- Dhiranaantu waa fursadda ugu fiican ee wax kasta lagu samayn karo.
- Wada shaqaynta kooxdu way yaraysaa culayska shaqada.
- Qofna sida toban qof uma caqli iyo xoog badna.
- Adduunyadu waa bad gun dheer, dad badanina way ku halaagsameen, cabsida Allah ku ilaali markabkaaga.
- Islaamka dhabta ah waa kan dunida siin kara macnaha nolosha.
- Noloshu ma noqonayso janno, laakiin waa inaan ka shaqeynaa si aanay u noqon cadaab.
- Nacasku wuxu u nool yahay inuu wax cuno, caaqilkuna wuxuu wax u cunaa si uu u noolaado, mu’minkuna wuxuu u nool yahay inuu Allah caabudo.
- Hadaanad Caalamka waxba ku soo kordhinayn, dheeraad ayaad ku tahay.
- Dadka aaminsan in lacagtu wax kasta oo nolosha ah tahay, Helideeda ayay arrin kasta u sameeyaan
- Dadka guulaystay waxay horumar ku sameeyeen wakhtiga ay dadka kale dayaceen.
- Shaqadu waa inaad wax kasta u samayso si faa’iido looga gaadho.
- Haddii aanu jirin hadaf aad gaadhaa, kama murugootid in aanad waxba samayn.
- Fikraduhu waa kumanaan , qiimo ma leh haddan ficil laga dhigin.

























