Xukuumadda Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Hadal Ka soo Yeedhay Masuul ka Tirsan Dawladda Soomaaliya

0
716

Wasiirka wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal ayaa jawaab adag ka bixiyay hadallo kasoo yeedhay dawladda Soomaaliya.
Masuul ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa sheegeen in shaqaale ka tirsan wasaaraddooda boosuhu ay joogaan Hargeysa, isla markaana wakiil uga yihiin isgaadhsiinta Somaliland, wasiirka boosaha ayaa arrinkaas ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin oo been abuur.
Wasiirka wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland oo shalay xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hadalkaasi uu yahay mid aan dhaafayn albaabka Soomaaliya, wasiirka oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi. “Somaliland waxaynu ognahay inay dawlad qaan-gaadh ah oo madaxweynahooduna xilka ku hayo awoodda shacabka oo uu ku yimi doorasho. Haddaba maadaama aanay ka jirin Muqdisho xukuumad la soo doortay oo dadkii lahaa ilaashanayaan, waxaan kula talin lahaa inay si xilkasnimo ah oo damiir ku jiro ay ummaddooda ula shaqeeyaan, inta ay sheegayaan war aan albaabkooda dhaafayn, waxaanan iftiimayaa in warkaas ay sheegeen ee ah in wakiillo boosaha ahi halkan (Hargeysa) ujoogaan aanu jirin.”
Waxa kale oo uu wasiirku ka hadlay ballan-qaadyo uu sheegay waqtigii uu xilka la wareegayay, kuwaasoo ahaa inuu midayn doono isgaadhsiinta Somaliland, waxaanu tilmaamay inuu weli hawshaas ku guda jira xilli dhawna uu dhamayn doono, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa, “Qalabkii isku-xidhka shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland waa diyaar xafiiskayga ayuu yaallaa, hore ayaa loo keenay, laakiin dadkii hawshaas lahaa ee ganacsatada ahaa ayaa khilaaf dhexmaray, taasna waan dhameeyay, imikana shaqadiisii way socotaa degdegna waanu u dhamaystiri doonaa.”

Leave a Reply