“Qadiyada Somaliland Waa Mid Aanay Waxba ka Bedali Karin Koox uu Abaan-Duule u Yahay Cali Khaliif..” Wasiir Xirsi

0
497

Hargeysa (DAWAN)- Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,  ayaa sheegay in qaddiyada Somaliland ay tahay afti shacbi oo aanay waxba ka bedeli Karin dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh iyo kuwa la midka ahi.
Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu sidaasi ku sheegay khudbad uu ka jeediyay xaflad balaadhan oo madaxtooyaddu habeen hore u samaysay qurbo-jooga reer Somaliland ee ku sugan caasimadda Hargeysa, waxaanu khudbadiisa lagu soo daabacay mareegtiisa Inter-net-ka ee Guusha.com.
Wasiirka oo ka hadlayay qasdigii ay madaxtooyaddu xafladaas ugu qaabishay qurbo jooga dalka ku sugan xiligan waxa uu yidhi “Waxay ahayd habeen hore  kadib markii kulan abaabulan oo ammaanan loogu soo goleeyey tiro ka mida qurbojooga reer Somaliland ee haatan ku sugan dalka gudihiisa. Ujeedada kulankan ayaa ahaa sidii dadkeena dibeda ka yimi loo dareensiin lahaa kaalinta ay ummada iyo qarankan ugu jiraan, sidoo kale ciyaalka ay wataana loo tusi lahaa in ay leeyihiin dal iyo dad jecel. Waxaa hubaal ah in dagaaladii qadhaadha ee dadkeena soo maray ay sababtay in kumanaan ka mida muwaadiniinta reer Somaliland ay noqdaan dibed joog ka firxaday dalkii ay jeclaayeen. Waxaase wax lagu farxo ah in kaliya jidhkoodu maqan yahay laakiin qalbigoodu dalka joogo oo ay ka qayb-qaataana horumarka dhinacyadiisa kala duwan.”
Wasiir Xirsi waxa uu sheegay in aanay masiirka dalkan mijo xaabin Karin koox uu hoggaaminayo Cali Khaliif Galaydh, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maalinba meel ayey joogtay oo shalay helitaanka qarankeenu wuxuu u baahnaa qori maantana xaqiijinta himilada qarankeenu wuxuu u baahan yahay qalin, way ka soo baxeen dadkii shalay qoriga qaatay idinkana ka qurbojoog ahaan waxaan idiin rajaynayaa in aad kaalintiina ka soo baxdaan oo aad dhamaan noqotaan safiiro heegan u ah himilada qaranka iyo taabogelinta qadiyada dalkeena.  Qadiyada dalkeena Somaliland waa mid ku dhisan afti shacab iyo rabitaan ummadeed oo aanay waxba ka badali Karin koox iyo tiro yar oo uu abaan-duule u yahay Cali Khaliif iyo kuwo lamida oo marin habaabinaysa masiirka dadkeena Somaliland
Waxaan odhan lahaa “Cali Khaliif” shalayna waxba dadkan umaad qaban maantana horumar iyo nabad midna uma soo wadid ee ka waantoow kolba ceelka colaada ee aad dadkan iyo dalkan galinaysid.”
 
“Sidoo kale waxaa xusid mudan marka laga hadlayo dhanka waddooyinka dalka ka socda sida qurbojooga reer Somaliland uga qayb-qaataan, waan idiinka mahadcelinaynaa intiina maal iyo muruq ku darsatay intiina qalbi wanaaga hore  ugu yaboohday in ay ka qayb-qaadanayaan jidka dheer ee isku xidhi doonaa Togdheer iyo Sanaag-na waxaan xasuusin lahaa in ay horay u soo bixiyaan wixii ay balan qaadeen. Waxaan markale idinku soo dhawaynaynaa dalkiinii iyo dadkiini oo nabad ah, kula farxa caafimaad iyo cibaado, lana wadaaga khibrad iyo aqoon wixii aad dalalka aad ku nooshihiin aad kasoo dhaxasheen Somaliland waa Hoy Nabdoon oo Horumar badan U Hirgalay.
Wa Bilaahi Tawfiiq,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply