Wiil ayaa maalin weydiiyay faylsuufkii Sokhret inuu uu sheego sida guusha lagu gaadho? faylsuufka ayaa wiilka kexeeyay waxaana uu geeyay webig, waxaana uu ka codsaday inuu biyaha dhex galo.
Markii ay biyaha galeen ayuu Sokhret wiilka oo aan iska filayn biyaha ku dhex tuuray oo weliba ku cadaadiyay si aanu uga soo bixin.
Markii uu waxooga ku jiray isaga oo xoogiisa oo dhan adeegsaday ayuu sii dayay oo ka soo baxay isagoo haftay.
Wiilka ayaa ku yidhi :” Maxaad sidan iigu samaysay, inaan dhinto ayaad doonaysay”?. Falsauufka ayuu ku yidhi :” Maxaa kaa soo saaray biyaha aad ku hafanaysay?” Wiilka ayaa ku jawaabay :” waxaan isticmaalay xoogayga oo aan waxba lama hadhin” ?
Intaasi ka dib Sokheret ayuu ku yidhi :” Waxa aad gaadhay waa guushii aad doonaysay, oo ah inaad badbaado, sida aad ku gaadhayna waa awoodaada oo aanad waxba la hadhin”. Guusha gadhideedu waa inaad marka hore fahantaa isla markaa aad ku dadaashaa gaadhigeeda.

























