“Tani ma ahayn wax aan ka filayay in aan ka maqlo xubin muhiim ah oo ka tirsan ururka Daalibaan.” Sidaa waxaa hadalkeeda ku bilawday Wariye doonaysay in ay waraysato madax sare oo ka tirsan Daalibaan oo wada hadal ay dawaddii Afgaasintaan la yeelanayeen kaga qayb galay dalka Qadar.
Waxaanay intaa raacisay “Waan raadiyay si aan wareysi ka qaado malintii ugu dambeysay ee shirkii taariikhiga ahaa ee ka dhacay caasimada Qadar ee Dooxa, kaas oo u dhaxeeyay Daalibaan iyo dawladda Afqanistaan.
Waxaan ku sii jeeday garoonka, waxaana arkay qaar ka mid ah ergada Daalibaan oo ay hareeraha ka taagan yihiin saxafiyiin.
In laga warramo shir ay albaabada u xidhan yihiin, mar walba waa caqabad, sidoo kale xaaladda kuma bilaaban yididiilo wanaagsan.
Intaan boorsada dhulka dhigtay ayaa dhankiisa u dhaqaaqay si aan ula yeesho wareysi aan la iksu diyaarin.
“Ma doonayo inaan hadlo,” ayuu si degdeg ku jiro u yidhi hogaamiyaha Daalibaan- ma filayn aniga oo ku soo dhawaaday iyo Kaamiradii aan gacanta ku sitay.
Waxaan ogaaday in uu cidhiidhi dareemayo, dib ayaanna uga sikaday.
Waan salaamay aniga oo dhoolla cadeynaya waxaanan u sheegay in nin aan wada shaqeyno uu yahay qofka wareysan doonoaya anigana Kaamirada uun aan u hayn doono.
Baaxadda ay leedahay shaqadii aan u tagay Dooxa ayaa noqtay mid muuqata.
Ma doonayo inaan si gaar ah uga hadlo hogaamiye ka caga jiidaya wareysiga, balse intii aan ku guda jiray wareysigii aan la yeeshay xubnaha ergada Daalibaan iyo wakiiladooda, waxa aan dareemay in wajigeyga marna aaanay eegin, waxayna u muuqatay in aanay ku faraxsanayn in dumar ay goobta joogaan marka ay nin la hadlayaan.
Waxay rumaysan yihiin in qof dumar ah oo aadan garanayn in aad eegtid in ay tahay xushmad daro iyo dembi.
Waxaan wareysi saddex daqiiqo gaadhaya ka qaaday mid ka mid ah hogaamiyayaasha sare ee Daalibaan; intaan wareysiga ku jirnay hal marna imuu soo eegin.
Waxaan aaminsanahay in haddii uu hogaamiyahaasi uu barito i arko in aanau I xusuusanayn in mar uu wareysi i siiyay.
Balse arrimahaas aan kor ku soo xusnay igama yaabin, sababtoo ah, koox dhuumasho ku jirtay oo muddo sannado ah dagaal ku jirtay, in aan hor istaago oo su’aalo ay ka jawaabaan ma ahayn wax lagu fikirayay bilo ka hor.
Sidaasi daraadeed waxaan xitaa isu diyaariyay dhacdooyiin kale oo lama filaan ah.
Dhacdo tariikhi ah
Ka dib muddo bilo ah oo ay diidanaayeen, haddana markii ay hogaanka Daalibaan iyo dawladda ay ku heshiiyeen taariikha iyo goobta lagu qabanayo shirkoodii ugu horeeyay oo fool ka fool ah, waxaan dareemay in ay muhiim ii tahay in si la mid ah saxafiyiinta kale ee reer Afqanistaan, inaan soo tabiyo wararka arrintan la xidhiidha.
Ka dib tobannaan sano oo dagaal iyo colaad ah oo dhiig badan uu ku daatay, labada dhinac waxay ugu dambeyntii ku heshiiyeen in ay isku deyaan wadaxaajood lagu soo afjarayo dagaalka.
Arrin taariikhi ah ayaa ka dhacaysa horteyda oo aan indhaheyga ku arkayaa.
Waxaan goobjoog u ahaa isbedallo badan oo dhacay tan iyo 2002-dii, markii dhinacyada ka soo horjeeda Daalbaan ay soo ifbaxeen ayna bilaabeen dagaalka ka dhanka ah mintidiinta.
18 sano ka dib oo dhinacyadan ay cadaawadda ka dhaxeysay, waxay hadda yeelaneysaa weji wadahadalo iyo dib u heshiisiin.
Labiska la xidhanayo?
Tan iyo markii ay diyaarad aan la socday ka soo kacday magaalada Kabul oo aan u soo duulnay Dooxa, waxaan ka fikirayay dhammaan dhinacyo ay ka mid tahay xuquuqda haweenka, dastuurka, xorriyadda iyo ajandeyaasha dhinac kasta ah.
Intii aan qorshaynayay tabinta arrimahan ee aan ka fikirayay wareysiyada iyo su’aalaha, waxaan sidoo kale jiray wax kale oo maskaxda aan ku hayay.
“Sideen u lebistaa”?
Haye oo wareysi ka qaadaysa Abdullah Abdullah, madaxa ergada dawladda
Su’aashan ma ahayn mid muhiim ah, waxaana xitaa laga yaabaa in aanay ku haboonayn in ragga aan wada shaqeyno is waydiiyaan.
Balse ka saxafi dumar ahaan iyo anigoo og xeerarka adag ee Daalibaan, ee ku aadan xorriyada dumarka iyo xuquuqda haweenka, waa in aan ka fikiraa dharka aan xidhanayo iyada oo ay jirto in tin illaa cidhib aan is daboolayo.
Waxaan halkan u imid si aan wareysi uga qaado hoggaanka sare ee Daalibaan iyo in aan helo shaqsiyaadkaas, waxay qeyb ka ahaayeen shaqadii saddex maalmood ahayd ee la ii igmaday.
18 sano ka hor ma awoodin in waddooyiinka aan ku maro dharka aan u xidhay shirkii aan ka qeybgalay.
Xilligaasi kooxda Daalibaan waxay dhaqangeliyeen xeer adag oo ah dhar xidhashada gaar ahaan xijaab qarinaya madaxa ilaa lugaha, waxaana la ciqaabayay qof walba oo aan ilaalin ama u hoggaansamin amarkaas.
‘Qaladaad way dhacaan’
Markii aan jiray 4 sano, ayaan mar raacay eedadey oo xijaab xidhnayd.
Markii aan gaadhnay goobtii aan u soconay waxay iska bixisay niqaabkii ay xidhnay iyada oo feyday wajigeeda, ka dibna nin Daalibaan ka tirsan ayaa ku dhuftay ul, aniga oo arkaya “qari wajigaaga,” ayuu ku ku yidhi.
Waa ficilladaas oo kale waxaan goob joogga u ahaa markii aan carruurta ahaa, mana hilmaamayo maalintaasi oo xitaa markaan guriga soo gaadhnay waxaan eegayay daaqadda, aniga oo hooyo waydiinaya, “mana daba socdaa? Ma noo imaanayaa?”
Shirka Dooxa, markii aan la hadlayay mid ka mid ah wakiillada Daalibaan, waxaan la wadaagay xusuustan, waxaana weydiiyay sida uu dareemayo.
“Qaladaad ayaa hore u dhacay mar dambe na laguma noqon doono,” ayuu ku jawaabay
Mid ka mid ah tallaabooyiinka ugu muhiimsan waxay ahaayeen in haweenka ay hadda meelo badan ka muuqdaan.






















