Shirka Ceerigaabo: Wada-tashi Nabadeed oo Lagu Dhisayo Wadajirka iyo Midnimada

0
102

Ceerigaabo (Dawan)- Guddida Qaban-qaabada Shirka Nabadda ee Ceerigaabo, maamulka gobolka Sanaag, maamulka degmada Ceerigaabo, iyo laamaha ammaanka, ayaa shalay yeeshay kulan muhiim ah oo ay la qaateen waayeelka iyo waxgaradka magaalada Ceerigaabo.

Kulankan oo ka dhacay gudaha magaalada Ceerigaabo, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada nabadeed ee ka socda gobolka Sanaag, gaar ahaan dhabaha loo marayo qabsoomida Shirka Nabadda ee dhawaan lagu wado in la furo.

Wada-tashigan ayaa lagu macneeyay mid salka ku haya isu soo dhaweynta dhinacyada kala duwan ee bulshada, xoojinta wada-jirka bulshada deegaanka, iyo taageeridda mabaadi’da nabadda iyo isu-tanaasulka. Waxgaradka iyo waayeelka reer Ceerigaabo ayaa soo dhaweeyay dadaalka ay xukuumaddu iyo hay’adaha kala duwan ee qaranku ugu jiraan sidii shirku u qabsoomi lahaa, iyaga oo muujiyay diyaar garow buuxa.

Guddida Nabadda Qaranka ayaa dhankooda adkeeyay in shirka la filayo uu yahay mid muhiim u ah xasilloonida, wada noolaanshaha, iyo horumarka gobolka Sanaag, isla markaana uu sal u noqon doono heshiis waara oo si dhab ah wax uga qabta tabashooyinka jira.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dedaalka ballaadhan ee xukuumaddu ugu jirto xal waara oo laga gaadho arrimaha nabadda, iyadoo la dhegeysanayo doorka odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee deegaanka.