Madaxweyne Siilaanyo Oo Nickolas Kay u Bandhigay In Qarramadda Midoobay Kaalin Ka Qaadato Aqoonsi Somaliland ka Hesho Caalamka

0
494

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka xoghayaha guud ee Qarammadda Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador  Nickolas Kay,   oo  socdaal ku yimid dalka.
Waxaanay madaxweyne Siilaanyo iyo Ambassador Kay  oo kulan saacado qaatay ku yeesheen xarunta madaxtooyadda Somaliland ee Hargaysa, kulankaasi  oo ay labadda dhinac kaga wada hadleen waxyaabo khuseeyo xidhiidhka u dhexeeya Qaramadda Midoobay iyo Somaliland.
Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis,  oo kulankaasi ka dib warbaahinta la hadlay  ayaa sheegay in  ay labadda dhinac kaga wada hadleen   sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka ka dhaxeeya Somaliland iyo Qaramadda Midoobay, waxaana  uu tilmaamay in ay u soo bandhigeen qadiyadda madaxbanaanida Somaliland, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Waxa ugu weyn   ee aanu ka wada hadalnay waxa weeyi  sidii Qaramadda Midoobay iyo Somaliland cilaaqaad walaaltinimo u yeelan lahaayeen. Somaliland waxa ka go’an in ay soo dhawayso hay’adaha caalamka una sharaxdo qaddiyadda horumarkeeda,  gooni isu-taageeda iyo nabadda taalla. Waxaanu u sharaxnay Nickolas  Kay waddanku halka uu marayo iyo wada hadaladii ka socday Turkey ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.”
Maxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo uu tilmaamay  in madaxweyne Siilaanyo iyo Nicholas  Kay  ay kulankaasi iskula soo qaadeen kooxda Khaatumo oo uu sheegay in Somaliland ay u aragto mid rabshad ka wada deegaanka iyo sidoo kale  muranka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland, isla markaana ay Somaliland mar kasta jeceshahay in wada hadal iyo si nabad ah lagu dhameeyo arrimahaas.
“Waxa kale oo aanu kala hadalnay Kooxda  Khaatumo oo aanu u arragno inay wadaan  rabshad oo aanay dabcan qarramadda midoobay  ictiraafsanayn, waxa kale oo aanu kala hadalnay Puntland waxa aanu u sheegnay in Somaliland tahay dal jecel nabadda iyo walaaltinimadda oo jecel inay wadda hadal ku dhamayso wax kasta.” Ayuu yidhi Wasiir Biixi.
Wasiirka oo  hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi    “Waxa kale  oo aanu ka wadda hadalnay sidii  UN xafiisyadiisii khaasatan xagga horumarinta iyo Samofalka isaga ayaana ka masuul ah Nickolas UN ka halkan jooga oo dhan maadaama uu madax ka yahay UN-ka halkan waxaan ka codsanay inay nala shaqeeyaan oo ay tababar siiyaan warbaahinta tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda gaar ahaana xagga arrimaha bani’aadanimadda  (Media General  Capacity  Human Rights),   iyo arrimo  badan oo ku lug leh, markaa waxaan qabnaa inay ahaayeen wadda hadalo aad iyo aad u fiican, waxaana aanu go’aansanay in aanu six xoog leh uga wada shaqayno horumarka Somaliland iyo sidoo kale doorka Somaliland   ka ciyaari karto nabadaynta ama ha noqoto Xamar ama meelo kale oo khibrad culus u leh nabadaynta oo wadankeedii nabadgelyo ka dhalisay oo  dhawr iyo labaatan sano gooni u taagnayd, waxaanu aaminsanahay  in aanu bilownay xidhiidh cusub waxa aanu kala hadalnay ictiraaf raadinta iyo sidii UN inoola shaqayn lahaayeen iyo hay’adaha caalamku.”
Dhinaca kale Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan  Somaliland iyo Soomaaliya  Nickolas Kay    ayaa waxa  uu faahfaahin ka bixiyay qodobadii ay madaxweyne Siilaanyo kulankaasi kaga wada hadleen. Waxaanu yidhi “Waxaanu  yeelanay  madaxweynaha wada hadal diiran oo midho dhal ah oo aanu kaga hadalnay ajande balaadhan, tusaale ahaan caqabaddaha horyaala  siyaasada Somaliland baahiyaha horumarka, baahiyaha bini’aadanimo  iyo baahiyaha dhinaca dhismaha,  ku dhaqanka sharciga xuquuqal insaanka saxaafada.”
Ambassador  Kay mar la waydiiyay ismaan-dhaafkii  dhex yaalay Somaliland ee ku  wajahnaa  xafiiskiisa oo hore Somaliland u diiday in Hargaysa laga furo, inay aqbashay iyo in kale, waxa uu ku jawaabay  “Waxaan filayaa in madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirka arrimaha dibadu I casuumeen aniga oo ah hogaamiyaha UN ee gobolka iyagoo aqoonsan jiritaanka adag ee Qaramada Midoobay iyo xidhiidhka adage e ay la leedahay Qaramadda Midoobay. Waxa jira dhinacyo kale oo aanan isticmaalin oo Somaliland faa’iido u noqon kara sida aqoonta iyo ku dhaqanka sharciga xuquuqda aadamaha iyo kuwo  kaleba” ayuu yidhi Mr. kay.
Sidoo kale Danjire Kay mar wax laga waydiiyay   wakhtiga la furayo xafiiskii UN SOM ee Hargeysa, waxa uu yidhi “Waxa aanu go’aansanay in talaabadda labaad ay noqoto in aanu helno shaqaalihii halkan iman lahaa si ay u fuliyaan shaqada aanu isla garanay, ee lagama maarmaanka sida dhismaha aqoonta iyo sidoo kale shaqo wanaaga sidaa darteed, waxa jiri doona shaqaale badan oo ka socda Qaramadda Midoobay oo Hargeysa iman doona si rasmiyana u dagi doona.”
Kulankan oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada JSL Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Dr Sacad Cali Shire iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Mudane Cali Axmed Cali.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargesa office

Leave a Reply