Neymar Oo Si Kulul Uga Hadlay Booska Raphinha Ee Abaalmarinta Ballon d’Or

0
122

Weeraryahanka Santos, Neymar, ayaa si adag u dhaliilay qaban-qaabiyeyaasha Ballon d’Or kadib markii garabka Barcelona, Raphinha, uu ku dhammeystay kaalinta shanaad ee abaalmarinta sanadkan 2025.

 

Xiddigan 33 jirka ah ayaa si cad u muujiyay sida uu uga xun yahay natiijada, isagoo booska shanaad ee Raphinha ku tilmaamay “kaftan weyn.”

 

Waxaa xusid mudan in Ousmane Dembélé uu ku guuleystay Ballon d’Or 2025, isagoo ka hor maray Lamine Yamal habeenkii Isniinta. Dhanka kale, Raphinha ayaa galay kaalinta shanaad, isagoo ka gadaal maray Dembélé, Yamal, Vitinha iyo Mohamed Salah.

 

Neymar, oo horay ugu soo ciyaaray PSG, ayaa bartiisa bulshada ku muujiyay caro, wuxuuna yidhi:

 

“Raphinha inuu booska shanaad galo, waa kaftan xad dhaaf ah.”

 

Raphinha ayaa xilli-ciyaareed cajiib ah la qaatay Barcelona, isagoo ka caawiyay in kooxda ku guuleysato horyaalka LaLiga iyo Copa del Rey. Weeraryahankii hore ee Leeds United ayaa ahaa xiddiga ugu muuqda Barca xilli-ciyaareedkii hore, isagoo ka qayb qaatay 56 gool 57 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.