Qurbe Jooga Togdheer Iyo Golaha Deegaanka Burco Oo Faaqiday Horumarinta Magaaladda

0
478

Burco (DAWAN) Kulan ballaadhan oo lagu dhiiri gelinayay sidii ay qurbajoogta gobolka Togdheer ay u soo maalgashan lahaayeen gobolka isla markaana ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka, oo ay soo qaban qaabisay dawladda hoose ee magaalada Burco ayaa shalay lagu qabtay Hoteel City Plasa Ee magaladdaas.
Munaasibadan oo ahayd mid si ballaadhan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka  soo qayb-galay badhasaabka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, maayirka degmadda Burco Maxamed Muraad, maayir ku xigenka Burco Muxumed Xoday, xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi),xildhiban Cabdi-risaaq Aar, qurba-joog tirro badan, saladiin, cuqaal, aqoon-yahan iyo waliba waxgarad tirro badan oo reer Togdheer ah.
Waxa shirkaasi ugu horayn ka  hadlay  Suldaan Maxamuud Guuleed waxaanu dowladda hoose ku aamanay sidii ay isugu keeni lahayd qurba-jooga reer Togdheer si ay uga qayb-qataan horumarka gobalka Togdheer, waxaanu sheegay in arintani tahay mid loo baahnaa.
Gudopmiye ku xigenkii hore ee jaamacadda Burco Prof.  Sheekh Ismaaciil Caraale oo isagu xafladaasi ka hadlay ayaa isaguna dhankiisa ugu baaqay inay qurba-joogu xoojiyaan shirarka noocani oo kale ah isla markaasna ay ka qayb-qaatan horumarka degmadda Burco.
Maayarka degmadda Burco Maxamed Muraad oo isaguna xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in qurba-jooga looga baahan yahay sidii ay gacan uga gaysan lahayeen horumarka degmadda, waxaanu yidhi  “Wey fiicnayd inaynu in badan jaanis isku helno waxa laga yabaa inaynu aad iskugu raadinayney ILLAAHAY  ayaa mahad leh maanta halkan iskugu keen keenay si aynu uga wada hadalno danta gobolkeena Togdheer ama dagmadeena Burco, waxaan sidoo kale u mahad naqayaa xildhiban Mubaarig Bidhi oo isagu keenay fikradan inay kulmaan qurba-jooga reer Togdheer iyo masuuliyinta dowladda hoose si looga wada hadlo sidii looga qayb-qaadan lahaa horumarka degmadda, anigoo ku hadlaya magaca dowladda hoose ee Burco waxaanu balanqaadaynaa in aanu qurba-jooga reer Togdheer u soo bandhigno fursado ganacsi si ay u maalgashadaan gobalkani, waxaanu sidoo kale balanqadaynaa in aanu bixino dhulkii ay qurba-joogu ka dhigi lahayeen horumar kasta oo ay la doonayaan degmada.”
 
Maayar ku xigenka degmadda Burco Muxumed Xasan Jaamac (Xoday) xildhiban Cali Marexaan, isu-duwaha wasaradda ganacsiga Togdheer iyo qurba-joog tiro badan oo iyaguna xafladaasi balaadhan ka hadlay ayaa soo dhaweeyay shirwaynahani kowaad ee dhex-maray qurba-jooga iyo masuuliyinta dowladda hoose Burco waxaanay qurba-joogu shegeen inay xoojin-donaan kulamada noocani oo kale ah isla markaasna ay door muhiim ah ka qaadan donaan horumarka degmadda Burco iyo guud ahaanba gobalka Togdheer.
 
Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo isagu ah xildhibanka soo diyaariyay qorshahani ay masuuliyinta dowladda hoose ee Burco u soo bandhigayaan qurba-jooga gobalka Togdheer inay qayb ka qaatan dhismaha iyo horumarka degmadda Burco ayaa  halkaasi ka akhriyay afar qodob oo ay isla meel dhigeen qurba-jooga gobalka Togdheer iyo waliba masuuliyinta dowladda hoose Burco.
 
Xildhibaan Mubaarig Bidhi  waxa uu halkaasi kaga dhawaaqay afar Qoddob oo muhiim ah, waxaanu yidhi  “ Shirkan waxa maal-galiyay golaha deegaanka Burco waxaanu ku marti-qaadnay qurba-jooga reer Togdheer,waxaan qurba-jooga reer Burco uga mahad naqayaa sida ay nooga aqbaleen inay yimadaan shirwaynaha koowaad ee ay yeesheen qurba-jooga reer Togdheer, ujeedada kulankani waxa weeyaan in aanu soo dhawayno oo aanu dhagaysano fikirka qurba-jooga, waxaanu jecel-nahay in aanu qurba-jooga usoo bandhigno fursadaha ganacsi ee ka maqan gobalka Togdheer, waxaanu gaba-gabadii kulankani balaadhan aanu ka soo saarnay afar qodob oo kala ah
1: waxaanu isla qaadanay inay muhiim tahay in sanad kastaba hal mar la qabto shirwaynaha qurba-jooga reer Togdheer waxaana la qaban doonaa 27 july sanadka 2015.
2: dowladda hoose Burco waxay isla qaadatay in la soo dhaweeyo qurba-jooga reer Somaliland oo dhanba cidii danaynaysa inay mashariic horumarineed ka fuliso gobalka Togdheer isla markaasna aanu siin-doono dhul una samayn-doono cashuur dhaaf.
3: waxa la isla afgartay qurba-jooga iyo dowladda hosaba inay muhiin tahay in la furro madarka Burco si ay uga soo degaan qurba-joogu isla markaasna ay furaan madaxwaynuhu iyo wasiirka duulista iyo hawadu.
4: Waxaanu ugu baaqaynaa qurba-jooga iyo bulshadda reer somaliland-ba in laga qayb-qaato dhismaha wadada Ceerigabo” Ayuu Yidhi Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi)
Si kastaba ha ahatee shirweynahani koowaad ee dhex-maray qurba-jooga gobalka Togdheer iyo masuuliyinta dowladda hoose Burco ayaa isagu qayb ka noqon-doona sidii ay qurba-joogu uga qayb-qaadan donaan horumarka degmadda Burco.
By: Axmed M.Saleebaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply