Xaaladda Deegaanka Gobolka Sanaag iyo Saamaynta Dabkii Buurta Daallo

0
240

 

Barnaamijka Deegaan-Jire ee toddobaadkan wuxuu iftiiminayaa xaaladda deegaanka ee gobolka Sanaag, gaar ahaan saameynta uu deegaanka ku yeeshay dabkii dhawaan ka kacay Buurta Daallo, iyo dadaallada wasaaradda deeganka iyo Isbadelka cimilada Somaliland ee ka socda ilaalinta deegaanka, la dagaallanka xaalufka dhirta, tahriibinta dhuxusha, iyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada.

Isuduwaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee gobolka Sanaag, Maxamed Yuusuf Nuur, oo barnaamijka marti ku ahaa, ayaa bixiyay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan arrimahaas, isagoo sheegay in guud ahaan gobolka Sanaag ay ka jirto degganaansho dhinaca deegaanka iyo amnigaba. Wuxuu tilmaamay in roobab raxma ah ka da’een inta badan gobolka, inkastoo meelaha qaar wali ay abaartu ka jirto. Sidaas darteed, waxaa laga wadaa biyo-dhaamin iyo taakuleyn dadka ay abaartu saamaysay.

Maxamed Yuusuf wuxuu sidoo kale caddeeyay in ay jirto shaqo ballaadhan oo ay wasaaradda la kaashatay Ciidanka Booliska gobolka si wax looga qabto xaalufka dhirta iyo tahriibinta dhuxusha, gaar ahaan kuwa laga geeyo deegaannada Puntland. Dadaalkaasi wuxuu keenay in kiisaskii dhir-gooynta iyo tahriibinta dhuxusha ay si weyn hoos ugu dhacaan, inkastoo ay wali jiraan dhibaatooyin u baahan in si joogto ah loo wajaho. Wuxuu sheegay in ay socdaan hawlo badan oo lagu sugaayo xuduudaha deegaanka, loogana hortagayo xatooyada kheyraadka dabiiciga ah.

Markii waxa laga waydiiyay badkii ka kacay Buurta Daallo, isuduwuhu wuxuu si gaar ah u iftiimiyay saameynta ba’an ee dabkaasi ku yeeshay deegaanka. Wuxuu sheegay in dhulkii gubtay uu ahaa dhul bilicdiisu sareysay, laguna wada faani jiray gudaha Somaliland. Dabkaasi wuxuu baabi’iyay dhirtii, daaqii, iyo geedo manfac lahaa, taasoo si muuqata u beddeshay nolosha deegaanka. Wuxuu sidoo kale sheegay in dabka uu ka kacay saddex meelood oo muhiim ah oo ka tirsan buurta, taasoo muujinaysa baaxadda waxyeellada dhacday.

Wasaaradda Deegaanka ayaa arrintaasi si dhab ah u qaadatay, waxaana gacanta lagu hayaa eedaysanayaal loo haysto falkaasi, kuwaas oo hadda maraya maxkamadda. Maxamed Yuusuf wuxuu xusay in cid kasta oo dambiga lagu helo sharciga la marin doono, isla markaana la doonayo in arrimaha noocaas ah aan dib u dhicin. Wuxuu si cad u sheegay in tallaabooyin adag laga qaaday, kuwaasi oo horseeday in dadkii lala xidhiidhinayo dabkaasi lagu hayo baadhitaan rasmi ah.

Isuduwuhu wuxuu intaa ku daray in dabka buuraha ay keeni karaan sababo kala duwan, oo ay ku jiraan kuwo dabiici ah sida dhirta oo is xoqda marka ay qallasho, iyo cufnaanta dhirta oo sahasha fiditaanka dabka. Sidoo kale wuxuu xusay in dabka mararka qaar ay keenaan dad aan feejignayn, gaar ahaan marka ay guranayaan malabka shinida. Dabka ay shidaan si ay shinni uga eryaan ayuu sheegay in mararka qaar aan si fiican loo damin, taasoo keenta in dabkaasi fido oo khasaare weyn geysto.

Isuduwaha wasaaradda deegaanka gobolka Sanaag ayaa sheegay in Dadaalka hadda socda uu diiradda saarayo sidii deegaankaasi loo daweyn lahaa, waxaana la qaaday tallaabooyin badan oo ay ka mid yihiin in la xidho dhulkii gubtay si biyaha roobka loo ururiyo, loogana hortago nabaad guurka. Waxaana lagu talo jiraa in la bilaabo beerista dhir cusub, iyadoo la samayn doono qorshe dib loogu abuuro deegaanka burburay. Waxa kale oo wasaaraddu wado dadaallo ku wajahan shaqaalaysiinta dad si gaar ah ugu shaqeeya ilaalinta deegaanka, gaar ahaan goobaha halista ah sida buuraha.

Maxamed Yuusuf isuduwaha wasaaradda deegaanka gobolka Sanaag wuxuu sidoo kale sheegay in qorshe ballaadhan la wado oo lagu wacyigelinayo bulshada deegaanka, isla markaana lagu abaabulo tababaro lagu barayo ilaalinta deegaanka, ka hortagga dabka, iyo sida loola tacaalo xaalufka dhirta.

Wuxuu xusay in miisaaniyadda qaranka ay ku jiraan mashruucyo badan oo la xiriira arrimaha deegaanka, islamarkaana xukuumadda cusub ee Somaliland la jaanqaadayso qorshayaal waaweyn oo mustaqbalka dhow iyo kan fogba isugu jira.

Gabagabadii, isuduwaha Wasaaradda Deegaanka ee gobolka Sanaag wuxuu fariin culus u diray bulshada gobolka, isagoo ku booriyay in si wadajir ah looga shaqeeyo badbaadinta deegaanka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in deegaanka uu yahay tiir muhiim u ah nolosha bini’aadamka, loona baahan yahay in gacmaha la is qabsado si looga hortago nabaad guurka, xaalufka, iyo saameynta isbeddelka cimilada.

Wuxuu sidoo kale xusay in qof kasta oo deegaanka wax u dhimaya laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, loona baahan yahay in masuuliyad laga qaato deegaanka sidii hantida qaran oo kale.