Barnaamijka Kalluunka Wargeyska Dawan todobaadkan Qormada koowaad waxa aynu ku soo qaadanaynaa noocyada Kalluunka iyo saamaynta deegaanka u uku leyahay, marka hore Kalluunka waa xayawaan badeed ama biyo macaan ku nool oo leh awood weyn oo uu ugu la qabsado deegaanno kala duwan.
Deegaanadaasi waxaa ka mid ah Webiyada, Harooyinka, iyo Badda, waxyaabaha sida heerkulka biyaha, xadiga cusbada (salinity), iyo cadaadiska biyaha (qoto-dheeraanta) ayaa door weyn ka ciyaara nooca kalluun uu hoygiisu yahay, sida uu u dhaqmo, nooca cunta ee uu cuno, iyo muuqaalka, dhadhanka iyo urta hilibkiisa.
Noocyada Kalluunka
Guud ahaan marka laga hadlayo noocyadda Kalluunka waxa loo qaybiyaa sadex nooc, kuwaasi oo ah kuwa muhiimka.
Pelagic Fish (Kalluunka dusha ama dhexda biyaha, badda dhexdeeda)
Noocan Kalluun ee Pelagic Fish, waa nooc ka mid ah Kalluunka kaasi oo inta badan ku nool oogada sare ee Badda, inta badan nooca kalluunka waxa uu quutaa ama cunaa noolaha kale ee biyaha dhexdeeda ku nool sida xayawaanka plankton oo ah nool dhir ah oo ku nool badda, sidoo kale noocan Kalluunka waxa uu quutaa kalluunka yar yar ee badda ku nool iyo noolayaal kale oo badda ku jira oo ay sahlan tahay in la qabto.
Kalluunka Pelagic Fish, marka muuqaal ahaan la tilmaamayo waa mid ah qaab jidheed oo habaysan, kaasi oo ay u fududahay inuu biyaha si quman u dhex maro, saliid badan leh marka hilibkiisa la cunayo.
Demersal Fish (Kalluunka gunta hoose ama ku dhow keliya)
Nooca labaad ee Kalluunka waa nooca loo yaqaano Demersal Fish, nocan kalluun waa mid nolol ahaan ku nool badda gunteeda, sidoo kale Kalluunkani waxa uu awood u leeyahay inuu ku noolaado meelaha jooga hoose ee biyaha sida Badaha, Harooyink aiyo biyaha degdegga, waxa kale oo uu awoodaa inuu ku noolaado meelaha hoose ee wasakhda ah ama ciida iyo dhagaxaantu ku badan yihiin.
Demersal Fish waxa uu quutaa cuntooyinka gunta hoose ee badda sida qolofleyda, aargoosatada isaga oo ugu taga saldhiga hoose ee ay ku leeyihiin gunta hoose ee badda ama biyaha kale ee fadhiga.
Muuqaal ahaan marka la tilmaamayo nooca Kalluun ee Demersal Fish waa mid jidhkiisu siman yahay, kaasi oo ay u sahlan tahay inuu jidhkiisa qariyo, sidoo kale hibilkiisana saliidu way ku yar tahay marka la isticmaalayo.
Shellfish / Invertebrates (Qolof-layda iyo noolaha aan kalluunka ahayn laakiin badda ama biyaha hoostooda ku nool).
Noocan waa nooc ka mid ah dhaw Kalluunka balse aan ahayn kalluun, waxaana lagu tiriyaan inta badan inay isku jaad yihiin noole ahaan, sidoo kale noocani maaha Kalluun dhab ah, balse waa qolofleyda ku nool biyaha, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Qolofley iyo aargoosatada iyo Kalluunka Qumbaha.
Noocani waxa ay ku nool yihiin xaga hoose ee biyaha waxaana hoy u ah godad ku yaala gunta hoose ee biyaha badda ama harooyinka, wakhtiyada qaar waxa ay noocani hoy ahaan u isticmaalaan dhagaxaanta salka hoose ee biyaha yaala.
Shellfish noocan kalluun marka aynu isticmaalayno way kala duwan yihiin sida loo siticmaalo, qaar waa la dubtaa, qaar waa la kariyaa, taasi oo inta badan ay shardi tahay in aan aad u nadiifiso oo aad meel wanaagsan ku keydiso haddii aad rabto in aan isticmaasho.
Biyaha Badda iyo Biyaha Macaan: Farqiga iyo Saamaynta
Qormada labaad ee Barnaamijka Kalluunka Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu diirad ku saaraynaa farqiga iyo saamaynta u dhexaysa Kalluunka biyaha badda iyo Kalluunka biyaha macaan ee aynu isticmaalino.
Farqiyada u dhexeeya kalluunka badda (saltwater) iyo kalluunka biyaha macaan (freshwater) waa kuwo muhiim ah, gaar ahaan marka laga hadlayo caafimaadka, dhadhanka, muuqaalka, iyo awooda kalluunku u leeyahay in uu la qabsado xaaladaha deegaanka.
Kalluunka Badda (Saltwater)
Cusbada (Salinity): Badda waxaa ku jira cusbo badan kalluunka badda wuxuu leeyahay habab uu ku xakameeyo cusbada jirdhiisa (osmoregulation) sida in uu ka saaro cusbada biyaha ku xeeran.
Heerkulka iyo Cadaadiska Badda, heerkulku wuu kala duwan yahay (dusha iyo qoto-dheeraanta), cadaadisku wuu kordhaa marka laga sii galo qoto-dheer. Tani waxay kalluunka ku qasabtaa habab uu kula qabsado xaaladahaas.
Cunto & Nafaqo Badda: Waxay bixisaa noocyo badan oo cunto: plankton, kalluun yar, noolayaal kale; kalluunka pelagic-ka ayaa helaya cunto badan oo sahlan in uu la kulmo marka uu saf-saf ku jiro ama markuu dhinacyo kala duwan u dhaqaaqo.
Midabka, Dhadhanka, Urta, Cabirka: Hilibka kalluunka badda badanaa waa mid huruud ama bunni dhinaca kore, midabka hoostiisna ka khafiif, dhadhanka iyo urta ayaa xoogaa badeed leh, dufanka badan ayaa kaa caawinaya in hilibku u dhadhan fiican yahay.
Kalluunka Biyaha Macaan (Freshwater)
Biyaha macaan waxay leeyihiin cusbo yar, kalluunka biyaha macaan waa inuu haysto hab uu cusbo u soo nuugo isla markaana uu biyaha badan ee gudaha jidhkiisa ka saaro si ayna unugyadiisu u bararin.
Biyaha webiyada/haroyinka waa qoto yar yihiin xilliyo badan, heerkulku way kala duwan karaa (qorrax, qaboobaha), laakiin cadaadis badan ma jiro.
Biyaha macaan cuntooyinkoodu waa yar-yar; kalluunka biyaha macaan wuxuu cuno cuntooyin sida algae, insects ama noolayaal yar-yar, waxaana saameyn karta wasakhda ama biyo aan nadiif ahayn.
Kalluunka biyaha macaan waxaa lagu yaqaanaa midab khafiif, ur yar, dhadhan fudud, cabir ahaan marar badan ka yar haddii cunto ama hoygiiisa uu wanaagsan yahay.
Hababka La Qabsiga (Adaptations)
Xakamaynta Cadaadiska: Kalluunka waxay leeyihiin habab gaar ah oo u oggolaanaya in ay xakameeyaan biyaha iyo cusbada jidhka ku jirta. Kalluunka badda waxay ka saaraan cusbada jidhka iyadoo la isticmaalayo qanjirada afka (gills), gudaha kalyaha (kidneys), iwm. Kalluunka biyaha macaan waa in ay qabsadaan cusbada yar ee biyaha iyo biyo badan oo gudaha jidhka gala iyaga oo aan lumin unugyada.
Muuqaal & Jidh: Pelagic fish waxay leeyihiin jidh toosan, sahlanaan dhaqdhaqaaq, fins awood leh, si ay uga faa’iidaystaan dhaq-dhaqaaq joogto ah; demersal fish waxay leeyihiin jidh ku habboon qurux ahaan u eg qofleyda, si ay u qariyaan naftooda, ama ay ugu dhowaan gunteeda hoose.
Gunaanad
Kalluunka waa xayawaan badeed oo muhiim u ah deegaanka iyo nolosha aadanaha, iyadoo noocyadiisu ku kala duwan yihiin deegaanada ay ku noolyihiin iyo qaabka ay uga falceliyaan xaaladaha biyaha. Fahamka noocyada kalluunka sida Pelagic, Demersal, iyo Shellfish, iyo sidoo kale farqiga u dhexeeya kalluunka biyaha badda iyo biyaha macaan, waxay naga caawinayaan inaan si wanaagsan u ilaashano kheyraadka dabiiciga ah iyo inaan ka faa’iidaysanno si mustaqbalka khayraadkeena.
Deegaanku waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa nolosha kalluunka, laga bilaabo heerkulka iyo cusbada biyaha, ilaa nooca cuntada ay helaan iyo sida ay ula qabsadaan cadaadiska biyaha. Sidaas darteed, ilaalinta tayada biyaha iyo deegaanka ayaa muhiim u ah sii jiritaanka noocyada kala duwan ee kalluunka iyo kobcinta dhaqaalaha kalluumaysiga.
Ugu dambayn, barashada iyo fahamka noocyadan kalluunka iyo sifooyinkooda ayaa naga caawinaya inaan si xilkasnimo leh uga shaqeyno horumarinta kalluumaysiga iyo ilaalinta badaha iyo webiyada Somaliland, si jiilasha mustaqbalka ay uga faa’iidaystaan khayraadkan qiimaha leh.

























