Maayarkii Hore Ee Saylac Oo Ku Taliyay Inaan Laga Fursanayn Muddo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumadda

0
475

Hargeysa(Dawan):- Maayarkii hore ee degmada Saylac Maxamed Cumar Xaddi(Cawad),ayaa    soo jeediyay in ay lagama maar-maan tahay muddo kordhin loo sameeyo  Xukuumadda xilka haysa,  si loo sameeyo diiwaan-gelin sugan  oo lagu ogaado  codbixiyeyaasha saxda ah ee doorashooshinka soo socda ka qeyb geli doona
 
Mr.  Xadi  waxa uu ku dooday  in muddo kordhin Xukuumadda loo sameeyaa ay sahlayso in dalka  laga hirgeliyo  diiwaan galintii  cod-bixiyeyaasha  tallaabadaasi oo uu ku tilmaamay mid   sahlaysa  in la ogaado tiradda muwaadiniinta codbixiyeyaasha ah ee wax dooran kara.
 
Maxamed Cumar Xaddi(Cawad),oo shalay nagu soo booqday Xarunta Wargeyska DAWAN, ee magaaladda Hargaysa  ayaa sidoo kale  u soo jeediyay xisbiyada qaranka mucaarid iyo muxaafidba in laga wada shaqeeyo muddo kordhin aan daba dheerayn  oo loo sameeyo xukuumadda talladda haysa, taasi oo suurto gelin karta in dadka reer  dhamaantood la diiwaan galiyo oo ay bulshaddu  wada haysato kaakhka aqoonsiga muwaadinnimada dalka.
 
maayarkii hore ee  Saylac oo arrimahaasi  ka hadlayayna waxaa uu yidhi. “Waxaa inagu soo fool leh oo la doonayaa in aynu galno doorashooyin waxaanay inooga baahan yihiin doorashooyinku arrimo lagama maarmaan u ah  in ay dalka ka dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo la,aantood aanay waxba inoo hagaagayn,waxaana ugu weyn oo ugu mudan in dalka Somaliland miyi iyo magaalo in laga wada sameeyo diiwaan galinta muwaadiniinta isla markaana qof kasta o reer Somaliland ahiba uu helo kaadhka aqoonsiga Somaliland min lawyacaddo ilaa ceelaayo tasina waxay inoo suura galinaysaa in aynu garanno cidda doorashada codka dhiibanaysa ee wax dooran karta.”
 
Waxaa kale oo uu ka hadlay sida uu u arko in dalka diiwaangalinta muwaadiniinta reer  Somaliland  lagu samayn karo o kaliya  haddii xukuumadda xilka haysa mudada loo kordhiyo oo kaliya oo mudada doorashada ka hadhay aan waxba lagu qaban Karin.
“Maanta waxay ila tahay in mudada xilka Xukuumadda ka hadhsan in aan lagu qaban Karin diiwaan galinta muwaadiniinta taasoo inoo saamaxaysa in aynu galno doorasho xor iyo xalaal ah oo la ogaado cidda codaynaysa,laakiin haddii maanta aynu nidhaahno waxaynu diiwaangalinaynaa oo kaliya codbixiyeyaasha oo inta codaynaysa ayuunbaa la tira koobaya taasi waxay noqonaysaa in aynaan garanaynba qofka muwaadinka ah ee codka dhiibayana waxaa kale  oo aan ka digayaa in diiwaan galin kala dhiman dalka laga sameeyo oo lagu kobo oo kaliya in dadka inta magaalooyinka joogta uun la diiwaan galiyo” ayuu yidhi Maxamed Cumar Xaddi.
 
Isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi  “Markaa waxay ila tahay in xukuummaddana xilka loo kordhiyo wakhtina la siiyo si ay inoogu suura gasho in aynu ka badbaadno in ay dhacdo doorasho muran inna galisa oo saamayn ammaan iyo mid siyaasadeedba inagu yeelata,taana waxaynu kaga badbaadi karnaa oo kaliya diiwaan galin dhamaystiran oo ay ka wada siman yihiin dhamaan muwaadiniinta reer Somaliland min miyi iyo magaalo oo la wada siiyo yar iyo weyn rag iyo haween.”
By: Faysal Xiis Weerar (Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply