago Kayd Biyoood ah
  4. Mashruuca Seeraha Banka Qoolcaday waxa uu dadka deegaanka u keenayaa shaqo abuur.
  5. Mashruuca Seeraha Banka Qoolcaday waxa uu soo celinaynaa nafaqadii iyo calafkii banka ka bixi jiray.
  6. Seeraha Banka Qoolcaday waxa uu noqon doonaa Xarunta Cilmi Baadhista iyo Tababarrada, iyada oo laga samayn doono Shaybaadhka Xanuunnada Xoolaha iyo meelo lagu barto soo saarka calafka iyo taranka xoolaha.

Mashruuca Seeraha Qool-caday oo Lagu Tilmaamay Mid Muhiim ah Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, Cumar Shucayb, ayaa sharaxaad ka bixiyey muhiimadda mashruuca seeraha iyo calafka xoolaha ee Madaxweynaha Somaliland ka daahfuray Banka Qool-caday. Wasiirku wuxuu sheegay in isbeddelka cimiladu saamayn weyn ku yeeshay Somaliland, taas oo si gaar ah u taabanaysa xoolaha nool oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha dalka. Sidaas darteed, waxa uu wasiirku ku adkeystay in mashruucan oo kale uu yahay mid lagama maarmaan ah.

Wasiirku Isagoo ka hadlay abaaraha dalka ku dhuftay sanadkan , ayuu sheegay in calafka xoolaha ee kaydsanaa oo gaadhayay 750 bandhal oo yaalay Banka Wajaale aanu ku filnayn xoolaha, maadaama xitaa aanu ka bixin karin baahida 1,000 neef oo Adhi ah. Waxaana intaas dheer, oo uu tilmaamay, in calafkaasi laga soo dejiyey dalka Itoobiya, taas oo uu ku sifeeyey nasiib darro.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyey in muddo 34 sano ah oo Somaliland jirtay aan weli la hirgelin wax-soo-saar calaf xoolaad oo dalka ku filan, taasna uu ku tilmaamay arrin aan la aqbali karin.

Wasiir Shucayb oo ka hadlaya Faa’iidada uu leeyahay mashruucani marka la hirgaliyo iyo qaybaha uu ka kooban yahay  ayaa waxa uu yidhi” waxa la hirgalin doonaa xaruntii lagu dawayn lahaa Xoolaha, waxa la samayn doonaa Biyihii uu mashruucu u baahnaa Xooluhuna ay ka cabi lahaayeen.

Waxa kale oo iyadna Meesha laga samayn doonaa Cilmi-baadhis oo dhirteenii dabar-goday iyo Cawskeenii si cilmiyeysan loo beero,waxa kale oo iyadana la samayn doonaa kaydinta Calafka Xoolaha, waxa Markaa Faa’iidadu noqon doontaa inaan Abaarihii kaga baxsano.

Ugu dambayntii wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland ayaa Meesha ka saaray in habayaraateen Hirgalinta mashruuca Banka Qool-caday meel uun ka soo galaan dad xoolaha dhoofiya oo lagu wareejinayo, balse waxa kaliya ee loo danaynayaa kaliya  yihiin sidii xooluhu u noqon lahaayeen qaar heli kara Calaf, Nafaqayn iyo Daawayn.

Mashruucan ayaa la tilmaamay inuu keenayo shaqo-abuur maadaama sida wasiirku sheegay dadka ka shaqayn doonaa ay yihiin dadka deegaanka, waxanay noqon doontaa meel ay yaalaan gaadiidka gurmadka deg dega ee caafimaadka sida Banka Aroori oo ay Somaliland hore u hirgalisay.

Xukuumada Somaliland mashruucyada noocan oo kale ku tilmaantay inay yihiin qaar looga goleeyahay isku tashi Bulsho oo lagu soo saari karo Calafka xoolaha oo ku filan xoolaheena iyadoo xoolaha nooli ay yihiin laf dhabarta dhaqaale ee Somaliland lee dahay.

Gabogabo: Mashruuca calafka xoolaha ee Seeraha Banka Qool-caday waa qorshe qaran oo muhiim u ah badbaadinta xoolaha nool, ilaalinta dhaqaalaha reer guuraaga, iyo ka jawaabista dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha soo noqnoqda ee Somaliland. Mashruucan ayaa leh faa’iidooyin ballaadhan sida soo saarista calaf nafaqo leh, bixinta adeegyada caafimaadka iyo biyaha xoolaha, shaqo-abuur, cilmi-baadhis iyo tababbarro, taas oo si weyn uga qayb qaadan doonta horumarinta nolosha bulshada deegaanka iyo dhaqaalaha guud ee dalka.

Xukuumadda Somaliland iyo bulshada deegaanka ayaa si wadajir ah ugu guulaystay in Seeraha Banka Qool-caday loo beddelo xarun qaran oo si rasmi ah loo maamulo, taas oo muujinaysa isku-tashiga iyo wada-shaqaynta bulshada iyo dawladda. Hirgelinta mashruucan waxa ay noqoneysaa tallaabo taariikhi ah oo wax ka qabanaysa caqabadaha xoolo-dhaqatada, isla markaana horseedi doonta mustaqbal waara oo xooluhu helaan calaf joogto ah, bulshada miyiguna ka faa’iidaysato shaqo-abuur iyo horumar dhaqaale.

Guud ahaan, mashruuca Seeraha Banka Qool-caday waxa lagu tilmaami karaa inuu yahay mid ka jawaabaya baahi dhab ah oo mudnaan qarameed leh, kana mid noqon doona tiirarka ugu muhiimsan ee lagu xoojinayo dhaqaalaha Somaliland oo xooluhu laf-dhabar u yihiin.