Maalin maalmaha ka mid ah 2005tii, cisbitaalkii uu ka shaqaynayey dhakhtarka dhimirka David Avery ee Seattle, Maraykanka, waxa la dhigay bukaan 35 jir ah oo ahaa,injineer jecel in uu diiradda saaro xisaabta.
Bukaanku waxa uu la ildaranaa isbedelo xaalado dhanka dhimirka ah ay k amid yihiin in uu arkayo ama maqlayo waxyaabo aan meesha joogin, inuu ku fikiro inuu isdilo, iyo hurdo xumo.
Waxa uu ahaa nin aad u jecel xallinta xisaabta, bukaan-socodkan ayaa si taxadar leh u xafiday diiwaannada astaamihiisa isagoo isku dayaya inuu fahmo nooca jirradiisa. Waxa uu si dhow ula socday diiwaannadan oo uu sheegay in uu aad ula yaabay sida degdegga ah ee isbeddelladani u dhaceen.
Isbeddellada hurdada iyo dareenka ayaa u muuqday inay ku beegan yihiin isbeddelka ku yimid muuqaalka dayaxa ama laga bilaabo dayaxa cusub ilaa dayax buuxa.
Markii hore, Avery wuu diiday in la baaro xaaladiisa. Inkasta oo dareenka bukaanku uu isla beddelo dayaxa, ma aannu haysan si uu u sharaxo sababta ay tani u dhacday, ama fikrad kasta oo ku saabsan sida loola macaamilo xaaladda.
Bukaanka waxaa lagu daweeyay nal iyo daawooyin, dhaqtarkiisana qoraalkii bukaankkisa wax u uu ku riday khaanad ka dibna wuu xiray.
Laba iyo toban sano ka dib, dhakhtar caan ah oo lagu magacaabo Thomas Wehr ayaa daabacay cilmi-baadhis uu ku sameeyay 17 qof oo qaba dhibaatooyinka nafsaaniga ah, taas oo dareenka bukaanku uu u kala beddelay niyad-jabka iyo dhimirka si ka dhaqso badan sidii caadiga ahayd.
Bukaannada sida Avery, waxay muujiyeen calaamado xanuun oo aan caadi ahayn muddo markii ay xanuunsanaa.
Waxa isag cajab geliyiya Weir, waxa uu sheegay in ay ahayd sida saxda ah ee uu sare ugu kobcayo marka loo eego dayaxa, si aan qofku ka filanayn habka noolaha.
Tani waxay ka dhigtay inuu la yaabay haddii ay jiraan saameyn dibadeed oo xakameynaysa xaaladahooda caafimaad.
Waxa uu ka hadlay arrintan, saamaynta uu dayaxu ku keenayo maskaxdiisa, taas oo ay ugu wacan tahay aaminsanaanta baahsan ee xilliyada qaar in dayaxu saamayn ku yeesho hab-dhaqanka aadanaha.
Qarniyo badan, dadku waxay rumaysnaayeen in dayaxu saameeyay dabeecadda aadanaha. Faylasuufkii Giriigga Aristotle waxa uu rumaysnaa in Dayaxu saameeyay xaaladaha “waalli” iyo suuxdin. Haweenka uurka leh ayaa sidoo kale la sheegay inay aad ugu dhow yihiin inay dhalaan inta lagu jiro dayax buuxa, inkastoo aysan jirin caddayn cilmi ah oo arrintan ku saabsan.
Qarniyo badan, dadku waxay rumaysnaayeen in dayaxu saameeyay dabeecadda aadanaha. Faylasuufkii Giriigga Aristotle waxa uu rumaysnaa in Dayaxu saameeyay xaaladaha “waalli” iyo suuxdin. Haweenka uurka leh ayaa sidoo kale la sheegay inay aad ugu dhow yihiin inay dhalaan inta lagu jiro dayax buuxa, inkastoo aysan jirin caddayn cilmi ah oo arrintan ku saabsan.
Sidoo kale ma jirto wax caddayn ah oo lala xidhiidhinayo muuqaallada gaarka ah ee dayaxa, in ay kor u kacaan rabshadaha maxaabiista ama kuwa la ildaran xanuunka dhimirka, inkasta oo cilmi-baadhis dhawaan la sameeyay ay soo jeedinayso in fal-dembiyeedka dibadda-tusaale ahaan waddooyinka ama xeebaha-ay kordhin karto marka dayaxu iftiimiyo.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira caddayn cilmiyaysan oo sheegaya in qaabka hurdadu ay kala duwan yihiin iyadoo ku xiran wareegga dayaxa ama marxaladda dayaxa.
Daraasad la sameeyay 2013-kii oo lagu sameeyay xaalado adag, sida shaybaarka hurdada, ayaa lagu ogaaday in dadku hurda shan daqiiqo oo dheeraad ah in ay qiyaastii 20 daqiiqo hurdaan maalmaha dayaxu uu kaamil yahay marka loo eego maalmaha kale ee bisha, xitaa marka aannu jirin iftiinka dayaxa.
Waxa kale oo ay daraasaddu sheegtay in xadiga hurdada saxda ah ee ay helaan ay hoos u dhacday boqolkiiba 30. Si kastaba ha ahaatee, daraasadihii xigay ma aysan gaarin gunaanad la mid ah kuwii baaritaankan.
Dayaxu waxa uu siyaaba kala duwan u saameeyaa dhulka, waxaana ugu horreeya waa cadadka iftiinka uu sii daayo, kaas oo isbedela bisha oo dhan. Waxa uu noqdaa mid buuxa 29.5tii maalmood ee kasta, iyo dayax cusub ayaa soo baxaya 14.8 maalmood ka dib marka uu dayaxu si buuxda u muuqdo.
Dayaxu waxa uu siyaaba kala duwan u saameeyaa dhulka, waxaana ugu horreeya waa cadadka iftiinka uu sii daayo, kaas oo isbedela bisha oo dhan. Waxa uu noqdaa mid buuxa 29.5tii maalmood ee kasta, iyo dayax cusub ayaa soo baxaya 14.8 maalmood ka dib marka uu dayaxu si buuxda u muuqdo.
Waxa intaa sii dheer, waxa jira jiidashada dayaxa, kaas oo soo saara hirarka 12.4 saacadood kasta. Mowjadahani waxaysii xoogeeystaan qiyaastii labadii toddobaadba mar, mararka qaarkood waxay dhacaan 14.8 maalmoodba mar sababtoo ah jiidashada Dayaxa iyo Qorraxda, iyo mararka qaarkood oo dhaco 13.7 maalmoodba sababtoo ah booska Dayaxa uu jooga marka loo eego dhulbaraha dhulka.
Arinta xiisaha lehi waxa ay tahay waxa ay la mid ahayd xaaladda bukaannada ku jira daraasadda Weir.
Isla markii uu Avery wax ka akhriyay daraasadda, waxa uu u yeeray Weir, waxa dib loo falanqeeyay xogta bukaan-socod ee aan hore u soo sheegnay, isaga oo ogaaday in isbeddelka dareenkiisu uu la mid yahay wareegga 14.8-maalin.
Anne Werz-Justice, oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga bay-olijiga ee cisbitaalka Jaamacadda Basel ee Switzerland, ayaa ku tilmaantay xidhiidhka ka dhexeeya wareegga dayaxa iyo wareegyada niyad-jabka iyo waallida “lagu kalsoonaan karo oo dood badani ay ka jirto.” “Way adag tahay in la ogaado habka socda,” ayay tidhi.
Aragti ahaan, iftiinka dayaxu wuxuu carqaladayn karaa hurdada dadka, taas oo saamaynaysa niyadda. Tani waxay si gaar ah ula xidhiidhtaa, dadka qaba xanuunada dhimirka, ilaa heer ay jirto caddayn cilmi ah oo muujinaysa in hurdo la’aanta loo isticmaali karo in dadka noocaas ah laga saaro niyad-jabka.
Laakiin Weir waxa uu ku qancay in iftiinka dayaxu aanu saamayn weyn ku yeelan karin hab-dhaqanka bini aadamka.
Weir wuxuu aaminsan yahay in is bedelka dayaxu ay tahay waxa saameyn ku yeelan kara dabeecadda iyo dareenka aadanaha.

























