Badhasaabka Togdheer Oo Ka Warbixiyay Khasaaraha Ka Dhashay Shaqaaqo Ka Dhacday Waqooyiga Burco

0
500

Burco (Dawan): Saddex qof ayaa ku dhaawacmay iska horimaad shalay dhexmaray ciidanka qaranka iyo maleeshiyo ka soo jeeda beel ka mid ah labada beelood oo dhawaan shaqaaqo ku dhex martay meesha loo yaqaano Baliga Diiriye Guuleed oo dhinaca woqooyi kaga beegan magaaladda Burco.
Sida uu noo xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, oo xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, isaga oo joogay magaaladda Burco.
Saddexda qof ee dhaawacmay ayaa la sheegay in laba ka mid ahi ay ka tirsan yihiin ciidanka, kuwaasi oo oo kala ah taliyaha ciidanka booliska dawladda hoose ee Burco iyo abaanduulaha ciidanka qaranka qaybta 12-aad, halka qofka saddexaadna uu ka soo jeedo maleeshiyada iska hor imaadku dhexmaray ciidanka.
Iska horimaadkan dhexmaray ciidamadda qaranka iyo maleeshiyo beeleedkani ayaa ka dhashay ka dib markii shalay gelinkii hore ay deegaanka Baliga Diiriye Guuleed gaadheen badhasaabka gobolka Togdheer oo ay wehelinayeen taliyeyaasha ciidanka qaranka iyo booliska ee Togdheer.  Kuwaasi oo halkaa u tegay si ay u soo burburiyaan dergado iyo xurfado  halkaasi laga   sameeyay, taasi oo ka mid ahayd go’aamo ay guddi wasiiro ahi xalinta arrintaasi  toddobaadkii hore ka soo saareen.
hase yeeshee sida uu noo sheegay badhasaabka Togdheer markii ay halkaasi gaadheen masuuliyiintaasi ayaa maleeshiyo ka soo jeeda beel ka mid ah labadda beelood ee shaqaaqadu hore uga dhaxaysay ay rasaas ku blaabeen ciidamadii iyo masuuliyiintii halkaasi joogay.
Guddoomiyaha gobolka Togdheer, oo faahfaahin ka bixinayay sida ay wax u dhaceen, waxa uu yidhi  “Maalintii hore ee uu go’aanku dhacay ayaanu aasnay berkadihii, xurfadihii, waxaa noo hadhsanaa hal dergad iyo waab, ciidamadii maleeshiyo beeleedyadda ahaana waa tii la kala raray, qoladii markii ay maqleen in go’aankii dhacay, ayaa beeshii Cabdalle Arab maleeshiyadoodii ku soo celiyeen meeshii, markii  hore way ku qanacsanaayeen go’aanka laakiin ka gadaal markii ay naga baxeen ayay wax is-bedeleen, ka dibna  waxay dooneen in ay gacantooda hawsha ku fushadaan”.
“Saaka (shalay subax) ayaanu anagu halkan ka baxnay, aniga iyo taliyeyaasha halkan jooga ee ciidamadda booliska  iyo kuwa milateriga, markaa waxaanu doonaynay anagu ciidamo-na way nala joogeen, ciidankaasi oo nabadgelyadda ilaalinayay si aanay dhibaato u dhicin, hawshana aan dib loogu noqon, inta ay arrintaasi bogsanayso. Markii aanu istaagnay meeshii ayaa rasaastii na qabsatay, waxaana rasaasta nagu riday maleeshiyadii meesha fadhiday, waxay noqotay in ciidankuna ka jawaabo rasaasta, muddo ayay socotay  nuusa saace ah oo xabadda la is-waydaarsanayay” ayuu yidhi badhsaabku.
Maxamed Muuse Diiriye oo ka hadlayay khasaaraha ka dhashay iska horimaadkaasi, waxa uu yidhi “Saddex nin ayaa ku dhaawacmay oo mid taliye yahay, abaanduulihii ciidanka qaranka ee qaybta 12aad iyo taliyihii ciidanka booliska dawladda hoose ee Burco, ninka saddexaadna waxa uu ka soo jeeday maleeshiyadda beesha, iyada oo nin maxbuus ah laga soo qaybtay kooxda maleeshiyadda beesha, hawshu  markiiba way iska dhamaatay, woxoogaa ciidan ahna meesha waanu kaga nimid, ciidankaasina wuxuu meesha u joogaa, in arrintu ay halkaasi ku dhamaato, oo ay nimankaasi kala tagaan, oo aanay halkaasi dib ugu soo noqon, oo ay ogaadaan in aan lagu daynaynin in ay wadada fadhiistaan”.
Waxa kale oo uu sheegay Maxamed Muuse Diiriye in saddexda qof ee iska horimaadkaasi ku dhaawacmay uu laba ka mid ah dhaawacoodu fudud yahay halka midkood oo ah  abaanduulaha ciidanka qaranka ee qaybta 12aad oo dhaawaciisu culus yahay loo soo qaaday dhinaca magaalada Hargeysa. “Dhaawacyadda saddexda qof waa dhaawacyo sahlan, laba waa sahaale, taliyaha ciidanka booliska ee dawladda hoose ee Burco iyo ninka maleeshiyadda ah, ninka saddexaad ee  abaanduulaha ah ayaa dhaawaciisu weynaa oo Hargeysa ayaa isaga loo soo qaaday, oo lagu daawaynayaa”.
 
Badhasaabka oo aanu waydiinay tallaabadda ay qaateen  maamul ahaan dhacdadaasi ka dib waxa uu ku jawaabay “Horta wixii meesha jiray wuxuu ahaa nimankii maleeshiyadda  ahaa meesha way ka yaaceen, wixii saad u yaalayna waanu ka qaadnay, wixii dhismeyaal ahaana waanu ka baabi’inay ee aan ahayn aqal Soomaali, tallaabooyinka kalena way noo danbeeyaan, ciidankiina halkii wax ka dhaceen weli wuu  joogaa. waad ogaydeen oo anaga oo wax isku og ayaa odayaashu TV-yadda  ka soo baxeen, oo ay wax kale ku hadleen, markii danbena taakuleynta iyo hawlahan abaabulka ah ayay galeen, kolay tallaabo waanu ka qaadaynaa nimankaasi odayaashaa”.
 
Isaga oo sharaxaya nooca tallaabadda ay doonayaan inay ka qaadaan madax-dhaqameedka iyo odayaasha beesha ay maleeshiyadu ka soo jeedo,  waxa uu yidhi “Qofku haddii uu abaabul ciidan galo, oo uu qaranimadii meesha ka saaro, oo uu karaamadii iyo dirayskii dawladnimo ka hor yimaado, dawladnimadda haddii aynu muujin wayno ma sii jirayno, haddii dirayska la ixtiraami waayo, haddii kala danbaynta la ilaalin waayo, oo nin waliba siduu doono yeelo, oo halkii uu doono uu wax ka fushado, socon mayso taasi, markaa wixii sharcigu ka qabo ayaa laga yeelayaa”.
 
Waxaanu intaasi ku daray. “Umaddeenna waxaan u sheegayaa in waxyaabaha noocaasi ah laga waantoobo, oo la ilaaliyo lana ixtiraamo ciidamadda iyo dirayska iyo sharaftooda keliya ee aynu hub u ogolnahay ee hub sidan kartaa,  waa ciidanka, markaa haddii ciidanka la ixtiraami waayo dawladnimadii meesha ayay ka baxaysaa, waxaan umadda u sheegayaa in aan loo dul qaadan Karin lana aqbalaynin cid hubaysan oo jid goysa ama meesha ay doonto tidhaahda anaga ayaa awoodayada wax ku fushanayna, wax la aqbali karana ma aha”.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply