Isku-duwidda Horumarka Qaranka JSL: Iskaashi Qaran oo Joogto ah

0
105

Hargeysa (Dawan)- Shirka Isku-duwidda qorshayaasha ha’ayddaha dawladda ee saddex-biloodlaha ah, gaar ahaan waaxaha qorshaynta ee wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda, oo shalay ka dhacay magaalada Hargeysa, ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo isku-duwidda iyo wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dawladda Somaliland. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen agaasimayaasha waaxaha qorshaynta ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, ayaa ka tarjumaya sida ay muhiim u tahay in qorshayaasha qaranka si habsami leh loo wada qaabeeyo loona hirgeliyo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Md. Maxamed Siciid Maxamuud, iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Isku-duwidda, Marwo Muna Cabdi Axmed, ayaa si cad u muujiyay muhiimadda shirka iyo ujeedadiisa, taasoo ah in la isku xidho qorshayaasha kala duwan ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda si looga gudbo caqabadaha qorshayneed ee hor taagan.

Qodobada muhiimka ah ee lagu soo bandhigay, sida horumarinta iyo kormeerka Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP III), iyo dhammaystirka diiwaanka siyaasadaha iyo istaraatiijiyadaha, ayaa ah kuwo saldhig u ah in himilooyinka qaranku ay noqdaan kuwo la taaban karo oo la fulin karo. Sidoo kale, adkeynta hababka xog-wadaagga iyo iskaashiga waaxaha qorshaynta ayaa kaalin mug leh ka qaadanaysa in la helo qorshe qaran oo midaysan, isku xidhnaan leh, kana turjumaya baahiyaha iyo rabitaanka bulshada.

Waxaa sidoo kale mudan in la bogaadiyo go’aannada laga soo saaray shirka oo lagu adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta iyo isku-duwidda qorshayaasha, taas oo horseedi karta dardargelin wax ku ool ah oo lagu gaadho himilooyinka horumarineed ee Somaliland.

Gabagabadii, shirka noocan oo kale ah wuxuu cadeyn u yahay in Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ay ka go’an tahay in la hagaajiyo hanaanka qorshaynta iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee dalka. Tani waa fursad weyn oo lagu xoojinayo dowladnimo hufan iyo horumar waara oo ka faa’iideysta dhammaan qeybaha bulshada iyo dowladda. Waxaa lagama maarmaan ah in tallaabooyinkan la sii xoojiyo, lana sii ballaadhiyo si loo xaqiijiyo mustaqbal ifaya oo Somaliland ay ku tallaabsato.