Kalsoonidu Waa Waxa aad Haysato!

0
94

Maalin aad u kulul ayaa libaax kaynta ku nooli uu godkiisa gaajo awgeed uga soo baxay, iyadoo Ugaadhiina ay wada hadh gashay.  Laakiin nasiib wanaag waxa uu qabsaday Bakayle aad u shilis oo aad u naaxay.  Isagoo aan ku qancin Bakaylaha yar oo naftiisa ku leh gaajada ihaysa Bakaylahani waxba ka tari mayo, ayuu arkay Deero meel aad ug udhow maraysa, markiiba hunguriga ayaa ka soo dhacay, isagoo naftiisa ku yidhi :” Muxuu I tarayaa Bakaylahan caatada ahi, waana uu sii daayay oo eryaday Deeradii xooga ahayd”.

Libaaxii ayaa intii awoodiisa ahayd eryaday Deeradii wada baruurta ugu muuqatay, balse waa ku daallay oo gaadhi waayay Deeradii. Libaaxa ayaa ka murugooday khasaaraha ku dhacay Bakaylihii oo uu sii daayay, daalka orodka badan, kulaylka iyo Deero la’aanta ku dhacday ee ay u suurtageli weyday inuu soo qabsado.

Xikmaduna waxa weeyi:” Shimbir aad gacanta ku hayso waxay ka qiimo badan tahay laba shimbirood oo geed saaran”. Mar kasta waxaad haysato ku kalsoonow. “ Midho gunti ku jira looma dadaasho kuwo geed saaran”.