Arrimo badan oo ku lammaan nolosha ayaa inagu dhacaya, waxaan la kulamayna dhibaatooyin badan iyo dhacdooyin xanuun badan.
laakiin macno ma leh waayo waxay ka mid yihiin mushkuladaha nolosha, waxase muhiim ah sida aynu u doorano jawaabta xalka iyo dawada mushkuladda dhacday.
Maaha in aynu noqono kuwo ku daciifa oo u burbura sida quraaradda oo aan kabmin, laakiin waa in falcelinteenu noqoto mid inaga dhigta kuwo ka sii adag sidii ay hore u ahaayeen.
Ogow haddii aad wanaagsanaato dadku way ku eedaynayaan mar kasta, laakiin adigu samee arinka wanaagsan. Haddii aad guulaysatona, waxaad ku guuleysan doontaa saaxiibo been ah oo ku hareera jooga iyo cadow dhab ah oo ka soo horjeeda. Si kastaba waa inaad guulaysataa.
Dadka runtii waxay u baahan yihiin kaalmo, laakiin way ku dhallecaynayaan haddii aad iyaga caawiso. Si kasta iyo mar kasta kaalmee si aad ugu raaxaysato nolosha wanaagsan ugana baxdo cidhiiga iyo diiqada nolosha xasadka, niyad jabka iyo cuqdadu ku lamaan tahay.
Dadka qaar ka mid ahi waa af ka nool aan aamusayn, wax kasta way dhaleecaynayaan, nasiib darro isma oga in iyagu ay yihiin kuwa nolosha ku fashilmay.

























